Ergooyinkii Gobolada ee Ururka Horseed oo meel mariyayay Xeer hoosaadka Ururkaasi.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC RADIO) Maxamed faarax Ciise Gaashaan Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland kana tirsan  Ururka Muxaafidka ah ee Horseed ayaa ku dhawaaqay Natiijada shir maalintii 2baad galay oo ay Jaamacada PSU ee Magaalada garoowe  ku leeyihiin Ergooyinka Gobolada Puntland isaga yimid kuwaasi oo maanta u codeeyey Xeerka Ururku uu yeelanayo sida uu Gudoomiyuhu Sheegay 315 qof ayaa meel marisay Dastuurka halka ay 3qof oo kale ka aamuseen isagoo ku dhawaaqay in Xeerku meelmaray sidaana ku ansaxsan yahay.

 

Gaashaan ayaa sheegay in Gudiga Xeerkan qoray ay si weyn uga fikireen una turxaan bixiyeen wuxuuna u mahaddceshay Ergooyinka Meelmariyay Xeerkii lagu dhaqi lahaa isagoo sheegay in Horseed uu noqon doono kaaha ka iftiima Guud ahaan 8da gobol ee Puntland sida uu wasiirku hadalka u dhigay,intaan xeerkan la ansixin ka hor ayaa Ergooyinka Qodob Qodob loogu aqriyay si ay u fahmaan Qoraal ahaanah loogu qaybiyay si ay u aqriyaan.

 

Maalinta beri ah ayaa laga war dhawrayaa cida sida rasmiga ah u noqon doonta Hogaanka ururka muxaafidka ah ee Horseed oo lafilayo in barito ay Ergadou doorato dad badan ayaa hadal haya in Madaxweyne faroole loo dooran doono hogaamiyaha Ururka inkastoo shalay maruu furitaanka ka hadlayay uu yiri alle ayaa og in aan isa soo sharxi doono iyo in kale.

 

Ibraahim Wadani

RBC RADIO

Xafiiska Garoowe

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Ergooyinkii Gobolada ee Ururka Horseed oo meel mariyayay Xeer hoosaadka Ururkaasi.”

  1. jamaal says:

    Asc sln ka dib maasha allah alle ha dhowro madaxdena dowlada cusub ee somaliyed waa war aad u qiimo badan oo mudan in la tagero waxana leyahay dhaman umada somaliyed aan la shaqeyno dowladena cusub mid na hala ogaado wax midnimo lagu wayay qabyaalad iyo koox kox laguma helayo waxana xasusinaya walalaha bogan wax ku so qorato fikradahoda in ey iska dhaafan qabyalada iyo qof jecleysiga somaliyey waan aragnay hogamiye koxed iyo koox koox mesha ey na geysay fadlan qofki wanag somaliyed wado tager adoo qabiil u firineyn hagu tagerin qof qabyalad 22sano wey nagu filantahay lkn malmahan waxa soo bilowday mid ka kid ah madaxda gobalada oo dadka dib ugu celinayo 1991 asagoo rabo in uu ku beerlaxowsado ujedoyin guracan oo laga soo gudbay alle ha soo hanuniyo ninkas madaxda ah wuxuna raba in uu dadka ku mashquliyo si aan loola xisabtamin waqtiga shaeci darada ah oo uu ku darsaday mamulka gobalka ey dadka u dhibteen somaliyey qabylada iska ilowa somalinimada u soo laabta dowlada na la shaqeya alle hana siiyo towfiiq aamin

Leave a Reply