Dowladdu geeddiga meel magac leh ha gaarsiiso. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Dowladdu geeddiga meel magac leh ha gaarsiiso.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 05 2013
Waxaa inoo bilowday sanadkii 2013ka ee sanadka aan inta badan wax ku tirsano ee Gregorian-ka, waxaana si gaar ah annaga Soomaalida ah inoogu bilowday sanadkii 23aad oo aad wali moodo inaan madaxda siyaasadda Soomaaliya aysan u cadaan dhibaatada ummadda haysata, waxaana taas u daliil ah in dadka Soomaaliyeed aysan wali xukuumadda cusub ka hayn hal oraah oo baaq ah oo ay doonayso inay dadkeeda isugu soo dhoweyso.
Waxaana moodaa in seddexda mas’uul ee hadda haya xilka madax-weynaha, ra’iisal-wazaaraha iyo af-hayeenka golaha shacabka aysan fahmin kaalintii u banaanayd marka aad fiiriso baahida guud ee dadka Soomaaliyed ee ay xilka u qabteen, waxaana dabeecadooda laga dheehan karaa in mid kasta uu la shir yimid waxyaabo uu ku soo taamayay muddo dheer isagoo aan fiirin duruufaha iyo xaaladaha adag ee ay dalka geliyeen Qab-qablayaashii dagaalka, nimankii maxkamdaha sheeganayay, iyo Al-shabaab.
Wali fari kama qodna! Xasan SHiikh Max’ud wuxuu kursiga ku soo fariistay isagoo hub inuu helo u ciil qaba waxays weydiin ka taagan tahay cidda uu hadda kula dagaali lahaa?! Marna kama hadlin wax horumar ah, dhaqaajinta iyo mashaariic u abuuridda beeralaydii, dhismihii hay’adihii dowladda! Wuxuu soo fariistay isagoo raba in beesha caalamka ay dowlad Soomaaliya u dhisto oo hilmaansan in isaga xilkiisa ugu weyn uu kaas ahaa, daal iyo soo jeed bandanna ay sugayaan, wuxuu ka booday fahamkii iyo dhaqankii uu kala hadli lahaa shacabka la kala dilay ee laysku dilay! Wuxuuna aad isugu taxluujinayaa inuu awoodda maamulkiisa noqoto tii Max’ed Siyaad Barre oo kale…SHow fogaa!
Xasan wuxuu garan la’yahay in dalkii laynagaba haysto, wuxuu ku leeyahay HUB!..adeer hub uma baahnidee dad baad u baahan tahay, tuhunka ay dadka qaarkood kaa qabaan waxay ahayd inay ka qabaan dowladaha shisheeye ee dalka soo buux dhaafshay! SHisheeyaha dano bay u joogaan, wax kale oo aad wadaagtaan ma jiraan, kuwa ku tuhunsan ee aad tustay colaadda baad wadaagtaan, dhaqan, dhiig, iyo dhalasho, kuwa kaa erdhaysan ee aad cannaadka tusayso baad wadaagtaan deegaan iyo xiriir soo jireen ah, kuwaas u baahan inaad dhaxal uga tagto oo raadka aad dhaafto kugu mahdin doona ama kugu haaraami doona !
Waxaa inoo yimid Cabdi Faaarax SHir-doon (Saacid) oo ilaa iyo hadda aan la hayn wax lagu ceebeeyo oo uu dhimay ama lagu dhaliilo oo uu qabtay!…waxaana xaqiiqo ahaan la oran karaa waxaa soo if baxaya ceebo dad badan ku sheegeen inuu leeyahay markii xilka loo magacaabay, dad badan baa qaba in madax-weyne Xasan sababta uu u xushay Saacid ay ahayd dabeecadda hadda ka muuqata ra’iisal-wazaaraha, madax-weynaha dabeecad kastaba ha ku xusho Saacid ee waxaa is weydiin mudan oraahdii madax-weynaha maalintii uu magacaabayay ra’iisal wazaaraha ee ahayd inuu Saacid yahay ninka soo buuxiyay shuruudihii uu ka rabay qofka ra’iisal wazaaraha noqonaya! Cajiib !
Way fiicnaan lahayd in madax-weynaha laga maqlo shuruudaha qiimaynta uu Saacid xilkaas ugu xushay, ma inuusan hadlin baa sax iyo khalad? Ma inuu xafiiska ku magacownaado oo uusan maamulin baa?! Ma inuu madax-weynaha sagootiyo oo soo dhoweeyaa? Ma inuu wixii laysku khilaafo ka aamuso oo waxay dadka oo dhan raali ka yihiin taageeraa? Madax-weynuhuse ma waxaa la wanaagsanaaday mas’uul aan talada la kahldan iyo tan la saxan aan fikirkiisa cabbiri Karin…aad baan ula yaabay markaan arkay Saacid oo sanadka 2013ka dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyniya!..Cajiib! xilkiiba ma hambalyadaas buu ku soo ururay?
Dowlad rasmi ah baa dalku yeeshay, ku-meel gaarkii waa laga baxay, laakiin madaxda dalka siyaasadddiisa hoggaaminaysa ma hoggaamiyeyaal jabhadeed baa?! Ma ku-meel gaar baa?! Ma madax dowlad rasmi ah baa?! Mise siday u dhaqmayaan dabeecadahaas oo dhan baa laga helayaa?… waxay yimaadeen 22sano oo burbur ah ka dib, waxaa loo haystay in dad bislaaday oo dhibaatada dadkooda haysata soo damaqday ay imaanayaan, oo sidee taas loo filayay? DHab ahaan taasi inaysan dhacayn way iska cadayd, waayo golaha wax dooranayay ee wakiilada shacabka ayaa lagu keenay hab beeleedkii 4.5 ee lagu xayndaabay siyaasadda Soomaaliya.
Siyaasad ka bilaabata 4.5 waad garan karaysaa inta uu la egyahay horumarka laga filo karo, waad garan karaysaa madaxda lagu soo doortay maskaxdooda sida ay u fekeri karayso, waad garan karaysaa nidaamka siyaasadeed ee sidaas ku soo baxay sida uu u kala dhantaalan yahay, waad garan karaysaa kalsooni darida maamulka sidaas ku soo dhismay ka dhexaysa…wada Boog!.. wada Gocosho!…
Waxaa inoo yimid Max’ed Cusmaan Jawaari, khibradii shaqo ee laga filayay wali waa la sugayaa, agaasime hore, waziir hore, aqoonyahan dalka wax u bartay, waxaa jira warar sheegaya inuu ku milmay siyaasadda xafiiska madaxtooyada, waxaa aad u muuqda in hawlah golaha uu guddoon ahaan u hayo aysan ahayn kuwo uu u madax banaanyahay, iyadoo dhinaca kalana ay xil-dhibaanad intooda badan la il daran yihiin waayo aragnimo yaraan .
Golaha xil-dhibaannada ayaa si cad waxaa codkoodii uu noqday habka gacan taagista ah oo keliya, codka noocaan ah ee gacanta la taagayo ayaa qaynuun ahaan waxaa la isticmaali karaa marar dhif ah oo xaalad ay qasabto iyadoo waliba xil-dhbaannada la weydiinayo waxaa sidaa ii sheegay xubno ka mid ah xil-dhibaannada, waxayna taas sabab uga dhigeen Af-hayeenka golaha oo aad ugu dheggan qasabna ka dhigay in sidaas mar kasta loo codeeyo.
Adigu si kasta xaalku ha ahaado e’ codkii sirta ahaa si qofna cabsi dareemin, si qofka xil-dhibaanka ah uu si kalsooni ah oo cabsi la’aan ah, oo madax banaani buuxdo ah uu codkiisa u dhiibto waxaad moodaa in si ula kac ah loo joojiyay iyadoo taas macnaheeda loo qaadan karo cabsi gelin lagu qunsanayo dano uu ka war hayo af-hayeenka golaha shacabka Max’ed Cusmaan Jawaari.
Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyadaa laga rabaa inay raadiso is af-garad dhex mara dadka Soomaaliyeed iyadoo kaashanaysa maamul dowladeedyada ka tirsan federal-ka, waxaana loo baahan yahay inay dad-weynaha dareensiiso in xilkeedu yahay u adeegista dadka Soomaaliyeed, iyada ayaa laga rabaa si ay kalsoonida ummadda u hesho inay ku dhaqanto wax kasta oo lagu soo heshiiyay 4ta sano ee la soo doortayna dalka gaarsiiso heer ka wanaagsan meesha uu dalka marayay markay taladiisa qabanaysay.
War-bixinnada aan ka dhagaysanay dad badan oo oo ku dhow-dhow mas’uuliyiinta aan kaga soo waramay ayaa waxay muujinayaan walaac intaas ka qoto dheer, kaasoo ah in dowladda federal-ka ah ay iyada samaysanayso cadow aysan lahayn hadda, dabeecad ahaan waxay meelo badan siyaasadaheeda iska shabbahaan maamulkii maxkamadaha, sida ay mas’uuliyiinta madax-weynaha, Jawaari, iyo SHir-doon u dhaqmayaana waxay horseedaysaa in wadanka si buuxdo maxmiyad laga dhigo.
Madax-weyne Xasan wuxuu tuhunsan yahay inaysan dowladda wali ka bixin ku-meel gaarnimadii, Waxa loogu yeero beesha caalamka iyo Qarammada midoobay waxay walaac ka qabaan sida hub loogu fasaxi karo Soomaaliya, IGAD iyada oo ka soo hor jeedda in hubka loo fasaxo Soomaaliya ayeey hadan shuruud ka dhigtay in iyada laga talo geliyo wax kasta oo arrimaha ciidanka Soomaaliya la xiriira, wali waxaa la soo wadaa ciidamo hor leh oo Muqdisho la keenayo, laakiin Xasan SHiikh Max’ud waxaas oo dhan waa iska indho tiray waxaan u muuqda wali awoodda uu sida fudud ee uusan filayn uu ku helay inuu malaha ku gaaro wax horay loo waayay inay nabadda dalka ay sii fogayso mooyee.
Seddexda mas’uul, waxaan ku leenahay inaan gaarsiino waxay inala tahay dhankeena annago ku ixtiraamayna xilliga ay haystaan oggolaanshaheena inay ina hoggaamiyaan, laakiin taas ma aha inay iyaga keliya talada dadka iyo dalka leeyihiin, waxaana loo baahanyahay inay talada wax ka siiyaan dad badan oo ay ogyohiin inaan looga maarmin talad dalka, inay wada hadalo la sameeyaan dhammaan qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed wax ku oolkiisa ah isla markaasn aan looga maarmayn sidii wadanka looga badbaadin lahaa xaaladaha hor yaala, ee ma aha in loo fekero siyaabo horay khaladaadkooda loo soo arkay ee waa in laga waantoobo si bedelna lala yimaado.
Waxa hadda loo baahanyahay waxa ugu horeeyo waa in madax-weynaha uu muujiyaa in Muqdisho ay tahay caasimad dadka u dhexaysa, waayo dhismaheedaba dadka waa u dhamaa, waa inuu sameeyaa guddiyo gaar ah oo u kala socdaala gobolada oo dhan kana shaqeeya xiriirkii dhaqanka ahaa ee ka dhexeeya mujtamaca Soomaaliyeed, waa inuu sida saxda ah ee la wada garanayo in Soomali ay Soomaali ku wada noqonayso waa uu yaqaan haddii uusan is yeel-yeelayn u dhaqmaa.. nin innaga mid ah oo aan garanayn ma jiro! Wiil waal baa laga sheegay “ …..Rag walaalow wuxuu ku dhaamo waayay!”
Sida lagu dhaliilo ama ay dad badan ku duraan ra’iisal wazaaraha iyo af-hayeenka inay madax-weynaha u yihiin “Hayiishaalayaal ” anigu waxaan qabaa inay tahay calaamad wanaagsan laakin waa haddii ay ku dhisantahay wixii dadku ku heshiiyay ee uu u horeeyo dastuurka, oo ay ku xigto awood qaybsigii 4.5ta ee laysku af-gartay.
Waxaana mudane Jawaari aan si gaar ah uga codsanayaa inuusan is dhaafin oo uu jawaab ka bixiyo dhaliilaha ama eedaha mararka qaar uga yimaad xubnaha xil-dhibaanada isagoo waliba dhinaca lagu tuhunsanyahay inuu ka soo dhex jeestay xafiiska madaxtooyada, waayo waxaan xasuusnahay laba goor oo uu waziirkii hore ee dastuurka, Mudane Cabdi-Raxmaan Xoosh Jibriil uu ciladeeyay habkii guddoonkiisa oo uusan wax jawaab ah siin mudanaha isagoo aad moodo inuu si ula kac isu dhaafinayo xuquuqda mudanuhu u leeyahay ama xataa uu ka qanciyo dad-weynaha ciladaha lagu eedeeyay…mana aha dhaqan wanaagsan in qof hayeen golaha shacabka ah uu sidaasoo kale u dhaqmo.
Madax-weyne Xasan SHiikh, dadkii ku doortay badankood aqoon ay kuu lahaayeen kuguma dooran, in badan waxaan ogahay inaysan fulaynimo ka marnayn codkii ay ku siiyeen, marka laga soo tago musuqmaasuqii baahsnaa guud ahaan saameeyay tartankii doorashada madax-weynenimmada, waxaan xasuusnahay Hal-hays (Slogan) ay ku hawl galeen raggii kuu ololeyniyay inkastoo aanan markii rumaysnayn inuu macno weyn samayniyo hadana waxaan is leeyahay wuu shqeeyay “Dowlad Kasta Oo Timaado SHaqayn Mayso Haddaan La Dooran Nin Xamar Ka Soo Jeeda!” si kastaba arrintu ha ahaatee haddaad xafiiskii soo fariisatay ummadda waxay u baahantahay mas’uul ay af-garato oo hoggaansan kara.
Waxay marka hore u baahantahay (waa ummaddee) qof wax ka qabta shakiga la dhex dhigay, waxay u baahantahay qof kalsoonidii ka dhexaysay soo celiya, waxay u baahantahay mas’uul ciidda salka dhaiga oo ilmaha yar-yar ee darxummadu hayso inta u jilbo jabsado madaxa u salaaxa, ma aha inta u soo foorarsadao,… oo kuwo aan aqoon, oo aysan waxba wadaagin, oo aysan isku midib ahayn, oo qaarado fog-fog ka yimid baa xambaaranayay… waxay u baahantahay mid garta marka hore waxa uu u qaban karo una qabta isaga oo aan cidna ku halayn, beesha caalamka, hay’ad sama-fal iyo NGO midna wax laga sugin!
Waxaan rajyniyaa in dowladdu geediga meel magac leh gaarsiiso!..waxaan rajayniyaa 4ta sano ee dowladdan ay jiri doonto inaysan ku dhammaan walaaca ay ka muujiyeen dad badan oo siyaabo kala duwan u tagay xafiiska madax-weynaha soona arkay af-hayeenka barlamanka, waxaan rajayniyaa in afartaan sano ay dowladda ugu yaraan soo diyaariso sidii loo gaari lahaa markuu xilkeeda dhammaado inay dad-weynaha u codeeyaan dastuurka, soo doortaan madax-weynahooda iyo xil-dhibaanada deegaan kasta wakiilka u noqonaya, iyo in loo gogol xaaro meeshii ay ka amba qaadi lahayd dowladda idinka dambaysa tusaale fiicanna loo noqdo.
Waan hubaa Soomaaliya dal agoon ah ma aha, waan hubaa shacabkuna dalkooda way jecelyihiin, waan hubaa iyagana way is jecelyihiin, hasa yeeshee adinkaa maanta hogaankii gacantiinu ku jiraa, arrimaha dadka iyo dalka meesha ay marayaana is weydiin mayno….waxaana ka digayaa oo madaxda u sheegayaa inay ka taxadaraan 4sano oo ah Jug-Jug meeshaada Joog!…
================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM













walaahay waad ku gaardisay madaxda dalka sidey doonto ha ahatee qaas ahaan dhasnka qaab qoraalka waa macaan yahay lkaakiin kuguma raacsani
waa qoraal dhadhan wanagsan
sooyaan wad asiibtay sadexda aoodood xassan baa faramarooqsaday waana tan dalalkii nala garab taagnaa in ay naga caawiyaan in ciidamadeena nala dhisaan ay dib uga inooga gurtaan
farta taagista waa qaab hanjabaad ah waayo dadka waa ay hubeysan yihiin dowladana ma ay sugi karto xildhibaanka amaankisa marka yaa ku dhiran kara in uu wax diido isaga oo degaanka u dhalan marka waa qaab afduubis ah cid wanaag ka fili karto ma ay jirto cid la maquunin kartaa ma ay jiraan dual policy baa dalkaan taal hala isku walaahoobo
waxaa hubaal ah siyaasiyiin koonfurta dhow (koonfurta gaalkacyo ilaa xamar) walaabo walba oo ay qaadaan dalka waxa ay u horseedaa fadqalalo taariikhda dib u raac tan iyo caydiid iyo cali mahdi iyagaa sababay in ciidamadii ugu horeeyey ee ajnabi ah in uu dalka saqaashameedyadii qabsadaan, iyagaa dalka in amxaaro soo galaan waad ogeydeen maxkamadihii, hada maalin dhaweyd baan maqlayey nayjeeriyaan baa soo socda waxaas oo dhami waa siyaasad xumada ragaas xasan ma oga in dalka la heysto in ay haboonaan laheyd in in uusan hanjabin marka kheyr ka sugu maayo.
kkkkkkkkkkkkkk waa runtaa walaal qoraalkaaga laakiin waxaa iswaydiinleh yaa madax noo ah waxaa madax noo ah ninka guriga ku xiran oo aan soo bixi karin dibada amar laa ;anta xasan ma waxaa madax noo ah kan baar lamaanka ka fuliya awaamiirta xasan oo aan aqoon sanayn in uu shacabka matalo waxaaba kaaga siidaran madax waynihii oo aan aq laaq madax waynaba lahayn ufiirso waxuu tagay kambaala beeruu isku sawiray hadana fiiri xaalada dadka uu kamasuulyahay silica ay ku nool yihiin waxaaba kaaga siidaran islaan guri geed buu casho udoontay asagoo matalaaya qaran kkkkkkkkkkkk alow sahal amuuraha waa 5 sano oo mugdi ah iyo gumaysi horle intuu iitalin xasan culusow samcad daradiisa gumaysigaa iiga qiima badan ee ha iitaliyo waayo markaa waxaaba ku jiraa gumaysi laakin intuu italin xor ma ihi gumaysina kuma jiro kkkkkkkkkkkk