Dowlada Soomaaliya & Midowga Afrika Oo Maanta Ka Wada Hadlay Dib U Eegista Hawlgalka Amisom
Muqdisho(RBC Radio) Kulan ay maanta Muqdisho ku qaateen madaxda dowlada Soomaaliya iyo wafdi ka socday Ururka midowga Afrika oo uu horkacayey Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan dalka Soomaaliya Mahammet Saalix Annadif oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbixiyey waxyaabihii la iskula lafa guray wasaiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed wuxuuna sheegay in kulanka diirada lagu saaray dib u eegista qaabka ay uu u shaqeeyo hawlgalka Amisom ee wadanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay la isku afgartay wuxuuna hadalkiisa kusoo koobay maadaama ay Soomaaliya ka baxday kumeelgaarnimadii in ay muhiim tahay in dib loo eego hawlgalka Amisom kadibne Qaramada Midoobe ay u gudbiyaan si Waqti kordhin loogu Sameeyo hawlaha ay Soomaaliya ka hayaan, balse wasiirka ayaan si cad u sheegin go’aano ay wada gaareen marka laga reebo iney is afgarteen laba dhinac.
Waxaana isne dhankiisa Saxaafada la hadlay Mahammet Saalix Annadif oo sheegay in kulanka maanta looga wada hadlay sidii loosii dardar galin lahaa hawlaha Amisom ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in waxyaabaha ay labada dhinac ee dowlada Soomaaliya Midowga Afrika isku afgarteen la hordhigi doono shirka Midowga Afrika ee ka dhici doona Dalka Itoobiya kadibne loo gudbin doono golaha loo dhanyahahy ee Qaramada Midoobe.
RBC Radio













Bal haduu ka faa’ideysan lahaa fursadii uu heystey, doolad baa la’isugu yimid, balan baa lakala qaatey, aawey dib u heshiisiintii iyo xoolihii shacabka? ISKA daa inuu ka hadley, wuxuuba bilaabey isbaaro cusub iyo inuu dastuurkii lagu heshiiyey ku cabaado, hogayeey ba’ayeey waa la’idhaafey, wali caqligii mooryaanimadaa ku jirta, dad soo dhismayey ayuu rabaa isbaaro uu u dhigto inuu ku soo gaaro, caqliga isbaarada kamaba dhamaato miyaa reerkan? wallahi waxaa la heshey qolodii tiri xasan xoolo,..