DEG DEG:Qarax Miino Oo Muqdisho Lagula Eegtay Ciidamada Amisom


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Qaran miino ayaa maanta lagula eegtay kolonyo ka tirsan gaadiidka nabad ilaalinta Midowga afrika degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir qaraxa ayaa ka dhacay deegaanka Ex-Control Balcad ee degmada Huriwaa ilaa hada ma cada qasaaraha ka dhashay qaraxaas oo lala beegsaday gaadiid ciidamada nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom.

Ciidamadii qaraxa miino lala eegtay ayaa markiiga isku gadaamay nawaaxiga uu qaraxu ka dhacay waxaana la sheegayaa iney gacanta kusoo dhigeen tiro dad ah oo lala xiriirinayo ku luglahaanshaha qaraxa lala bartilmaameedsaday.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa nuuca dhulka lagu aaso ee lagu hayo Remote Contor-ka  ilaa hada ma jirto wax war ah oo ku saabsan qaraxa maanta lala beegsaday gaadiidka Amisom oo kasoo baxay taliska sare ee Ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxyada la dhigo wadada dhinaceeda ayaa maalmihii ugu danbeeyey ay ka nasteen bulshada Magaalada Muqdisho kadib markii ay magaalada ka bilaabeen hawlgalo isdaba joog ah ciidamada booliska iyo nabadsugida dowlada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “DEG DEG:Qarax Miino Oo Muqdisho Lagula Eegtay Ciidamada Amisom”

  1. Qoono; says:

    Waa iimaanlaawashii mooryaanta ahaay
    Oo shaati kale gashtey ,

Leave a Reply