Dhigi mayno weligayo rajada. W/Q Abukar Awale (qaad-diid)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

DHIGIMAAYO WELIGEY RAJADA, HANKAYGANA KA ILAASHEY QUUS.
Abukar Awale( qaad-diid)
Gudoomiyaha ladagaalanka Qaadka
abukar_aw@yahoo.co.uk
Janaayo 24 2013

Gudiga loo xilsaaray inay dowlada ingiiska kala taliyaan arimaha daroogada ee loo yaqaan Advaisory counsel misuse of drugs ( ACMD ) ayaa shalay baarid dheer kadib kasoo saaray warbixin ay kula talinayeen dowlada ingriiska inaan qaadka lajoojin.iyagoo kutilmaamay inuusan qaadku habayaraatee wax dhibaataa ku hayn bulshada soomaaliyeed.

Waxaa xusid mudan in isla gudigaani ay bishii oktoober 2010kii ay soo saareen warbixin ku dhawaaqeen in la madnuuco daroogada looyaqaan ( miaw-miaw ) ama methodren  oo ah kaniini laga sameeyo dheecaanka qaadka kasoo ay cunihireen dhalinyarada cadaanka ah.

Gudigaan  oo caadaystay hadii aysan daroogadu dhibaato ku hayn dadka cadaanka ah inay iska dhayalsadaanayaa waxaa lagu eedaynayaa inay yihiin kuwo aan dhowrayn xaquuqda dadka madmadoow.

Waxaa kaloon meesha ka maqnayn dowlada Kenya oo ergo usoo dirtay dalkan britan kana codsatay rag gudiga kujira inay u hiiliyaan, ragasoo aan hada ku eedaynay (conflect of interest) aan ahayn kuwa arinta ka dhexdhexaada.

Waxaa xusid mudan inaysan dowladau weli go’aan gaarin ,qasabna maaha inay qaataan talada gudigaan dowladu waxay xaq ama sharci ahan u leedahay inay talada gudigaan diido oo ay go’aan kadhan in qaadka lajoojiyo soo saarto bilaha soosocda.

Ugu danbayntii hadaanu bahda la dagaalanka qaaddkana dhigimayno weligayo rajada ,hankayagana ka ilaalinay quus ,go’aanka shalay soo baxayna wuxuu ahaa dharbaaxo nalaku dhuftay oo na turaan turaysay laakiin fariisanmayno ,harsan mayno , dagaalkana waa wadaynaa inta naftu nagu jirto guushuna dhankayagayn ahaan hadii alle idmo. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa dhamaan taageerayaasha ololahaan .

Abukar Awale( qaad-diid)
Gudoomiyaha ladagaalanka Qaadka
============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: , , , ,

2 Responses for “Dhigi mayno weligayo rajada. W/Q Abukar Awale (qaad-diid)”

  1. garowe says:

    waa hubaal inaad ka guulaysanaysid kuwaraba inay soomaalida bahalkaa qaadka ah ku baabi,iyaan oo ay u horeeyaan kenya iyo ethoipia nin adagbaad tahay walee waxaana ka soo jeedaa nin culus allaha u naxariistee maxamed cawaale liibaan oo lagu xasuusto calankayagow cawaale astaanta aynucaanka kunahay ee uu hindisay
    illaahay hakula garab qabtaan kuleenahay markaad yurub ka soo afjartid anaguna waan ku sugaynaaye nookaalay puntland ahaan

  2. Cusmaan says:

    Waxaan rajo weyn ka qabaa in kuwa loo tashaday ee marqaanka kaga jira Ingiriiska in kuwo damiir leh ka soo dhex baxaan oo ugu yaraan dareema in loo tashaday. Mar hadaaney jirin wax ummadan u jiir naxaya cilmiga iyo caqligaba been ayaa laga sheegayaa oo sun ayaa la oranayaa waa sun maaha.. waa arin aad ugu badan aduunkan hadda in cilmiga ( The science) ay siyaasadu ma jaraha u qabato si wax khaldan loogu xalaalaysto taas oo ah mid cilmigii lagu bahdalayo laguna indha tirayo waxaana tusaale inooku filan arinta qaadka sida guddiga loo xilsaaray uga hadleen, tan geela Australia lagu laynayo iyo kuwo kaloo badan oo aan midkasta waqtigeeda arki doono ama la soo arkayba. SOOMAALIYEEY… ma jirto cid dayaceena ka damqanaysa, daroogada inaka qabaneysa isla markaana gurmad xigtanimo ina siineysa oo aan innaga laftigeena ahayn….Raja fiican ayaa muuqata mar haddii rag iyo dumar wanaagsan oo inaka mid ah oo xumaanta xumaan u arka wanaagana u arka wanaag ay ina dhex joogaan isla markaana ay wax kasta dhawaaq dheer ku oranayaan.. Towfiiqda Eebe ha ina waafajiyo. scw

Leave a Reply