DEG DEG: Wasiirka Gaashaandhiga oo Sida Mushaharka Ciidamada oo Goordhow u Duulay Baydhabo
Muqdisho (RBC) Wasiirka gaashandhiga dawlada federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiir ku xigeenka warfaafinta Ibraahim Isaaq Yarow iyo siyaasiga Maxamed Ibraahim Xaabsade oo deegaanka Baydhabo ka soo jeeda ayaa goordhow diyaarad gaar ah ka raacay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdigan uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga ayaa socdaalkooda waxaa uu la xiriiraa bixinta mushaharka ciidamada ku hawlgala magaca dawlada ee ku sugan gobolka Baay kuwaasoo ka barbar dagaalama ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gobolka.
Wariye katirsan Raxanreeb ayaa soo sheegay in wasiirka diyaaradiisa lagu sii qaaday lacago doolar ah oo ah mushaharka ciidamada taasoo uu maantaba ku wareejin doono taliyaasha guutooyinka ciidamada ee ku sugan Baydhabo.
Wasaarada gaashaandhiga ayaa sidoo kale dhowaan mushaharaad ka qeybisay gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamo iyo maleeshiyaad dawlada magaceeda ku hawlgala.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dib u habeynta ciidamada dawlada magaceeda ku shaqeeya, waxaana bixinta mushaharkan uu ku soo beegmay labo maalin ka dib markii baarlamaanka uu ogolaaday miisaaniyada cusub ee dawlada ee sanadka 2013 taasoo wax xoogaa kharash kordhin ah loogu sameeyay wasaaradaha gaashaandhiga iyo arrimaha bulshada.
Wasaarada gaashaandhiga ayaan dhanka kale heyn tirakoob rasmi ah oo ciidamadeeda ku aadan, waxaana taasi ay keentay in baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyaduba ay codsadaan in wasaaradda gaashaandhiga iyo guddi baarlamaan ka wada shaqeeyaan helista tirada guud ee ciidamada dawlada.
RBC Radio













Mr fiqi waa shaqeenayaa maasha allah insha allah sanadkan cusub inaad wax weyn ka badali doontid ayaan rajeynaa ciidamadana waa iney si toos ah daacad ugu ahaadan Qaranka soomaliya tababar ku filan iyo wacyi galin buuxdo hala siiyo si danaha beelaha iyo deeganadooda uga hor marshan danta qaranka