Eng Maxamuud Jaamac Xaamud oo ka Digay in la Khalkhal Galiyo Puntland (Dhageyso)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Nairobi (RBC Radio) Siyaasiyiinta Soomaaliyeed khaasatan kuwa kasoo jeeda deegaanada Puntland ee magaca iyo maamuuska ku dhex leh shacabweynaha Puntland ayaa waxa ay dadaal weyn ugu jireen sidii loo qaboojin lahaa ismariwaaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan SH Maxamed Faroole iyo Mucaaradka kasoo horjeedo ee uu ugu weyn yahay Gen Cabdullaahi Siciid Samatar.
Eng Maxamuud Jaamac Xaamud oo ah siyaasi aad looga yaqaano Puntland ayaa si weyn uga hadlay xaalada siyaasadeed ee ka aloosan Puntland. Eng Xaamud oo ka qeybgalay kulan jaaliyada Puntland oo ay kusoo dhaweynayeen Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Daaqa, Duurjoogta, & Dalxiiska Puntland Mudane Saleebaan Maxamuud Siciid (Dhoodi) ayaa ka digay in khalkhal la galiyo nabada iyo xasiloonida Puntland.
Puntland Heerakii ay Soomartay
Eng Maxamuud Jaamac Xaamud waxa uu kulanka kaga warbixiyey herarkii ay soo martay Puntland isaga oo ka waraya waxa uu yiri.
“Puntland heerar badan bey soo martay hadana dhowr iyo toban sano oo dowladnimo ah iyo sadex madaxweyne oo isu badalay… si xaq ah oo lagu wada heshiiyey dadka deegaanka ah buu ku joogaa madaxweyne Cabdiraxmaan”
Eng Xaamud waxa uu ka digay in qaab dhismeedka Puntland mara habaabiyo, xasiloonidana dalkana wax loo dhimo.
“Waxaa loo baahan yahay habkii ay Puntland ku dhisneyd inaan laga weecin in amniga la ilaliyo waa nambar ONE”. ayuu yiri Eng Maxamuud Jaamac Xaamud.
Eng Maxamuud Jaamac Xaamud isaga oo ka hadlaya ismariwaaga ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Mucaaradkiisa waxa u yiri.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Maalmahaan waxbaa laga maqlayaa meeshii dad leh madaxweynuhu sanad buu ku darsaday sanad dhibaaato ma keeni karo hadii barnaamij sanadkaa looga baxayo dowladu keento, dowladuna waa in ay dadka qancisaa”
Iasaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri.
“Afar sano ayey markii hore heysteen in ay ku fuliyaan barnaamijka dumuqraadinimada misna mucaaradku waa uu aamusnaa iney sugaan maalintii ugu danbeysay ay khalkhal galiyaan amniga Puntland meesha kuma jirto Cidna ka yeelimeyno”
Dowlada maxaa looga baahan yahay

Qaar kamid ah kasoo qeybgalayaasha soo dhaweyntii Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Daaqa, Duurjoogta, & Dalxiiska Puntland Mudane Saleebaan Maxamuud Siciid (Dhoodi)
Dhanka amniga waxa ka sheegay in dowlada amniga ay masuul ka tahay oo iyada looga baahan yahay in dalka xasiloonidiisa ka shaqeyso.
“Dowladu dadka ma masruufto, dowladu waxa ay ka mas’uul tahay in ay daganaansho amniga ka shaqeyso” ayuu yiri Eng Xaamud”.
Dadka maxaa looga baahan yahay
Mar uu ka hadlayey shacabka kaalintooda waxa uu ku booriyey in qofkasta uu kaalintiisa ka qaato amaanka dalka.
Dadka iyagaa dowladii ah iyaguna in ay ka shaqeeyaan si aan amaan daro u dhicin, si aan wax aan caqliga galeyn loo keenin oon la oran iyada oo janawari ay tahay nidaam cusub hala keenooo dowlada halagu badalo taasina ma dhici karto”
Ismaquunin

Muuse Xaaji Abees oo ka hadlay soo dhaweynta Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Daaqa, Duurjoogta, & Dalxiiska Puntland Mudane Saleebaan Maxamuud Siciid (Dhoodi)
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Eng Xaamud waxa uu ka digay in la is maquuniyo, waxa uu dowlada Puntland ku dhiirigaliyey in ay dhageystaan mucaaradka.
“Wax is maquunin kara ma ay jiraan hadii la is dhageystana wanaag un baa kasoo baxaya mucaaradka waa in la dhageystaa, hadaad intii isgaraneysaba sida Ribablikanka [Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka] iyaga un is dhageystaan hadhoow waxaad lumineysaa dhinac in wixii wadanka ka jirayba aadan garan oo wadankii lagu kala tagay oo cadaankii yaraadeen aa wali ogeyn….” ayuu yiri Eng Xaamud
“Waxaan leeyahay dadka hala dhageysto dadka talada guud haka wada shaqeeyeen” ayuu sii raacshay Dr Xaamud.
Digniin

Wasiir Saleebaan oo Jaaliyada ku Boorinaya ka qeybqaadasha dhibaatooyinka ay keenaan isticmaalka Bacaha
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Eng Maxamuud Jaamac Xaamud oo ka hadlaya asxaabta ayaa si weyn u qeexay dhibaatada ay keeni karto axsaab la qabiileeyo waxa u tusaale u soo qaatay nidaamkii xisbiya ee 1968 dii waxa uuna yiri.
“Hadii axsaab la sameynayo ay ku dhisnaato mabda oo aan ku saleysnaan qabiil sababta oo ah dhibaatada hada Soomaali land ka taagan baa dhaceysa, dhibaatadii 1968 dii oo 300 oo xisbi ka qeyb galeen oo dhalisay KACAANKA oo kale bey sameyneysaa oo jilib kastaa xisbi sameysto, dadka waa in aqoon iyo mabda isku raacaan ma ahan in ay qabiil iyo deegaan isku raacaan ”
Tallo soo Jeedin
Eng Maxamuud Jaamac Xaamud isaga oo codsi u jeedinaya odayaasha iyo indheergaradka Puntland kuna booriyey in ay soo kala dhex galaan siyaasiyiinta.
“Waxaan anigu soo jeedin lahaa odayaasha markii horeba aasaasay oo isu keenay Puntland in sameysanto Dowlad iyo mucaaradkeeda waa inay soo dhexgalaan oo ay si nabad ah oon dhibaato ka dhicin ay arimaas u xaliyaan” ayuu yiri Eng Xaamud
Dardaaranka Wasiir Salebaan la faray
Eng Xaamud ayaa uu u sheegay Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Daaqa, Duurjoogta, & Dalxiiska Puntland Mudane Saleebaan Maxamuud Siciid (Dhoodi) in Puntland la burburin.
Waxaan u taagan nahay Puntland Jiritaankeeda ku jirto in ay amni ku noolaato oo iyada oo horu martaa mooyee aan dib u noqon” ayuu yiri Eng Xaamud.
RBC Radio
Nairobi Kenya


















maa shaa alaah waan wada dhageystay waana talo iyo tusaalooyin wanaagsan ajar hakaa siiyo xaamud adiga iyo the leadin somali news raxanreeb.com waxaa jeclaan lahaa xaamud in aan suaalo in uu cadeeyo waxa aad ula jeedid tusalaha ramney ma waxaad ka wadaa in aduunkii is badalay oo beelaha kale ee aan aheyn maxamuud saleebaan talada puntland loo dhiibo m sidaas baa mise faroole hasii jogaa ilaa halka sano nidaamka xisbiyada lagu djameynayo mise waa mucaradka tayo leh meesha may joogaan bal noo kala cadee
waligay ma aan arag shir sidaan wax looga qoro rag wada culculus baa isugu yimi waana sida akhristayaasha uga bogan karaan waxa shirarka looga hadlay waxaan aad u karaahiyeystay marar badan in la dhaho shir baa dhacay oo wxaoogaa sawiro ah lagu soo dhex turo waan idiinkaga mahadcelinayaa raxanreeb noogu soo qora shirarka si qaasqaas ah xaamud si fiican buu uga hadlay xaalada dalka ka jirta waana sidii qof waxgarad ah uga hadli lahaa
kkkk maxaa u diiday in u ka hadlo xisbiga laga diiday ina adeerkis war meesha waa horaa la weeciyey sababihii loo aasaasay puntland xaamud xog ogaal maba ahan 3nin oo isku qoys ah baa is badalay waxaa ka sii cajiib daran hada isla 3 wada dhashay baa ku lagdamaya goormaa caqliga shaqeyn doonaa
mucaarad wax burburiya iyo madaxweyne kaligiis talis ah la doonimaayo weeye biya dhaca hadalka injineerka waana mida umadaha dunida ay isku raacsan yihiin laakiin kooxda hada ku loolamaya talada oo aaminsan in iyaga kaliya in loo igmaday in ay wax hogaamiyaan dhago wax maqlo malahan taas baan ogsoonahay maadaama aan puntland joogo oo aan ka shaqeysto