Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka oo is Casilay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Somali Diplomatic Mission

1425 K Street N.W. Washington, DC 20005 Tel: 202.587.5625; Fax: 202.587.5601
somalidiplomaticmission@sompresidency.org

Dec 19, 2012

Is casilaad

Abukar Arman  Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka

Ra’yi-ku-kala-duwanaasho dhinaca istiraatajiyada siyaasadeed awgeed waxaan go’aansaday in aan iska casilo xilkii aan soo waday mudo ku dhaw seddex sanadood ee ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumada wax xumaan ah haba yaraatee nama dhex taal, cadaawana nagama dhexeyso, mucaaradna kuma ihi, tartan siyaasadeedna kulama jiro. Mabaadi’di aan xukuumadi ka horeysay kula shaqeynayay ayaan ayagana kula shaqeeyay. Kuwaas oo ah “Waan idin taageeraa inta aad xaqa ku taagan tihiin; waan idin waaninaa hadii aad qaldantihiin; waan idinka hor imaanaa hadii aad gardaro u bareertaan. Adinkana intaas ayaan idinka filaa”

Aniga iyo dowlada weli dan guud ayaa naga dhexeyso sida dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Wadankana waa noo wada baahanyahay. Sidaas darteed waxaan balan qaaday in aan la shaqeeyo shaqsiga uu Madaxweynaha soo magacaabo inuu la wareego xilkan. Waxaa kale oo aan balan qaaday in wixii la iiga baahdo oo sedexda “D” oo kor ku xusan wax taraayo aan si daacadnimo ah ugu shaqeeyo.

Nabad iyo Guul, insha-Allah.

Abukar Carmaan

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

34 Responses for “Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya u Fadhiyo Mareykanka oo is Casilay”

  1. Jubaland says:

    Xasan culusaw. Ilaa uu u dhaqmaa yo madaxwayne soomaliyeed, majoogsanayaan mudaharadku iyo iscasilada.

  2. garsoor says:

    waxaan sugaynaab wasiiro is casila goordhow ama ayaamahan soo socda

  3. Xasannuur says:

    waa waayeeel warkani, hadaddu lashaqaynayo
    muusugo qofka kala wareegayo.

  4. MURSHID says:

    Iscasilaad mise xilka isaga tag ayaa lagu yiri Mr Carman.
    Waxaa haray nimanka kale ee sharafta iyo karamadi Somalia caalamka dhexdisa ku jiday ee
    Golaha loo dhanyahay Newyork dhexdeda isku feeray ee boliska ka bixiyey meesha.
    Waxaa dhiman ergeyga UN-ka, Safirka China,EU iyo Italy,Iyo kuwo kale oo badan.
    Waa guul in la tirtiraa Hogaamiyo kooxedyada safaradaha Somalia dibada ku ledahay madama lasoo afjaray kuwi gudaha oo eey wax yar ka harsanyihiin.
    Qowleysatada kale ee Washington iyo Newyork iyagana waa in laga tiriyaa masuuliyada.
    Sixid waqtigeda timid inyarna ka harsantahay in la wada hoobiyo lana dhaqo qaladadki UN iyo USA somalia kula yaabtay weak-na kadhigay magaca Somaliyeed.

  5. xaawo says:

    asc baadida ruuxbaajira kula baadigooboo kagala baqiila inuu eebe kusiiyoo haburburinin wacadkee hakabaqan dhankeygee sas mahinoo wixii daacad dara watoo dhan waqtigoodii waa dhamaaday dib unoqo cidna kayeeli mayno saas awadeed wixii daacad daraahoo dhan waa soo dag daga yaan insha allaah waqtigoodiina waa dhamaad

  6. wadani says:

    waxaan,umalaynayey in somalida xanuunka iyo diifta ay ku reebtay qabyaaladu,,ay gunteeda soo xaabsadeen waxay tahayba,,qabyaaladi,,,lkn dadbaa wali ciil qaba,,sidii dad imika soo baraarugayna inay udhaqmaan raba,,,madaxweynaha JFsomalia waan soo dhawaynay,waanan jecelnahay,,kanaxoow nafta waa,oo cadaabta gal,,sobobtoo ah umad muslin ah ayaad dhib la jeceshay,,,

  7. Banaadir boy says:

    sheeekeeey ku nacay jubaland heballand puntland qansaxland sheeeko ana jirin waligiiinba riyadaas ku jira walee dowlada somaliyeed ayaad ku qasbantihiiin ama diiiida ama yeeeela viva somalia

  8. Yoonis says:

    Rag rag dhacay geesi baad tahay

  9. Banaadir boy says:

    Walaalaha Soomaliyedow intaan allahii na abuurtay ka baqno aan wanaaga isla jeclaano xumaantana iska reebno . Dadkan qoolesatada ah ee aan danaha shacabka fiirinen ee kaligod musharka ku cuna madaxena iyo musuq maasuqo yiinan qabiil ku taagerin wlhi hadii nin aad isku beel ama qabiil tihin uu fadhiyo xarunta UN. Inuusan oranen war yaa reer hebel ahee oo aan lacag siiyaa ama xitaa marka qaranimaa na deeqdee aan u sacabo tumano

  10. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    Waan ka xumahay ninkaan Abuukar Armaan in uu shidaal iyo dhiira galin siiyo kuwa raba in eey Dowladaan Somaliya dhan ka dhaxeeyso, iyo kuwii ka horeeyayba fashilmaan. Waan ka xumahay in uu ninkaan Dimplomat ka isku sheegayo uu maantay ka eexday qaranka iyo rajada soo iftiimeeysa. Waan ka xumahay Abuukar Armaan adigoo fahmi la’a in la joogo saacadii 11th hour, amaba kow iyo tobnaad oo eey Dowlada Somaliyeed “momentum” iyo yididiilo kusocota in aad markabaka ka booday.

    Aniga iyo Somalida indheergarad ka’ah, iyo Dowladaba kaa sugi meeyno in aad sadexda “D” ee aad sheegtay, waa dalka, dadka iyo diintee in aad wax u tarto. Waad ku dhacday imtixaankii oo waxaad qaadatay “F”.

    Kuwa Somalida ah ee raba in eey Somalia musbaarka ugu dambeeya ku dhuftaan naxashka meeydka Somaliya oo ah “Federal” waxaan idin weeydiin ma isweeydiiseen faa’iidada iyo qasaarada eey u keeneeyso Somalida nidaamka Federal ka? Hadii uu nidaamkaas u shaqeeyay USa, ma is weeydiiseen waxa eey dadka Somalia iskaga mid yihiin amaba ku kala duwan yihiin mareeykanka?
    Waxaan la leeyahay Federal waa “mission impossible” oo aan shaqeeyn doonin, ayadoo waqti badan iyo maal iyo nafaf badan nooga dhiman doonaan. Baarlamaanka Somaliya ayaana waxaan ka rajeeynayaa in uu daraasaad kadib markii eey sameeyaan, eey go’aanka saxda ee Somali u dan ah qaadan doonaa, taasoo ah maamul Dowlada dhexe, oo xoog leh, balse leh 18 gobolkii ka horeeyay 1991 oo mid walbaa uu hogaaminaya gudoomiya gobol oo dadka deegaanka inta wada tashtaan iska soo dhex xulaan. Gobol kastana uu iskaga filnaado dhinaca waxbarashada, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo wax kasto oo eey u baahan yihiin. Thank you all.

  11. prof piccolo says:

    kkkkkkkkkkkkkk meesha raxanreeb waxey isku badashey gole mooryaan ay ka taliso awa maxey habdhaqanka aad la timadeen oo aad ugu ogalteen mooryanta magacyada badalneysa oo xaanta kuwada dhashey

  12. Cali mooge says:

    Ha loo sheego Xasan Culusoow Dhuxuloow in sida keliya oo Somali ku heshiin karto kuna heshiisey inuu yahay Nidaamka Federalka ah, dalkan dagaal sookeeye ayaa ka dhacay, sida keliya oo aan ku kala badbaadi karno waa Federalka iyo nin walaba oo gurigiisa dhista, nabadeeya , dan guud ha la isu yimaado , lkn yaan la isku xad gudbin. arrinta Mr. Armaan, waa ninka keliya ee diplomat u eg, wax bartay luqado badan yaqaan, si fiican u fahmsan geo politics , smart ah , isagiina waa is casilay, waxaa isugu soo haray kuwa qabiil lagu keenay oo damiin dab ku dhuus ah LOL . No wonder Somalia will be doomed !

  13. Kismayo33 says:

    Armaan is casiliddiisa waxay dharbaaxo culus ku tahay fikradda keligii taliska ah ee Xasan Dhuxlow la yimid Mareykanka.

    He tells the world that you can sell security jargon to USA in lieu of dictatorship. Wrong strategy even if Americans buy it.

    Madaxwyanaha waa madaxweyne War. Citizen vs citizen. This is frieghtening saga.
    Natiijadana way caddahay: another civil war.

    Dulmun jadiid with Hawiye agenda is deadly combination.

    Wake up Somali people before its too late.

  14. Hanad says:

    @Cadaado hadaad federaalka diidid, diyaar ma’utahay dooladii kenya lagugu soo dhisey, oo ilaa 4 bilood ka hor reer puntland hogaanka u hayeen meesha hadii ay ka baxdo diyaar ma utahay hadaan u wacano qolada naga fadhida barlamaanka oo sidaa lagu kala tago oo markaa midnimadii soomaaliyeet meesha ka baxdo oo aan iska iloowno guryaheenii muqdisho, in iidan mooryaan nimada ku laabaneynin? Ma’isku filnaan doontaan, mise sidii barigii oo kale baat usoo booyi doontaan intaad halmagaaloo ku heshiin weydaan, waryaa waxa aat tahay waan naqaan, idinkuna waxa aat tihiin waat istaqaaniine, aduunkana wey ogyihiin in soomaali qabiil isku leysey sidii rwanda, ee maku soconeysaa wixii lagu heshiiyey 2004 oo federalism ah? Yaa doolada ku fa’idey oo isbaarada looga qaadey iyo dagaal oogayaal? Yaa rajada ku soo laabatey aan idinka ahayn? War anga iyo somaliland horaan wax u qabsanney dadnimadeedana waan leenahay, inaan hore u sii socono ma’ahe idinkoo kale manihin, yaat u dhaaraneysaa maxaatse is moodey?

  15. ciid yare says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk war kii rafanaayay dadkii dibadana waa ugeeystay dhibka awal buu muqdisho kusoo kordhiyay kufsi badan iyo dil ma haduu diblomaasiyiintiina martay safar lagu qasaaray iga dheh shalay waxaa uu lahaa m,kan baa i a qoon saday maan tana ergaygii baa is casilay why ? timirba laf baa ku jirta laakiin waxaan leeyahay qof kasta oo dalka diinta iyo dadka kana xaayaa amaba sharaftiisa bad baadinaaya waa uu ka tagin xil uu kula walaaqaayo xasan culusow oo ku guul daraystay qaabka siyaasada nidaamka dhaqalaha amniga iyo diinta taas oo uusan qaadan karain qof damiirle waxaana usii dheer cadaalad darada uu wax ku maamulaayo laakiin ninkaan waxuu ku dhaartay kitaab hadiise uu xasan layi maado ka leexasho waxa uu ku dhaartay amaba uu dadka iyo dalka uu cadaalad ugu shaqayn waayay ninkaan waa in uu iska casilaa xilka asagoo qadarinaaya dhaarta marka waa arin soo dhawayn mudan oo uu qaaday waxaana ka rajay naynaa in ay qaadi doonaan dadka kale sida wasiirada iyo safiirada udanaynaaya dalka iyo dadka aananayn wasaqayn sharafta dalka iyo dadka iyo tooda qaas ahaaneed waxa xasan wa laaqayana aan lala walaaqan thanks bro i great your ideal 100% noolow kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  16. ciid yare says:

    caaway waxay tan waji gabax aan lasoo koobi karin ay ku noqonaysaa reer damiid oo uu ugu horeeyo saxan culusow waxaa fiicnaan lahayd caaway in aan aragno amaba soo duubno xasan culusow wajigiisa suu unoqday dhuxul asagoo ka madoo baaday dhuxusha kkkkkkkkkkkkkkkk dadkuna waxay dhahaan ragu waa sadax taliye latashade iyo laga tashade hada xasan waxay noqotay in laga ta shado kkkkkkk oo uugu horeeyo erkaygaan somaalida waxay dhah daa nin aan talin jirin haduu taliyo nin aan tagi jirin ayaa taga oo aad caawa ujeedaan alow sahal amuuraha kkkkkkkkk

  17. siidii says:

    waxaa layaab ah in soomaaliya aay iskaga dhigaan dad qaas ah in aay mas uul kayihiin waxaa layaab ah in hadii dadka udhashay gobolka bari qof kamid ah haduu xil katago ama lagacasilo in dhamaan dadka kasoojeeda deegaankaas aay buun buuniyaan waxaan kutalinayaa dadka soo maaliyeed oo ra,yigooda kadhiibanaya meeshaa in aay iskadhaadhiciyaan in aay deeqdo soomaalinimo oo aay iskadaayaan qabyaalada iyo qurunka iyo iimaandarada waan wada ognahay qofkasta oo meel loodhiibo in uu naagtiisa iyo ilmihiisa kaliya uu kumashquulo ee dadyohow wax iskulahara

  18. mohamed says:

    aniga sida aay ilatahay mamulka cusub waxuu donaya in usameyo wax wada cusub madxweynuhu waa cusub yahay,R/Wasarahu waa sucub yahay R/barlamanku waa cusbyahay Golaha Wasiradu waa cusbyihin Agasimayahau waa cusbyihin Sarakisha Cidamadu waa Cusbiyihiin Ambashatoradu waa cusbyihin.dhaman dadka Xumada ushaqeya waa in aay wada cubyihin waxan kateyag Xubnaha barlamka waa cusbyihin waa duni wada cusb,maxuma wase in aan cadalada laga tegin maxa yelay dadku isha ayaa laysku haya/

  19. WAA WAR WACAN OO SOOMALIYA U HA GUULE WAXA WAX LAGA XUMADO HA SIILAYO IYO BEENTII WAA DHAMATAYA XAGE BAAYA GELAYAN SIILAYO WAXA U TALA MAXAKABADA LA SARO HA DHACO SOOMALI DIIDKA HA DHACO WAA U DHAMATAY SOOMALI DIIDKA WAA SIIDAN RABEEYA WAA SIIDA GUULE SOOMALI WEENA GUULE HA DHACADO SIILAYO IYO BEENATA WAA LA WAAYEY AQOSIIGA KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  20. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Waan soo dhaweynayaa is-casilaadda masuulkan. Waxayna ku tuseysaa qabiiliiste Xasan Sheekh in la sii nacayo, waana wax jira Marka qofku qabiil kasoo uro in la naco. Marka waxba yaan la aflagaadeyn masuulkan kuwo badan ayaan ka tagi doona maadaama nin qabyaaladi ka buuxdo iyo qof damiir leh aysan wada shaqeyn karin.
    To pro Picolo
    Nin weyn iska dhig, dadka ha adlagaadeyn, ra’yigaaga dhiibo very simple!!!

  21. gaasira says:

    war ninka tolow ma inaan siyaarada madaxwaynaha lala socodsiin ayuu ka carooday

  22. Farah Ali says:

    Dhamaan intii been beenta beenta iyo magac u yaal isku tilmaami jirey danjire, wareega oo aan waligeed la maqlin, iyo kuwii safaaradaha fadhiyey dhamaan waxaa looga yeeray in ay dalka dib ugu soo laabtaan, Reform ayaa lagu sameynayaa dhamaan way og yihiin in dad qibrad leh lagu badali doono in ta safiir run ah aheyd oo aan xir fad laheyn marka is casiladoodu waa wax howshaa dowlada u sii fududeynaaya, una save gareynaayo qarash dowlada kaga bixi lahaa hotel diyaarad

  23. Jubaland says:

    Jubaland Waa jiraysaa waxayna jirtay oo magacaas baxay 1900 waxan filayaa mooryaanta qaylinayaa xataa abayas hood inaysan dhalan, laakiin. Waa yaab. Dad Xumana, isbaaro,Kursi, dagaal. Tageerayay 22sano. Oo maanta. Shiikh iska dhigaya kana hadlayaan soomalinimo iyo dawlad , Hadii run idinka tahay Gurkha dadka ee xooga Aad ku qabsateen 1991 oo ilaa hada Aad ku ilma dhakysaan kabaxa.

  24. abdirisaaq says:

    Waa cajiib after 22 years Somali walli ismaybaran.

  25. abdirisaaq says:

    Walee waa cajiib iney somali isbaranweydo labo iyo labaatansano ka dib.

  26. Cadaado says:

    @Hanad, aniga waxaan qabaa in baarlamaanka oo eey dad kuugu jiraan, oo reerkasta dadkooda ku jiraan in la horgeeyo arrinka Federalism, eeyna go’aan ka gaaraan. Waxaan taageersanahay Majoritiga in taladooda la raaco. Marka taas maxaad ka qabtaa? Hadii aadan taas ogoleeyn, haa, u yeerta xildhibaanada idinka jooga Xamar, oo aan biilashooda anaga bixino, Garoowe iyo Hargeeysana eeysan waxba ku “conbtribution” sameeyn, waana cadaalad daro aan iskaga dul qaadaneeyno anagoo qadarineeyna madaxda iyo anagoo tanaasul ka sameeynay waxyaabo badan, maadaama qaranimo iyo waxyaabo waaweeyn aan raadineeyno. Laakiin, makula tahay in eey cadaalad tahay “representation without contribution” oo ah Xildhabaanada deegaanka Hargeeysa iyo Garoowe kasoo galay oo dhaqaalaha dakadahoodana loo daayay, mida deegaanad kalena ayaga laga biilo. Marka qarash ayaa Dowlada dhexe u baaqanaya iyo waliba dad sida Xasan Abshir oo kale, oo Xamar u yimaaday in uu lugta qabto oo caqabado ku hor gudbiyo Koonfurta Somaliya ilaa uu aduunka odaygaas ka tagayo. Waa nasiib daro, odayaal cimrigooda dhameestay, hadana aan ubadka iyo jiilasha soo socda aan rabin in eey wax wanaag iyo dowladnima uga tagaan.

  27. maxamed shiikh(shiine dheere) says:

    asw
    qofku waa is casilkaraa mana u malaynayo in cimraan ay is fahmi waayeen madaxda dalka ee shqo ka fiican ayuu helay baan isl leeyahay

    qof kale oo shaqada qabta waa buux waliba (dam jadiid ah)
    wabilaahi towfiiq

  28. Ugaas Raage says:

    Waa cusub ayaa Soomaaliya ubaryey, caadaqaatayaal dacaayado raqiis ah dariiqyada lataagan oo reer Puntland ahna cidna doonimayso.Adeerayaal dhagahaanu kafureysanay Faroole and his gangs.cry babies!

    Somalia Hanoolaato dabadhilifyada Soomaalida ah ee cadawga dariska u adeega hadhacaan.

  29. Mahdi says:

    Heestii Dad baa meeli bugtaa buktaa ayaan soo xasuustay! Barwaaqo kasta oo loo sheego dad baa meeli bugtaa

  30. ciid yare says:

    cadaado@ adeer afkaaga xasan abshir kadaa huurada badan xasan adiga iyo noocaaga waxba kama qaadi karaan aabahaa oo aan dhalan ayuu talin jiray mida kale waxaa layiri maroodiga takarta saaran markee tankale tan saaran buu arkaa doqomada aan waxna aqrin waxna aan qorin oo ma cawista jiidaaya ilkaha digir taana taagaaya ee ay kamid yihiin axmed diiriye iyo xaad oo ugu liita somaali wax soo maray oo ku qaraa banaaya shaar nabadoon oo xaraanta ku naaxa adiga maxaa util maami wayday manase aragtid dhibaatada ay ugeesteen somaaliya iyo caasumada adeer xasan waa madax waana r\ wasaare waana oday somaaliyeed laakiin adiga iyo mooryaanta aad wa dataan cisi iyo karaamo idinka dooni maayo sida afka looga laadana waa yaqaan doqon yahay socod kaaga haka dheereen ee lasaco dameerahaaga

  31. ciid yare says:

    ugaas raage @ adiga waxaa tahay dadkaa aan soo sheegay oo ay kamid yihiin xaad iyo axmed diiriye waxay dhaleen hadana ay xaaraan ta ku koriyeen waxaana taas u daliil ah magaca aad wadatid iyo waxa aad soo qoraysid oo uusan soo qorin qof magacaan wata amaba qiimaheeda yaqaan mida reer puntland waa dad xadaarad iyo ilbaxnimo ku dheer oo wadan kooda wax uqabtay hadana adi wax kuu qabtay laakiin doqoni tacliin iyo caqli malahee daamankay meer meerisaa puntland adi iyo xaad iyo axmed diiriye dad ay xor ka caayaan waxba ka doonimayso albaabadeedana umana furto sorry tan faroole adeer waa aabahaa yaqaan sida loo tar biyeeyo xaad iyo axmed diiriye iyo adi ee ka xishood aabahaa kkkkkk

  32. Cadaado says:

    @ ciid yare, xaaraan xaaraan dhashay waxaa ah adiga iyo Xasan Abshir, oo kusoo noolaa ilaa waagii uu duqa magaalada Mogadisho, safiirka Japan ka iyo Jarmalka ilaa iyo waagaas baa xildhibaan Xasan Abshir uu cunaayay xaaraan iyo wax uusan shaqeeysan, wax uusan karti u laheeyn. Marka Nabadoon Ahmed Diiriye iyo Xaad, waa labo oday oo nabad doono ah, oo kaliya maslaxada reerahooda iyo maslaxada mujtamaca guud ee Somaliyeed oo isku mid ah ka hadla. Cidna, shaqo Dowlad uma dirsan, cidna ma biisho, oo xoolahooda oo xalaal ah ayeey cuneen, si iskaa wax u qabsanah waa eey uga digaan umada Somaliyeed waxii dhib ku keenaya. Taasna waa geesinimo aan laga heleeyn nabadoono badan oo reer kasta oo Somaliya leeyihiin, oo eey aheeyd in nabada iyo farida wanaaga iyo reebida xumaanta eey ka hadlaan mar walba.

    Adiga, ciid yare ah, u soo diyaar garow in aad wax aad shaqeeysato kaliya cuntaa, mar danbe dhici meeyso in booli qaran lagugu naas nuujiyo. Waxa eey maamul beeleedka Garoowena la qeylinayaan mar walba waa waxa joogsaday cunidii iyo iska dal dalashadii wax eeysan xaq u laheeyn ilaa iyo 1960. Dadka Somaliyeed hurdadii waa eey ka kaceen. Ee ninyahow, maad iska deeysiin wax aanan shaqeeyneeynin, oo aad waqtiga nooga dileeysaan. Walaahi in eeysan dhaceeyn boono, iyo warqad xun in dad lagu siiyo booli qaran mar danbe.

Leave a Reply