Faahfaahin: Maamulka Puntland Iyo Al Shabaab oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Boosaaso


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso (RBC) Maamulka Puntland iyo kooxda Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay labo weerar oo si gaadmo ah xalay loogu qaaday fariisimo ay ciidamada Puntland ku lahaayeen duleedka magaalada Boosaaso halkaasoo dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay.

Wararka ayaa sheegaya in labada weerar ay dheceen xalay abaare 10:30 fiinimo kadib markii dagaalyahano ka tirsan maleeshiyaadka Al Shabaab ee ka dagaalama Buuraleyda Galgala ay si gaadmo ah u soo weerareen labo goobood oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.  Mid ka mid ah weeraradaasi ayaa ka dhacay kontoroolka Laag oo 30-km u jira magaalada Boosaaso halkaasoo qadar kooban dagaalyahanada Al Shabaab la wareegeen.

Dad ku sugan magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in magaalada laga maqlayey dhawaqa rasaasta culus ee la isweydaarsanayo iyadoo markii uu dagaalkaasi dhacay illaa saaka ay go’neyd isu socodka wadada laamiga ee iskuxirta Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland.

Wasaaradda amniga Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in saddex ka mid ah maleeshiyaadka weerarka soo qaaday ay dileen, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in ciidamada Puntland ay hadda joogaan deegaanada lagu soo weeraray.

“Weerarkaasi ayaa dhacay abaare 10:30 habeenimo meel magaalada Boosaaso kaga beegan 40km dhanka koonfur-galbeed, iyadoo Ciidamada Puntland oo ilaalo ka haya agagaarka Buuraleyda Galgala ay iska caabiyeen ayna baacsadeen argagaxisadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

War saxaafadeedka Puntland waxaa lagu sheegay in hal askari uu kaga geeriyooday dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Boosaaso.

Puntland waxay weerarada Al Shabaab ku soo qaadeen ku eedeysay inay caawinayaan xaalado siyaasadeed oo dalka ka jira, sida lagu qoray war saxaafadeedka kuwaasoo wasaarada amniga aysan qeexin.

“Waxaa la rumaysan yahay in weerarada argagaxiso ay kooxda Al Shabaab kusoo qaado Shacabka iyo Dowladda Puntland ay ku lug leeyihiin xaalado siyaasadeed oo Soomaaliya gudaheeda ah.” ayaa lagu soo gabagabeeyay war saxaafadeedka Puntland ka soo baxay.

Al Shabaab oo hadashay

Dhanka kale warbaahinta gudaha ee ku hadasha afka kooxda Al Shabaab ayaa maanta sheegtay in dagaalyahanno iyaga ka tirsan oo ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari ay weerareen saldhigyo ciidamada Puntland leeyihiin ayna garsiiyeen khasaare aaney sheegin inta uu la eg yahay.

“Dagaalkaasi waxa uu ka dhacay duleedka Boosaaso, waxaana ka gaarnay hadafkii aan ka lahayn.” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Al Shabaab oo aan magaciisa sheegin oo la hadlay idaacadda Andalus oo ku hadasha afka ururka Al Shabaab.

Dagaalkan xalay ka dhacay duleedka Boosaaso ayaa yimid xilli madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu mudo bil ah uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Faahfaahin: Maamulka Puntland Iyo Al Shabaab oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay Duleedka Boosaaso”

  1. Puntland boy says:

    Reer Puntland home work baa idiin yaala hadiiba Afduubku soo haweysanayaan Boosaaso banaankeeda Waxaan u malynayaa wax la fiirsadaa meesha ma harin , Amaanku waa waxa nolosha Qofka bini aadmiga u baahan yahay Hadii mar amaanka gacantaada ka baxdo wax nolol layiraahdo maharin , Inasamatar & Qashinka lamidka ah ee qaylinya waxay u shaqeeyaan afduubka waana cadahay , Marhadii madaxa lagaa galo jirka intiisa kale macno maleh xubin walba meesheedaa loogu tagayaa Boosaaso waa Halbowlihii ganacsiga Puntland gadaal beeyna kaa xigtaa garo inta kale , SNM tu dagaalka wax beey kawadaa , Reer Puntland Dooradhada & Asxaabta dib haloo dhigo Dagalna dadka haloo diyaariyo Dheer oo waliba xanuun badan waa hadii aan rabno inaan Bogcadaas yar nabad ku noolaano, Viva Puntland & Jubaland

  2. dr abdalla says:

    raxanreeb wixxii la rabo miyaa la ska sheegayaa !! xabbada laag ka dhacda miyaa boosaso laga maqlaa !! adinkaa sheegaya xabadaa ! laag iyo bosaso wuxuu gaarigu ukala socda muddo ka badan 40 daqiiqo marka laga bilaabo control-ka boosaaso , control-kana wuxuu magaalada u jiraa ilaaa 8-10km , beenta aad qoraysaan waa la idin kaga daba imaanayaa insha allah shabab na waligayd bay halkaa ku jir lkn waxay ka faadiisaysatay khilaafka siyaasadeed ee ka aloosan wadankeena insha allah lkn waxba na yeeli maayaan waana ka guulaysan doonna cadawga dalka iyo kan dintaba …… soon insha llah

  3. caraseedo says:

    Haddaynaan istaakulayn tabar yeelan maynee,
    katashada cadaawahoo isku tiirsanaada,
    [puntland waa qaran xoog iyo awoodba leh,]
    afar wiil oo afka soo duubtay waxba qaadi mayaane,
    iska jira cadaawahoo isku tiirsanaada.
    waxaa la neceb yahay jiritaanka puntland iyo kala dambaynteeda,
    waxaana jira cadawyo badan oo ay dhibayso wax la yiraahdo puntland,
    marka waxaa loo baahan yahay isku duubni iyo in lajoojiyo kala daadsanaanta.
    Kuwa iska dhigaya in ay puntland wax u kordhinayaan,oo isku shaabadaynaya mucaaradka,waxaan leeyahay dalka iyo dadka cadawga ha u loogina,guuuuuuuuuul puntland iyo inta jecel jiritaankeeda.

  4. ciid yare says:

    caraseedo waa runtaa walaal waa saa usheegtay puntland cadow badan ayay leedahay ha ugu dar naadeen alshabaab iyo kooxda muqdisho hadaysan kawaan toobin ficilada ay wadaan dhagtaa loo darin dhiiga habartii wiil ka gablamo rabtaay soo dirso wiil kaaga balan baan kaqaad nay in aad wax badan madaxa dhulka ladhacdaa ha ahaado daba dhilf lasoo adeeg saday oo udashay puntland amama haka yimaado muqdisho iyo meel kaso kaysa hadaa nahay shacab kana waan uda gaalamin bad baadinta dalka iyo dowladaba hadama cida nafta xuntaa dhibayso oo kulayl kuhayso hasoo aado puntland dhaqsaa lagaaga siibin waxaad kaheshaana wax ha iga siinina well come

Leave a Reply