DEG DEG: Qarax uu Fuliyey Qof Ismiidaamiyey oo Ka Dhacay Jowhar


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jowhar (RBC) War goordhow naga soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu ku qarxay goob ku taalla bartamaha magaalada xilli fiidnimadii ah, waxaana ku dhintay qofkii ismiidaamiyey oo kaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qofka ismiidaamiyey uu doonayey inuu galo masjid ku yaalla xaafada Horseed ee bartamaha magaalada ku taalla, balse intii uusan gaarin uu qarxay ruuxa sitay waxyaabaha qarxa kaasoo ku qarxay meel bannaanka ka ah masjidka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dhowr dhisme oo meesha ka dhowaa uu soo gaaray burbur, mana jirin wax dad ah oo la soo wariyey in ay waxyeelo soo gaartay.

Ciidamada dawlada ee ku sugan Jowhar ayaa gaaray goobta, waxaana yaraaday dhaqdhaqaaqa dadka qaraxa ka dib, walow xaalada ay degan tahay haatan.

Qaraxyada ismiidaaminta iyo miinooyinka ayaan inta badan aan ka dhicin magaalada Jowhar marka loo eego magaalooyinka kale ee ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ay ka qabsadeen Al Shabaab.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “DEG DEG: Qarax uu Fuliyey Qof Ismiidaamiyey oo Ka Dhacay Jowhar”

  1. Diirshe says:

    Abdirizak, ilama aha in kas tahay ee waa dad bani’aadan ah oo qaldami kara website. Laakiin waxaa ka muhimsan in dhagar qabahaas uu Illaahey ka qabtay Masjidka uu udan lahaa inuu isku qarxiyo, Ilaahey wuu xifdaa xarumaha lagu caabudo.

Leave a Reply