Eng. Faysal Cali Waraabe: Doorashadii Ka Dhacday Soomaaliland Waxay Ahayd Mid Boob Ah Oo Cadaalada Ka Fog
Muqdisho (RBC Radio) Xili dhowaan doorashooyinkii golaha deegaanka ay ka dhaceen deegaanada Soomaaliland ayaa arintaasi markii ugu horaysay waxaa ka hadlay Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga Ucid.
Wuxuu ku tilmaamay doorashooyinkaasi in ay ahaayeen kuwo aanan cadaalada ku salaynayn wuxuuna sheegay inay ku tilmaami karaan doorasho boob ah.
Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee maamulka Soomaaliland ayaa wuxuu sheegay sidoo kale in natiijada kasoo baxday doorashada golaha deegaanka ay tahay mid aan cadaalad ku dheehneen.
Wuxuu sheegay in Ururada ku haray doorashooyinka ay ku hareen si xaqdaro ah islamarkaana taasi ay ka dambeeyeen dad ku dhaqaaqay musuqmaasuq oo ka tirsan xukuumada.
Wuxuu ugu baaqay masuuliyiinta ururada siyaasada ee haray in ay samraan oo mar’uun la gaari doono cadaalad isla markaana qof waliba si rasmi ah loo siin doono codka ay hershay.
Hadalka kasoo baxay guddoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa wuxuu imaanaya xilli dhaliilo badan loo jeedinayo sida ay udhacday doorashada golaha deegaanka maamulka Soomaaliland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













ASC marka hore
Inkastoo waxgardka degaanada waqooyi galbeed ay dantooda yaqaanaan, hadana looma baahna nidaam aand cadaalad ku dhisnayn, sida musuqmaasuq iyo qabyaalad iwm. Waxaan ogahay in shacabka degaanadaas aan lacaburinkarin, waayo horaa diyaarado iyo dabaabaad ugu quusteen. Waxaan leeyahay odaygaan hadalka qalafsan(siilaanyo) wakhtigii kaligii talisnimada aduunku wuu ka dhamaaday ee xirfad cusub lakaalay hadii kale iscasil inta doorashada kale laga gaarayo si arintu u dagto.
wbtfq.
Nabad alle idinsiiyey nin dan leh yeysan
U burburin.koofurtii noocii caynkaas u hali
Jirey waa ka dhamaadeen .
allaahu akbar layaab soomaalida dhaqankeeda waxaa waaye meeshii larabey in xaqa iyo caddaalada laraaco qofkasta isaga ayaa xaqii iyo caddaaladii ah, marka hadaan isaga laraacin xaqii iyo cadaaladii waa lagarab maray
Faysal Waraabe waa khaain Qaran oo mudan in horkeeno Maxkamad Soomaaliyeed si looga gudo beenta iyo qaybinta uu ku ridooda geyiga Soomaliya.
Markaad Hargeysa ka degto waxaa lagu odhanayaa dee ducada noo dhiib. Markaad ka soo baxaysana waxay ku odhanayaa dee ducada noo dhaaf.
Hargeysa 22 ayay cabaadayeen wallaahi markaad dhex istaagto waxaad u malaynaysaa meel dad fikirayaba joogaan. Iskuullada waxaad arkaysaa iyagii oo arraday oo rinjigii Afwayne weli ka muuqdaan.
Musuqa waxaa uu ka billowda kan airpodhka kugu baadhanaya wuxuuna ku dhamaadaa mooryaanta SNM ee riwayaadda kala qaybinta Soomaalia isku akhriso
Boogaadin.
Waxaan boogaadinayaa bahda Raxanreeb inay yidhaahdaan maamulka Somaliland. Keep up the good work.
kkkkkkkkkkkkkk ninkani safiir ayaa loo wadaa oo soamliaya ayaa xil shaaxad ugu jiraa somaliland dhamatey oo waa FINE lagu kala tag naago qaad iyo qamro caba ayaa hotelda buux dhaafiyey oo shaxad doon ah iyo kuwo ilkaha beeley oo xabsiyada qurbaha ka soo wada baxey ay xil u doonteen haddba sheekadu Gaboose,Warabe, waa labo safiir oo laga wacey Muqdishow ayey u socdaan
@kismaayo
Ma fiicna in aad is tidhaahdid dadka raxanreeb akhristaa waa dad iska qaata rayi kasta oo ku salaysan
isir naceeb,uma malynayo in aad waligaa tagtay somaliland,
ta kale Faysal waa siyaasi hogaamiya xisbi mucaarida wax kasta oo uu buunbuuniyaa macnaheedu maaha sidaasbay u dhaceen,Gayiga somaali soomaali waa kala leedahay hadii uu masiirka dadkiisa ka hadlo waa maxay dambiga uu galay eed maxkamad ku soo saaraysaa?Maxkamad du se xagay ku taalaa aad ka hadlaysid ma kismaayo?
Waxa aan kaga baxayaa mooryaan ma ninka ilaa hada dawlad lahaynbaa?misa ka dawlad dimuqraadiya oo dadku doorteen oo dastuur iyo sharci leh?
Marka aad wax cabiraysid waxa haboon in aad illaahay ka baqatid oo aad cadaali noqotid,waa tallo.maalin baa jiri doonta illaah wax kaa waydiin doono.
wa bilaahi tawfiiq
true snm
miyaaa neceb loo dhintaa oo miyaa cadhalo lala dhintaa somaliland ama jecloow ama nemcoow waa jirtaa waana jiridoonta dadkeda raba viva s,land