DEG DEG: Xukuumadda Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Saddex Ruux oo Ajnabi ah oo “Burcad Badeed Laga Soo Furtay”


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa galabta soo bandhigay saddex ruux oo ajnabi ah oo uu sheegay in dawlada Soomaaliya ka soo furatay kooxo burcad badeed ah oo ku heystay xeebaha Soomaaliya.

Raysul wasaaraha oo shir jaraa’id ku qabtay galabta xafiiskiisa ayaa sheegay in kadib sida uu hadalka u dhigay, dadaalay sameysay xukuumadiisa in lagu guuleystay in saddexda nin ee badmaaxayaasha ah oo u kala dhashay wadamada Suuriya iyo Sri Lanka in la soo furto maantana ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

“Dadka aad arkeysaan waa saddex ruux oo ah dad aanu walaalo nahay, waxaa la afduubay 20-kii Disembar 2010 iyagoo marayey xeebaha Soomaaliya.” ayuu yiri raysul wasaare Shirdoon oo wariyaasha kula hadlay xafiiskiisa.

Raysul wasaaraha Soomaaliya ma sheegin halka lagu heystay saddexda nin oo labo ay yihiin Suuriyaan iyo haddii ay jiraan wadahadal lala galay kooxihii burcad badeeda ee heystay saddexda nin.

Sidoo kale raysul wasaaruhu ma sheegin qaabka ay ugu suurtagashay inay soo furtaan saddexda nin ee uu maanta soo bandhigay, maadaama dawlada aysan lahayn ciidan badaha ilaaliya oo awood u leh inay dad afduuban soo furtaan.

“Waxaan ka shaqeyneynaa in dadkaan ay dib ula midoobaan eheladooda iyo caalamkooda ayna dib ugu laabtaan shaqooyinkooda.” ayuu sii raaciyey raysul wasaaraha.

Dhanka kale, warar ay heshay Raxanreeb ayaa sheegaya in saddexda nin ay la kala socdeen labo markab isla markaana y gacanta ugu jireen kooxo burcad badeed ah kuwaasoo iska soo daayey kadib markii ay wax ka waayeen, sidaasi darteedna loogu soo wareejiyey dawlada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “DEG DEG: Xukuumadda Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Saddex Ruux oo Ajnabi ah oo “Burcad Badeed Laga Soo Furtay””

  1. Kkkkkk waa macquul in la iska soo daayay markii wax laga waayay waxaa kaloo macqul ah in xukumada ay qaab farsamo iyo waan waan ah kusoo furatay lkn raxan reeb Dowlada ha ceebenina waa dad la iska soo daayay ilama fiicna adeegsiga ereygaas

  2. jilbis says:

    Warkan oo kale waxaa la’Oran jirey ma shiilna, raisal wasaruhu war aan dhameys ahey ma wanaagsana
    Inuu saxaafada ka sheego, wuxuu ku haboona sarkaal ka tirsan wasarada arimaha gudaha oo magaciisa ka gaabsadey ayaa………………

    Wabilahu Towfiq

Leave a Reply