DOOD FURAN: Madaxda Dawlada Iyo Laamaha Garsoorka oo Siyaabo Kala Gedisan u Fasiray Kiiska Wariye Cabdicasiis Koronto Iyo ‘Haweeney La Kufsaday’ oo Xiran
Waxaa maalintii 19aad xabsi ku jira wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim “Koronto” oo ah wariye madax bannaan oo la shaqeynayey idaacadda Dalsan ee Muqdisho iyo idaacadda Ergo ee bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay. Illaa hadda waxaa lagu eedeynayaa wariyaha inuu wareystay haweeneyay kufsadeen ciidamada dawlada.
Xariga wariyaha ayaa dhacay 10/01/2013 markaasoo laga soo wacay xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho ka dibna la weydiiyey inuu wareystay haweeney markaasi ay ciidamadu soo qabteen.
Waxaa wariyaha la xiray haweeneydii la kufsaday, seygeeda oo lagu magacaabo Muxyidiin, haweeney kale oo ay qaraabo yihiin iyo nin isku xiriiriyey haweeneyda la wareystay iyo wariyaha. Dhammaan dadkaasi waxaa loo heystaa inay sheegeen kufsi aan jirin, siday dawladu ku doodeyso.
Maalinimadii Sabtida ayaa wariyaha laga wareejiyey xabsiga CID-da waxaana loo wareejiyey xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo wax maxkamad ah la geynin wariyaha.
Kala hadalka masuuliyiinta iyo laamaha garsoorka
Tan iyo markii la xiray wariyaha waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo dawlada ka wada tirsan, laga soo bilaabo madaxweynaha, raysul wasaaraha, wasiirka arrimaha gudaha, taliyaha booliska, taliyaha CID-da, Xeer ilaaliyaha guud iyo wasiirka garsoorka.
11-kii Jannaayo oo ahayd maalintii ku xogtay maalintii la xiray wariyaha wsxaa hadlay taliyaha laanta dembibaarista Jen C/laahi Xasan Bariise, wuxuuna sheegay in wariyaha loo heysto warbixin been ah oo lagu daabacay website-ka Al Jazeera taasoo ku saabsanayd kufsi haween barakacayaal ah loogu geystay magaalada Muqdisho. Isla maalintaas Jen Bariise ayaa idaacadda Dawlada ka sheegay inay heleen 11 kufsi oo ka dhacay Muqdisho ayna baarayaan.
16-kii Jannaayo waxaa shir jaraa’id ka soo muuqday taliyaha booliska Jen Shariif Sheeukhna Maye oo ay dhinac taagan tahay haweeneyda la soo xiray ee kufsiga horey loogu geystay. Haweeneyda iyadu ma hadlin laakiin taliyaha booliska ee ag taagnaa ayaa sheegay in gabadhaasi wax kufsi ah aan loo geysanin. Wuxuu ku dooday taliyuhu in sumcada booliska loo gefay.
Jen Maye ayaa ku tilmaamay gabadha iyo wariyaha inay yihiin dembiilayaal (markaasi wax maxkamad ahi ma cadeynin xitaa eeda loo heysto wariyaha iyo gabadha), wuxuuna taliyaha booliska sheegay inay maxkamad geynayaan.
17-kii Jannaayo Waxaa kulmay golaha wasiirada dawlada federaalka, waxaana dhamaadkii kulankooda ka soo baxay war saxaafadeed lagu saleeyay xog uu golaha siiyey wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana war saxaafadeedkaasi lagu tilmaamay wariyaha iyo gabadha la xiran inay yihiin ‘dad’ ku been abuurtay kufsi aan dhicin, lana geyn doono sharciga hortiisa. [Akhri war saxaafadeedka]
18-kii Jannaayo waxaa markale hadlay wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan kala qeybgalay hay’adaha samafalka, wuxuuna halkaa kaga dhawaaqay in gabadha la kufsaday iyo wariyaha ay ku cad yihiin dembiga ay galeen. Sidaa darteed wuxuu sheegay in maxkamad la soo saarayo.
19-kii Jannaayo waxaa shir jaraa’id qabtay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo isagoo careysan ka hadlay kiiska xariga wariyaha iyo dilalka loo geysto suxufiyiinta. Raysul wasaaraha wuxuu kulankaasi ka sheegay in uu amray in haddii wax eedeyn ah loo hayo wariyaha la keeno haddii kalana la siidaayo booskiisana laga xiro dadkii soo xiray. [Akhri hadalkii raysul wasaaraha]
“Anigaa ugu sarreeya xukuumadda, ilaalinta sharciguna waa lagama maarmaan, sidaa li ajligeed waxaan farayaa si adag wasaaradda arrimaha gudaha iyo dhammaan hay’adaha sharciga qaabilsan kiiska wariye C/casiis in la dedejiyo.” ayuu yiri raysul wasaaraha.
“Ma u dulqaadaneyno in lagu sii hayo xabsiga, garna ma ahan, waa in la dedejiyo, waa in hadduusan dembi lahayn xorriyadiisa la siiyo wixii gaareyna cidii gardarrada u soo qabatay la weydiiyo loo dabagalo, hadduu dembi leeyahayna la mariyo.”ayuu sii raaciyey raysul wasaaraha. Wuxuuna intaa ku daray in hadduu siideyn karo wariyaha uu siideyn lahaa isla maalintaas!!!.
Raysul wasaaraha ayaa carrabka ku dhuftay in booliska iyo arrimaha gudaha ay had iyo jeer u keenaan warbixino hordhac ah oo aan dhameystirneyn uuna dalbaday in wax sax ah ay u soo wariyaan.
24-kii Jannaayo waxaa kulan ka dhacay hotelka City Plaza khudbad ka jeediyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay Mareykanka. Wuxuuna madaxweynuhu ka hadlay saxaafadda oo uu si kulul u dhaliilay. [AKHRI HADALKA MADAXWEYNAHA]
Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay jiraan, sida uu yiri “dad xun oo saxaafadda ku dhex jira” kuwaasoo sumcada dawlada ka bixinaya sawir qaldan.
“Sida ay bulshaduba ugu dhex jiraan dad xun ayay saxaafadda ugu jiraan dad xun.” ayuu yiri madaxweynuhu.
“Wiilasheena iyo gabdheheen saxaafadda ka shaqeeya ma ahan inay sharafta dalka ay ku ciyaaraan, waxaa la adinka rabaa in aad wajiga fiican ee wadanka aad gudbisaan, wixii jira lama qarinayo MAYA laakiin waxaan jirin ma ahan in lacag lagu raadsado.” ayuu intaasi ku daray.
26-kii Jannaayo waxaa saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. C/qaadir Maxamed Muuse oo maalintaasi ku dhawaaqay go’aan wariyaha loogu diray xabsiga dhexe. [AKHRI Xeer ilaaliyaha oo sidii garsoore go'aan gaaraya]
Xeer ilaaliyaha wuxuu maalintaasi sheegay in dacwadii wariyaha iyo dadka la xiran la soo dhameystiray, waqti dhowna maxkamad la geynayo balse inta beesha caalamka oo kiiska daneyneysa ay ka imaanayaan wariyaha iyo dadka kalaba lagu heyn doono xabsiga dhexe.
27-kii Jannaayo waxaa idaacadda VOA ay wareysatay wasiirka garsoorka C/laahi Abyan Nuur oo ku celceliyey in wariyaha iyo dadka la xiran aan la dhihi karin “DEMBIILE” balse ay yihiin “eedeysanayaal”. Hadalkaasi oo ka hor imaanaya kii uu jeediyey wasiirka arrimaha gudaha.
Wasiirka Garsoorka ayaa sheegay in kiiska illaa inta laga soo dhameynayo lagu heyn doono dadka xiran xabsiga dhexe.
Haddaba akhristow maxaa kaaga baxay hadaladan kala duwan ee madaxda dawlada ka yiraahdeen kiiskan?
Ma kula tahay in waqtiga intaas la eg ee ku baxay kiiskan inuu mudnaa? dawladase ma u yaalliin shaqooyin midan ka muhiimsan?
Eedeymaha kufsiga miyaa mudan in la baaro mise dadkii dhubanayaasha ahaa ayaa xarig mudan?
In qof muwaadin ahi uu dacwoodo ma dembi baa? saameyn intee la eg ayay arrintan ku keeni doontaa kiisaska kale ee kufsiga ee lagula kaco dumarka Soomaaliyeed?…..
_Waa dood furan_
RBC Radio














asc waa wax fiican in la helo dowlad laxisaab tanta wariyeyaasha hadii kale waxaa dhici karta in laga been sheego saxaafada waxaan urajaynaynaa inay xaqiijiyaan wax walba oo ku salaysan cadaalada mahan in umada laga been sheego oo danbi aan la galin layiraahdo waa lagalay
waxay ila tahay qoraalka aad soo qorteen wax is khilaafsan kuma arag waxaana xaq uleh iney baaraan
nabad sugida ama dambi baare una gudbiya xeer ilaalinta,kiiskaana wa jiraa laakinn in aan ala aaminin
dowladii wakiilka ka ahaay dalka lala safto dambiile waxaan u arkaa dawlad bur burin ama u taageerid
dambiile,makula tahay ninkaan oo galin kiiskaan inuu xiraa lahaa,wariyuhu waxa ay isku hayb yihiin
taliyaha nabadsugida iyo wasiirka arimaha gudaha,,,mana ka boodi karaan sharciga,marka waxaan
qabaa sharciga ayaa ruux kasta ka sareeya hadii kale kkkkkkkkkkkkkkkkkk
kkkkkkkkkkk kkkkkkkkk kkkkkkkk ceebay tacaal waa waxaan horay aan idin kugu sheegi jir nay hadaa nahay ku minitiga oo aan dhihi jirnay waxaa ka muuqda nadaam la ,aan daacad xumo kal sooni daro iyo qaabka sharciga oo aysan aqoon ula hayn haba ugu horeeya max ku sheega ugu wayn d\ ku sheega laakiin hadaan u dag dago muhiimada ma waxaa go aan kiisu soconayaa saacid oo leh wax dan bi ah hadaan wariyaha lagu hayn waa lasiidayn badal kiisana waxaa lasoo xirin dadka ka soo been abuuray?? ma waxaa go aan kiisu socon xeer ilaaliyaha leh waa dhamaatay dac wadii waxaana su gaynaa hay ,adaha xii seeya kiisaskaan inta ay ka imaana yaan ayaan sugay naa?? ma waxaa laqaadan oo socon wasiirka gar soorka oo leh dad kaan lama oran karo waa dan biilayaal ?? ma waxaa laqaadan xeer ilaaliya ha oo leh dacwadii waa lasoo dhamaytiray ?? ma waxaa laqaadan m\ ku sheega oo leh saxaafadu waxaa ku jira kuwo xun sida dadku ugu jiraan dad xun ?? ma waxaa laqaadan r\ wasaaraha oo leh in hadii wax amraya lakeeno hadii ka lana lasii daayo?? hadaba in taa oo kala hadal ah dowlad ku sheeg dhexdeedii ka jiro dad ka ay hogaami naayaan amaba mustaq bal uga fadhiyaa waa ku wee?? maku waan ay 19 maal mood xabsiga ku hayaan baa ?? ma ku waan ay kuf siga ugeeys teen baa hadana ay duuga yaan xaqoodii ?? ma ku waan ay cay nayaan baa oo ay lee yihiin saxaafda waxaa ku jira dad xun sida ay ugu jiraan dadka dad xun ?’? yaase weeye ku wa aad xaqooda udhaa rateen ee aad dufaacay saan?? walaahi waa moor yaan la isku soo aruuriyay waxayna is taahi laan wax xabsi daa in lagu xukumo haba ugu horeeyee m\ ku sheega oo dadka meeshuu dufaaci lahaa uu dhaliilay duf ku bax waaba nool yahay oo soo hor istaagin dad ileen waji fool xun maqa jilo kkkk waxaan anigu ku talin lahaa ku waan sharci maya qaanaan neh xala iska cayriyo marka baar lamaan ku soo noqdo haloo diyaariyo mooshin xilka looga tuuri lahaa qaasatan m\ ku sheega wayo waxuu ka soo bixi waayay masuuli yaduu udhaartay waxaaba kasii daran waxii lagu heshiiyay ayuuba baal maray sidaa darteed dadka u dhaq dhaqaaqa arimaha bulshada waa in ay diyaari yaan mow shin xil ka tuuris ayagoo kaa shanaaya intaa oo qa;lad ah hadii ka lana wax laga qabto waa taas wa dada ugu wanaag san ee xalka uu ku imaanaayo meesha shaqaa loo baahan yahay ee shaah cabid looma baahna kkkkk nin aan talin jirin haduu taliyo nin aan tagi jin ayaa taga oo aad ujeedaan in ay cadaaladii tag tay kkkkk
Waa Yaab, waayo Wariye lagu haysto runta maxaad u sheegtay.Ciidamada Dowladda ee lasheegaayo soo maahaa Mooryaantii Umadii Muqdisho kadhigtay,Baa bah,Soo maaha haraagii Cali Mahdi Iyo Caydiid. Soo Maaha Intii ay dhaleen Gabdhihii Ay bililiqeeysteen Dhashoodii, Soo maaha kuwii awalba Gabdhaha iyo waayeelkaba aan kala reebin.Maxaase Hal gabar oo la kufsaday wari loogu haastaa?Meeqa gabdhood ayaa Muqdisho Lagu kufsadaa Habeen walba,Muqdisho Muqdisho Muqdisho Waa hoyga Kufsiga , ee qaaday koobka aduunka ee Kufsiga ,Dhaca,Dilka Iyo Bililiqada,EE Dowlada lasheegaayo Runta ha sheegto,waxa ay ku haysato wariyahaan daacada ah.Timir lafaa kujirta. Ee ceeb Haday Dad wax u dhimayso Muqdisho dadka ku noo ayay dili laheed.
asc-waa cajiib ,maxa lagu heystaa wariyaha…sow shaqadiisa ma ahoo inuu wararka tabiyo….tani waa xumaan aan geed loogu soo gaban oo lagu xumeynayo shacabka soomaaliyeed…oo la ildaran dhibaatooyin ay ka dhaxleen dagaaladiii sokeeye..iyo xaq daradii iyo qiyaamadii ka socotey wadanka mudo 22sano..xagee lagu arkey in la xiro dadkii dhibanayaasha ahaa oo la taageero dadkii dambiilayaasha ahaa ee geystey falka wuxuushnimada ah..ilaahow adaa xaqsoora ah..wbtfq..