Faransiiska Oo Ka Cabsi Qaba In Dalkaas Ay Ka Dhacaan Weeraro Argagixiso Oo Looga Aar Gudanayo Hawlgalkii Uu Ka Fuliyey Soomaaliya & Maali


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Paris(RBC Radio) Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay iney ka cabsi qabto weeraro argagixiso oo lagu qaado dalkaas madaxweynaha wadanka Faransiiska Francois Hollande oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowladiisu ay ka baqdin qabto weeraro laga fuliyo gudaha wadankiisa kadib weeraradii ay kumaandowska wadankaaas ka fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo Maali.

Madaxweynaha faransiiska  ayaa sheegay inuu ka baqdin qabo in weeraro ay ka dhacaan wadankiisa looga aar gudanayo hawlgaladii ay ciidankiisu ka geysteen Soomaaliya iyo Maali wuxuuna tilmaamay in dowladiisu ay gali doonto feejignaan dheeri ah oo ku saabsan sidii ay uga hortagi lahaayeen weeraro uga yimaada ururada islaamiyiinta Soomaaliya iyo Maali oo Faransiisku uu hawlgalo ka fuliyey wadamadaas.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee wadanak Faransiiska ayaa weerar dhicisoobay ka geystay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose hawlgalkaasoo ay ku doonayeen iney kusoo furtaan Dennis Allex oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada wadanka Faransiiska kaas oo ay alshabaab ka qafaasheen hoteel uu ka daganaa Magaalada Muqisho , Fransiiska yaa sheegay in hawlgalkaasi uu dhicisoobay.

Ciidamada Kumaandoosta Wadanka Faransiiska ayaa ku guul dareystay iney soo furtaan lahaystaha u dhashay wadankaas, war kasoo baxay wasaarada difaaca Faransiiska ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas ay faransiiska uu uga dhintay 1 askari halka mid kalane ay sheegeen iney la’yihiin waxayna intaa ku dareen Dennis ay toogteen kooxihii gacanta ku hayey inta uu socday hawlagalka ay ku doonayeen iney kusoo furtaan.

Waxaana xiligan soo ifbaxaya cabsida Faransiiska ee ku saabsan in dalkaas lagu qaado weeraro argagixiso oo ka dhan ah kadib hawlgaladii ay ka fuliyeen wadamada Soomaaliya iyo Maali oo Faransiiska uu qasaare kasoo gaaray.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Faransiiska Oo Ka Cabsi Qaba In Dalkaas Ay Ka Dhacaan Weeraro Argagixiso Oo Looga Aar Gudanayo Hawlgalkii Uu Ka Fuliyey Soomaaliya & Maali”

  1. Ahmednuur says:

    Faransiisku waa Dowlad xun, oo aad ugu gaamurtay necaybka Islaamka, waana in wixii la heli karo, lagu ciqaabaa, xataa Yuhuud iyo Maraykan bay ka horaysaa, markii la yiraahdo, Nacaybka Islaamka.

  2. som boy says:

    Ahmed nuur waan kula qabaa aragtidaas waa wadan xun oo cunsuri ah necebna islaamka kuna xad gudba sharciyada wadamada aan xoog laheyn waayo waad u jeedaan wadanka somali hada ma ahan wadan ku meel gaar ah ee waa dowlad wana kaas inta iska soo galaan ayeey waxey doonaan ka sameeyeen marki eey wax walba dowlada kala xaajoon lahaayeen marka aniga waxaan qabaa qof kasta oo somali ah in uu fiiro gaar ah u yeesho oo ogaado in uu cadaw yahay faransiisku

Leave a Reply