Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab
Muqdisho (RBC Radio) Sirdoonka dalka Itoobiya ayaa ku sheegay in gacanta lagu dhigay rag ka tirsanaa maliishiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalamay wadanka Soomaaliya.
Warbaahinta wadanka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ee wadankaasi ay gacanka ku soo dhigeen rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo maalmihii ugu danbeeyay soo galay wadabkaasi.
Waxaa lagu eedeeyay ragaan in ay doonayeen in ay weeraro argagixiso ay ka geestaan wadankaasi Itoobiya isla markaana ay bartilmaameedsadaan xarumo muhiim ah.
Warbaahinta Itoobiya ayaa sidoo kale waxay soo bandhigtay waxyaabaha qarxa iyo waliba Hub la sheegay in ay wateen kooxaha doonayay in ay weerarada ay geesaan.
Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in Raga gacanta lagu soodhigay ay gaarayaan ilaa 15-dagaal yahan kuwaasi oo tababaro ku soo qaatay wadanka Soomaaliya, isla markaana ay taba bareen Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in ragaan dhowaan maxkamad la soo taagi doono, waxaana wali jira baaritaano kale oo lagu baadi goobayo kooxo kale oo la aaminsanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan wadankaasi.
Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili ciidamada Itoobiya ay ku suganyihiin Soomaaliya isla markaana qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya ay kula dagaalama yaan Al-Shabaab.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho













sheekadaani waa warbixin jamhadeed shabaab markii ay xooga badan lahaayeenba itobiya ma aadine haday maxay ka doonayaa in la is waydiiyo soo munaasab maahan waxaanoo kale waa dhiiraglin sirdoon iyo dhaqdhaqaaq usmayn