DOOD FURAN: C/raxmaan Faroole, Madaxweynaha Puntland Mise “Sii Hayaha” Xilka Madaxweynaha?
Garowe (RBC) Shalay oo ku beegneyd 8-da bisha Janaayo 2013 waxay ahayd maalintii u dambeysay ee waqtiga afarta sano ahayd ee sanadkii 2009 madaxweynaha Puntlad loogu doortay C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Maanta oo ah 9-ka bisha Janaayo waxaa bilawday sanad kale oo ah mid shanaad oo aan ku jirin dastuurka Puntland u degsanaa iyo hab dhaqanka soo jireenka ahaa ee ay madaxweynayaashii soo maray Puntland xafiiska joogi jireen kaasoo ahaa afar sano oo qura.
Hadda C/raxmaan Faroole wuxuu ku doodayaa inuu yahay weli madaxweynaha Puntland ee sanadka soo socda, arrintaasoo sharci ahaan su’aalo badan ay ka dhasheen illaa haddana ay taagan yihiin.
Mudane Faroole, waxaa uu qabaa in lifaaqii dambe ee dib looga daray dastuurka cusub ee Puntland uu siiyey mudada halka sano ee uu xilkiisa ku darsaday, wuxuuna meel iska dhigay dastuurkii isaga lagu doortay sanadkii 2009 ee sheegayey in “mudada xilka madaxweynaha, xukuumadda iyo golaha wakiiladaba ay tahay afar sano”. Wuxuu kaloo Faroole qabaa in hawlo badan oo u haray maamulkiisa sida sameynta xisbiyada siyaasadda iyo tirakoobka dadweynaha uu ku soo dhameystiri karo mudada 12-ka bilood ah ee hadda uu ku siyaadsaday. Waana taas dulucda ugu weyn doodiisa.
Dadka isaga ka horjeeda waxay ku doodayaan in afartii sano ee loo dhaariyey in Faroole madaxweyne u ahaado Puntland ay ka dhamaatay, ayna waajib tahay in amaanada ummaddii lahayd uu u celiyo. Dadka mucaaradsan xukuumadda xilkeedu dhammaaday waxay kaloo sheegayaan in hawsha afarta sano ugu qabsoomi weysay Faroole inaaney ku qabsoomi doonin muddo 12 bilood ah iyagoo sidoo kale shaki ka muujiyey awooda kooxeed ee ay Faroole iyo saaxiibadiis u leeyihiin inay “dimuqraadiyad nadiif ah” kaga hirgaliyaan maamul goboleedka hab qabiileedka lagu unkay 1998.
Illaa hadda doodii waa ay taagan tahay, umana muuqato in si dhow iyo waqti dhow xal loogu helaayo arrintaan iyadoo isimadii marjaca u ahaa arrimaha maamulka Puntland ay shibtooda galeen.
Haddaba, mar haddii uu dhamaadey waqtigii sharci ahaan la doortay [legitimate authority] madaxweyne Faroole, maxaa iska bedelaya awoodiisa?
Ma la dhihi karaa waa madaxweynaha Puntland, mise waa sii hayaha xilka madaxweynaha?
Dadka reer Puntland, haddii aysan raali ka ahayn madaxtinimada Faroole sidee bay canshuur ku siin karaan 12 bilood ee soo socota?
Sideese maamul dadkii lahaa aaney ku qanacsaneyn ugu hogaansami karaan? mise awooda ciidan ayaa 12 bilood uu ku maamulan doonaa gobolka?
Ma laga yaabaa in kooxaha siyaasiyiinta mucaaradka ahina gaarkood madaxweyne u sheegtaan?
Dood Furan/ RBC Radio













waxaan ahay qofkii ugu horeeyey oo ka hadla arintaan waxaan ahay dhexdhexaad, waxaan rabaa in aanka hadlo figradeeyda su,aalo badan baa taagan laakiin waxaan leeyahay madaxweyne faroole maaha ku sime ee waa madaxmweeynaha puntland.
madaxweeyne faroole wax isbedelah oo ka badalan waqtigii hore majiro.
dadka puntland boqolkiiba sagaashan waxay karaali yihiin dal iyo dibad in uu dhameeysto halka sano
marka canshuur iyo caqabadkale hadey damacsan yihiin mantey ka jawaabi lahayeen waxayna doorbideen in ay ilaaliyaan madaxweynahooda iyo nabadooda ee qasab majiro hawshuna waa qabyo ee saas wax u fahama o
waxaan leeyahay mucaaradku kuma dhawaaqayaan madaxweyne kale haday u turayaan dadkooda dalkooda dantooda eegayaan waxa yaal oo ka culus waana wax garad iyo aqoonyahano sheekaduna waxaan rajeeyneynaa in ay intaa ku dhamaato
Dacaayada ay wado raxanreeb waa mid haddi loo dhega dhigo wadanka SOOMAALIYEED halis gelin karta siiba gobolada lago yeero Puntland marka waxaan oranlahaa walaalayaal khayrka soo tebiya ifafaalaha xuna ka dheeraada gobolada iyo wadankuba waa hagaaga yaane waa iga talo
Faroole madaxweynaha puntland miyaa mise sii haya xilka warba maahee sidee bii sii haye ku noqonayaa waaba madaxweyne xilka awoodisa ugu darsaday . Mida kale nuxurkii hore ma lahan hada waayo ma filayo inuu qaskii soomaliya uu ku hayay sii wadi doono koley qaskiisa beeshisa hala dhex jooho iyagaa iska burin waayee
aniga waxay ilatahay in aay dhici donto Ceeb ween iyo dhibato dhiig Xanbarsan,nimanka caqligoda kahelay in aay sharcidaro kumamulan wadan dastur leh,misana dadkii shalay dortay oo mudo ku heshiyey in misna loga boxo oo layirahdo 1sano ayanu badil idinku xukumayna tasi dadka kama gadmayso,wadna ogandontaye waxaa dhici donadhiig iyo ceeb uso hoyata dadka reer punland,sababtoo ah dadku waa dad wax yaqan caruur ma’ah canshurna bilash iyo baad ku bixin mayan.
Puntland jiritaankeeda iyo wadajirkeeda ba ka weyn shaqsi shalay yimid berrina tegayaa, nimanka mucaaradka waxa aay maanta diidayaan maxay u diidi waayeen maalinkii Garowe lagu dhamaa oo lagu ansixixnayay waxa aay maanta diidayaan waxaana xusid mudan Gaagaab inuu goobjoog ahaa maalinkaa, marka wiil Puntlander inuu ku dhinto fowdo kursi lagu doonayo anagu diidnay.
Faroole waa madaxweynaha Puntland, inta ninankaas mucaaradka ah hadana argagixisada la xirtay ay guryaha shirarka qarsoon ku qabanayaan.
Canshuurta anagaa diyaar la ah waayo sharaftada ayaan ku ilaashan.
asc waxay ila tahay faroole tag kuma tagayo oo waad aragtaan xoog buuna idinku haystaa ee iska dul qaata hadii aydaan awood u haynin soomaalidu waxay tiraahdaa koroowdhici waayay hadaad aragto geed adag ayuu haystaa hada waxaan umalaynayaa faroole in uu awood adag uu haysto ama uu doonayo in ayna wax kadanbeeyaa aynajirin marka alaiska dulqaato puntalaaneey
Waxaan salamayaa dhamaan shaqaalaha Raxanreeb, haddii aan ka hadlo fikradayda waxaan qabaa Mudane cabdiraxmaan Faroole in uu yahay Madaxwaynaha Puntland ee saxda ah waana sababaynayaa…………….. horta dhowr waxyaalood baa wax lugu dortaa midda koowaad waa doorasho qof walba codkiisa dhiibto taas hada soomalia kama jirto, tan kale waxaa jira dad matala dadka shacabkaa oo ku hadla afkooda waana tan hada wuu ku joogo maxadwaynaha hada talada haya ee puntland Dr cabdiraxmaan marka waxaan dhihi lahaa intaasoo ergo ahayd ciyaar mahayn ee la iska daayo si xun wax u sheega wabilaahi towfiiq
Waa Madaxweynaha Puntland second term ayuu sii wada. Waqtis waxu ku egyahay marku second term dhameysto 2018 – Wax weyn ayuu dalka ka qabtay.
Mucaaradka iyo hanjabada dagaalka ee wadaan ha joojiyaan. Mogadishu ayaa ka dambeyo mucaaradka sii ee mamulkeen qalqal u galiyaan ayaga iyo argagxisiyada waa isku mid.
budlan kaa deyran baladii ku duminlahayd
kaadabxirab daalinkiyo kii dugalsadaba
xumuhu kaa deeyran shaydanku kaadabxiran
dagaal oogiyo aloow balo naga dulqaad
daalin iyo xaasid naga daah ilaah waxdaran
daarta nabdeedey ku dakee dareen la,aan
daryeela aruuriyaay dalinkumahabsad
Faroole shaci kuma joogo,rabitaana kuma joogo,ee wuxuu ku joogaa koox uu sameystay oo taageero la garan taagan qorshihiisuna waa inuu xoog ciidan ku joogo halka sano iyo ka diba,waa madaxweyne iskaa ah isaga ayaa is caleema saaray sii hayana maahan oo cid tiri siihaye noqo lama hayo,canshuur hadii aan xitaa la siin faroole iyo kooxdiisu wey joogayaan sababtoo ah isagaa burcad badeeda inuu maamulo lagu eedeeyaa oo lacag xaga ayey ka soo galeysaa,mucaaradku madaxweyne ma sheegan karaan oo ma heystaan ciidan hadiiba ey dhacdo in faroole iyo kooxdiisu ku soo duulaan isaga dhiciyaan sidaas darteed mucaaradku hadal ku noole uun buu ahaan doonaa,arinku wuxuu marayaa rab ama ha rabin faroole waa lagu rabsiin,waana wax lala yaabo in nin isimaduu puntland ee isaga xilkaan u dhiibay la simay dumar inuu xoog ku sii joogo maamul somaliya ka jira waqtigaan.
noooooooooooooooooooooo commet
Anigu waxaan qabaa in laga doodo oo falanqeeyo waxaa u baahan cidda aynu dooraneyno jan 2014 insha-allah
waxaa inagu waajib ah in aynu adkaynno nabadgelyada walaalnimada iyo wada jirka waxaa loo baahan yahay oo muhiim ah in aan hore u soconno muhiimaddu waa who will be the next president of puntland oo umaddaan horumar iyo baraare ku hoggaamin kara
Halkaan sano oo uu ku darsaday faroole xaraam iyo xalaal waxay tahayba waxaa ka muhiimsan kana qiima badan ammaanka iyo xasiloonida puntland hal wiil intuu inooga dhiman lahaa in aynu sabburno ayaa ka khayr badan ka darar yar
kkkkk haye haye madaxweynihii wakhtigiisu idlaaday maxaa meesha fariisiyey soo ma oga in puntlan dastuur u yaalo iyo kala danbaayn farooloow adeer amaankayaga hanaga khalkhalin waanu ognahay adiga gaagaab iyo ina siciid samatar inaad passport ajanabi ah jeebabka idiinku jiro oo hadii dagaal ka dhaco puntland aad dalka passport ku siiyey u carraysid adeeroow nabaddda qaado oo meesha iskaga deg mida kale hadii nin waliba iskaga darsado meeshuu maaha sudan iyo dalalkale oo badan oo africa ah adeer si nabada iskaga deg mida kale meeshaan puntland isimaa dawladdan noo dhisay markaa adeeroow isimada talada u dhaaf waxaan ka codsanayaa isimada puntland inaay arintan soo farageliyaan hadii faroole xiniinyaha ka siibayna noo sheegaan laakiin waa in wax amaanka ku lida aan la samaayn please
Somaliyeey dhib badana adeer ma la iska dayo shariifka waa nin mudan in loogu daro cisman maxamuudka aad shegaysana agtisa ul kama jabsan kara walo adoo dagan xafad kamid ah galkacayo ee israc kuligiin imada waa la idin sugaya
kkkkkkk oo kaalay maxad isu daalinay saan ninkii wax isku haya faroole ha utago wuxuu joga boosaso calaacal badan waxa lagu yaqaan dumarka iyo caruurta
P/land waxay ku bilaa bantay 2labosano inuu madaxwaynuhu xilka hayo waana la,kordhiyay oo 4sano ayaa lagaarsiiyay waxaana kordhiyay golaha sharci dajinta iyo dowladihii howlaha horumarka loo doortay waana kumahad san,yihin maantana hadii nadaam cusub lasookor dhiyay waa kii loosocday ee dhamaystirka ahaa in shacabku wax doorto mudaduna 5sano lagadhigay hadiiba laysku haysto wax dastuurka lagu qoray maxaan kasamaysanaynaa maan dastuur iyo dowlad iyo baarlaman kuli iska dhaafno ergo yaa kow wax soo doratay waa laga gudbay baarlaman ayaa ku xigay hadii maanata wakhtigii shacabka loogudbay waa inaan soo dhawayna jaaniskeena walow anigu shaqsi ahaan aanan jeclayn nidaamkan maxasta wax magaratada ayaaba kubadan food,dheere dhamaantis miisi iyo muhanad ayuu ucodaynayaa naag oo dhamina lamiis ayay ucodaynaysa aqoonyahanba inta garanaysa way iska yartahay
Soomaaliya hal madaxweyne ayey leedahay waana madaxweyne Xasan sheekh Maxamud.Faroole ha oranina waa madaxweyne.Waa gudoomiye gobol xilka isku dhejinayo.
waxaan leeyahay iska dhiig inta goori goor tahay xilka.Wuxuu ku dhaartay in qofkii aan qancin aaqiro qancin doonto,taas macnaheedu wuxuu yahay aaqiraan u dirayaa qofkii iga soo horjeesto.War sidaas ma u garateen guuleysta geediga horay u wada.
ASC dhamaantiin
Waxaa layaabanahay in dood lagadhigo, arin bulshada iyo ururada iyo qurbajoogtu taageersantahay. Waxaa ilaah mahadiisa in puntland markasta la’hadal hayo qabaailada kale ee soomaaliyeed ee jidgooyada iyo kufsiga lugu hayo aan wax fikir ka dhiibanaya aysan jirin.
Waxaan bahda raxanreeb ugu baaqayaa inay meesha dhibtu kajirto kahadlaan oo u baahan in naf iyo maalba loo huro, waayo waxaa laga yaabaa inay soomaaliya wax u qabsoomaan.
C/raxmaan hada isagaa ka ah madax puntland, sidaas ula socda.
Ainiga waxaan aamin sanahay in Cabdiraxman Faroole uu yahay sii hayaha qasabka ah ee madaxweynaha Puntland. Waxaa layaab leh in qof muslin sheeganayo oo hadana hogaan ummad ah sidee waxii shaley uu ku dhaartey “8- jan-2009″ oo ahaa 4 sano in uu hayn doono xilka madaxweynenimadda ee Puntland uu maanta u yiraahdaa ” Markaygii horaba 5 sano baa la’idoortey”. Mar hadii qasab ku sii haye Faroole balankii iyo axdigii uu galey ku wacad furey, hada ma aha nin Illaahey iyo ummada ka xishoonayo. Horey baan u ogeeyn in Cabdiraxmaan Faroole uu dharaar cad uu baarlamaanka Puntland weerarey isagoo ku gaashaaman wiilal yar yar uu heeb ahaan ku soo weerer galiyey qaarkoodna halkaas eey ku dhintey, laakiin isaga maalintii xigtay uu u dhoofey Australia isagoo bad qabo. Ninkii waxaa ku kacay miyaa hada garanayo war 4tii sano ee laguu dhaariyey weey dhamaatey ee doorasho qabo? Taasi jawaabteedu waa maya. Puntlad shaley “8- jan-2013″ waxeey ku dhacdey shalow eey adkaan doonto sideey uuga soo baxdo, waxaana u bilaawdey sanad madoow. Maxaa yeelay balantii uu faroole ummada Puntland la galey buu jabiyey, hadana waliba loogu sacabo tumey.
Cali Xirsiyow afka caano lagu qabay waa sida aad u sheegtay weeye halka sano iyo shan sanad oo soo socota baan u rajeynaynaa Dr. Faroole Madaxweynaha Dowlada Jumhuriyada Puntland. waayo madaxweynaha wuxuu la yimid wax qabad muqata oo aan la dafiri karin. noolow Faroole noolow
Waxaan u malayn inaysan inu cusbayn foolxumada dowlad la’aan iyo jahawareer. Cidii aan wali ka dhargin human maahan waayo humanku khibrad buu ka qaataa dhibaatada. Yeynaan balo u yeeran, amaankeena aan ilaashano cadow badan ayaan leenahaye.
Si aan u saxano wixii inaga qaldama aan qaadno wado ku salaysan caqli iyo deganaan.
Faroole waa madaxweynaha Puntland oo sii joogi doona Jan 8th, 2014. Reer Puntland oo dhan caamo iyo caruurba raali bay uga yihiin, ragga argagixisada Shabaabka la xirtay oo laga wada wareystay Al Furqaan Radio talo iyo wanaag uma hayaan Puntland. Wax ay qaadi karaana ma jirto, oo mar dhow ayago Dibadaha gaaf wareegaya ayaa dabada laga wada shaabadeyn doonaa. Guul iyo Barwaaqo Puntland, cadowgeeda gudaha iyo dibadaba Allaha jabiyo.
waxaan leeyahay in aan ku dadaalno sidii aan utiigsan lahayn waxa aan doonayno mida kale dadka reer puntland waa dad wada dhashay jecel wadan kooda midnimadooda iyo wada jirkooda wadankooda marka waa in aan lashaqaynaa dowladeena horay usocota si aan ugaarno waxaan tiigsanayno mida halka sano waxaan leeyahay hadii ay mucaaradku qaylinaayaan waxaa loo baahnaa in ay kahor qayliyaan ergadii maalintay wax ansaxinaayeen laakiin maanta oo sharci ah cid laga yeelaayo burburka puntland majirto shacab iyo dowladba waan ka hortagaynaa waana ogsoonahay waxa soo adeeg saday kooxda muqdisho fadhida iyo alshabaab lakiin idiin soconmayso mida raxanreeb adeer uleexda dhanka wanaaga waxaa daba dhigateen faroole waxaana isku diraysaan shacabka puntland hadaa nacdeen faroole bari buu idin katagin ee ka daaya dalka duminta taasna waa iga waano guuuuuuul puntland
Waxaa nasiib daro ah in Suaashan oo kale la is weydiiyo, balse jawaab hadaan ka bixiyo oo aan caqli celin Iyo sixid isku dayo. Marka hore Madaxweyne Cabdiraxmaan kuma darsan Sanadka waxaa ugu daray isimada Puntlnd, siyaasiyiin Iyo aqoonyahano muhiima oo laga soo xulay bulshada Puntland. Waa wax si sharci ah oo process ah loogu daray ma aha wax uu kaligii goaamiyey. Raxanreeb waxay ahayd idaacad hii soo tabinayey shirkaasi . Dastuurka Puntland lagu ansixiyey. Waa nasiib daro Iyo aqoon gaabni xaga saxaafada ah Iyo dhexdhexaad la aan ku dhisan Jaahilnimo in aan lagu Sheegin maqaalkan Iyo web page kan shalayna aad soo tebinaysiin. Waa nasiib daro Haysata saxaafada Somalia ee Qabiilka uu madaxda ka gumeysto. Awooda Puntland waa mid ku dhisan shacabkeeda gudaha, dadkuna way taageersan yihiin madaxweynahooda u horseeday nabada, horumarka, demoqraadiyada Iyo sharafta
Ilaaheey ha xafido madaxweyne cabdiraxmaan Faroole waa halyeey, isaga ayaana ah madaxweyne Puntland
Sanadka 2014 bisha janaweri waa in la qabtaa doorashada xisbiyada, ka dibna la doortaa madaxweyne cusub. Hadduu soo noqdo Faroole, waa la soo dhaweyn, haduu la dooran waayey booska wuu ka tegayaa. Bishii koowaad ee sanadka waa idlaatay
A/C
Waxaan aad ula yaabay ninka labaxay GARAADKA walaal waxaan kaaga naseexaynayaa in aad ka dayso aflagaadhada meelaha akhayaartu ay isku dhaafsadaan aragtidooda ama opinion kooda,
Waxyaabaha ina ku cusub waayahaan waxaa kamid ah garaad caytamaya.tolow maxay ka caraysanyihiin?
Garaad madaxwayne faroole iyo madaxdii ka horaysay iyo waliba dhamaan shacabka puntland waxay idinla jecelyihiin khayr iyo baraare, laakiin Garaad idinkaa waxaad doorateen ,DULI,IHAANO iyo in iidoor ama isaaq. Gabdhihiina Qaniimaystaan, allana waxuu leeyahay qofkii illahay hoos u dhigo sharaftana kaqaado,cidkale kor uma qaadikarto sharafna masiinkarto,
Garaad. waxaan ku xusuusinayaa puntland markay go,aansatay in ay ka xoreeyaan LAASCAANOOD iidoorka,waxii aad samayseen cidna kama qarsoona WIILASHII BAAD DHABARKA KATOOGATEEN,
Garaad. waxaan idin sugaynaa oo idin difaacaynaa markii timihiinu dhinac u xiirmaan,waxa aan lahadlayo reer buuhoodle kuma jiraan ,xaashaa lillahiye waxay mudanyihiin sharaf iyo qadarin,
Regards/
Adoon illahay
[...] Nairobi (RBC) Waxaa maalinimadii Khamiista ee 10/01/2013 magaalada Boosaaso booqday wafdi Mareykan ah oo ka socday Safaarada Mareykanka ee Nairobi isla markaana uu hogaaminayey Wakiilka dawlada Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya Amb. James Swan, waxayna kulan la yeesheen C/raxmaan Maxamed Faroole oo khilaaf uu ka taagan yahay xilkiisa madaxtinimada Puntland. [...]