France: Ha bixiso mag-dhowga dadka rayadka ah ee Buulo-Mareer. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

France: Ha bixiso mag-dhowga dadka rayadka ah ee Buulo-Mareer.
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Janaayo 14 2013

Waan qabaa in Soomaaliya aysan gacanteena ku jirin, waana ognahay in sida wax u socdaan ay tahay si khaldan, ma garan waayin in dowladaha waaweyn ciddaan dadkooda ahayn aysan dad u aqoon, laakiin sidaas kuma aamusayno, Soomaaliya in cid kasta ay waxay doonto ka samayso sharci u noqon mayso nin la af-duubtay oo la rabo inloo dilo kun caruur ah oo aan waxba galabsan, iyadoo lagu taba barayo ciidamo ciyaal suuq ah oo qoysas iyo xaasas mas’uul ka ahayn oo aan garanayn qiimaha qofka bini aadanka ah.

Hawl-galka ciidanka Commandos-ka ee dalka France ku galeen Buulo-Mareer ma ahayn mid sida kan ciidammada AMiSOM layna leeyahay waxaan gacan ku siinaynaa ummadda Soomaaliyeed inay nidaamkii dowladnimo dib ugu soo noqoto, ma aha mid Al-shabaab la rabay in looga xoreeyo dadka shacabk ah ee ay xoogga ku haystaan, laakiin wuxuu ahaa mid la doonayay in laynagu baro awoodda iyo xoogga Faransa…. Laakiin falsafad ahaan Soomaalidu xoog kama baqdo iyo ciidamo tiro badan, waxaase hal hayso u ah “Gar-daraale Ma Guuleysto”!

Macnaha waxaa weeye Soomaalida run ahaan gar-darrada waa laga badiyaa, wax kalaba ha lagu dhaliilo laakin gar-darrada waa laga badiyaa, sidaa aalaaba ay rumaysanyihiinna ma aaminsana waa lagaa hub badanyahay oo sidaa kuma baqaan, waa lagaa tiro badanyahay oo kuma baqaan, laakiin haddii ay tuhunsanyihiin inay gar-daranyihiin kuma dhiirradaan colaadda.

Waxaa muuqata in dowladda Faransa iyo dowladaha waaweyn ay aaminsanyihiin in sida dagaalku u dhacay ay ahayd si askarinimo ah (Commandos= askarinimo, xaylad dagaal oo sareysa waqti go’an hawl-gal ku fuliya ) taasoo macnaheedu ayahy in askarigu uusan qiimayn dadka aan dadkiisa ahayn waxay dilaana waxay doonaan ha ahaadaanee waxaa lagu qeexayaa inuu yahay qayb ka mid ah yoolkii (Target) loo socday waxayna magaca la wadaagayaan wixii bar-tilmaameedkoodu ahaa, taasina ma keenayso danaha ah in magac laga helo ee waxay horseedaysaa oo keliya is nacayb iyo cadaawad sii lagu sii kala fogaado.

Denis Alex, wuxuu ahaa askri basaas ah oo isagoo waajibkiisii gudanaya ay qabteen askar kale oo cadowgiisa ah, sidaa daraadeed ma aha sabab macquul in dad rayad ah oo aan dagaal ku jirin, oo aan hubaysnayn maalin kasta ay ku dhintaan hawl-galo ay isku ugaarsanayaan ciidamo hubaysan oo is bar-tilmaansanaya, sida wararka loo sheegayana Denis Alex ma aha nin la af-duubtay ee waxaa la oran karaa waa askari isagoo hawl-gal basaasnimo ku jira ay qabsadeen cadowgiisii, waliba waa sida ay kooxda Al-shabaab ku eedaysay xilligii ay qabsadeen ninkaas iyo saaxiibkii.

Dadka Soomaaliyeed inkastoo ay maanta aafeeyeen colaadaha dhexdooda ah, in kastoo aysan ahaysan dowlad wax ku ool ama ku mashquulsan sidii ay dadka dib isugu soo celin lahayd, in kastoo nin kasta muruqiisa tusayo oo u dowladaynayo ma aha inaysan la socon dulmiga joogtada ah ee maalin kasta laga gelayo, waxaana xusid mudan in siyaabaha laynoola dhaqmay aysan ahayn si aan mudannahay, ama si abaal layna gashanayo.

Annagu maalin kasta dad baa innaga dhimmanaya oo ay innaga dilayaan ciidamo shisheeye, laakiin waxay haystaan qiil ah in madaxdii dalka joogtay iyo shacab badan qabaan in sidaas ammaanka dalka ku jiro, in sidaas dowladnimadii iyo qaranimmadii aan iska burburinay la rabo in lagu soo cesho, waxaana dareemeeynaa inaan annaga is aamini waynay, laakiin taas macnaheeda ma aha inaan waxba kala garanayn, inkastoo aysan jirin ceeb ka weyn dad wax kasta wadaaga wax kastana isu ah oo hadana heshiin kari waayay….Garasho?!…

Waa hubaa in dad badan iigaga aragti duwanaanayaan waxa aan sheegayo oo waliba Soomaali ah, laakiin xaqiiqda aan la aqbali karin ayaa waxay tahay in nin askari inta magaalo dad deggenyihiin cirka uga soo dego uu qofkii ka soo hor baxaaba xabbad isaga dhufto!…xataa Ugaarta sidaas looma dilo casrigan aan joogno!…magacyo badan oo aan macno lahayn baa laynagu dilay Burcad-badeed! Al-shabaab! Islaamiyiin! Kaaga daranee hadana la rabaa in dalkii oo dhan laynooga qabsado, haddee ina wada laaya haddii aad awoodi karaysaan waayo innaga oo dhan, Soomaali haddaan nahay Islaam baa nahay, ama Islaamiyiin ha la dhaho ama…mana aha mid aan qarsanayno ee waa mid aan ku noolnahay kuna noolaanayno isla markaana aan rabno inaan ku dhimmanno.

Waxaan Faransiiska uu iska caadaystay in dalka Soomaaliya uu hawl-galo keliya u yimaado, waliba si isla weyni ku jirto isagoo aad moodo inuu dunida tusayo inaysan Soomaalida dad ahayn oo luuqadda keliya ee ay garanayaan ay tahay xabbadda afka qoriga ka baxaysa, sida uu maalinimadii shalay hawl galkaas ka dib ku waramay waziirka difaaca ee Faransa Jean-Yves Le Drian waxaa ciidamadooda ka dhintay hal askari iyo mid la waayay, wuxuuna dhinaca kale sheegay inay Al-shabaab ka dileen ilaa 17askari, laakiin sida ay sheegeen dadka deegaan ciidammada Faransiiska ayaa meel ka baxsan tuulada ku soo dilay dhowr qof oo shacab ah oo uu ku jiro wiil yar oo 2sano jir ah.

Waan garan karaa in maanta aan wax kasta u dagannahay laakiin dowladda Soomaaliya waa inay samaysaa baaritaan la xiriira wax-yeelada inta ay la egtahay, iyadoo taagero niyad sami ah la siinayo qoysaska dadkooda la laayay isla markaasna loo kiraynay qareeno (Lawyers) u dacwooda oo xuquuqdooda u raadiya, waxaana aad u haboon dowladda si cad oo aan aashuun (jalxad) lagu adimayn u cadayso inay dowladda Faransiiska ay qoysaskaas daiyo siiso.

Dad-weynaha Soomaaliyeed 22sano ma aysan arag cid aan dilayn, Qabqable magacyo kala duwan huwan, SHirkado aajnabi ah sun iyo qashinka Nukliyeerka (Nuclear-ka ) ku soo daadiya, Dowlado xoog is biday oo gar iyo gar-darraba iyagu waxoodu sharci yihiin oo dalka gudihiisa waxay doonaan ka sameeya, waxaadna garanaysaa in kulanka lagu midoobay ee qarammada dunida (UN) awooddisa qaynuun ay tahay tan maanta Soomaaliya lagula dhaqmayo, oo xattaa ilaa iyo hadda Banki Moon wixii shalay ka dhacay Soomaaliya kama hadlain wuxuu ku war-wareeganayaa eedaha loo soo jeediyo Burcad badeedda iyo wixii la mid ah.

Dennis Alex wuxuu askari gudanaya hawshiisii askarinimo oo inuu dhinto mudan kara in la qabsado sida hadda ku dhacdayba mudan kara, inuu badbaadana mudan kara, duulaana ku ahaa sir iyo xog ay dowladdiisa ku waajib yeeshay, laakiin ilmaha yare e 2jirka, iyo dadka aan wax galabsan ee Buulo- Mareer inta diyaarad dusha looga keenay layska dilay, maxay tahay xil-kasnimo yaridaas?!… taasi maxay kaga duwantahay Burcad-badeednimmada xeebaheennii lagu xalaalaystay oo in ka badan 600markab dagaal xeebaheenna hoganayaan!

Dadka Soomaaliyeed saaxiibkooda way ka yaqaanaan cadowgooda, dowlado badan oo siyaasadda dalka faro gelin ku haya isla markaasna wax-yeeleeya shacabka way jiraan, laakiin ma aha sida Faransiiska kuwo marka ay dantooda gaarka u socdaan oo keliya inoo yimaada, wixii aan colaad soo marnay muddada rubac qarniga ku dhow Faransiiska wax tarka inaga soo gaaray wuxuu noqday inuu inoo isticmaalo meel uu quwadiisa ku tijaabiyo ciidamadiisa .

Waxaan aad uga xunnahay xad gudubka loo geystay dadka shacabka ee layska laayay iyagoo aan waxba galabsan, waxaana uga tacsiyeynaynaa qoysaskoodii, ehelladii iyo qaraabadii ay ka tageen, annagoo Alle uga baryeeyna inuu naxariistiisii jano siiyo iyaga iyo cid kasta oo islaam ah oo ay wax yeelo ku soo gaartay, waxaana dowladda Faransiiska u sheegaynaa haddii uu jiro xeer ay ilaalinayso oo xuquuqda bini-aadamka ay ilaalinayso inay mag-dhow siiso dadka ay laysay eheladooda.

Waxaan rajaynayaa ninna innagama qab weynee qab been ah inaan laysku sirmin, dowladda Faransiiskana ay innagu ixtiraamto xeerarka iyo xuddudaha ay dunida wadaagto, isla markaasna ay garowshiinyo ka bixiso gefka ka gashay dadka Buulo-Mareer iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedba.

=============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

11 Responses for “France: Ha bixiso mag-dhowga dadka rayadka ah ee Buulo-Mareer. W/Q Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan”

  1. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @ qoraaga mowduucan, Ahmed,
    Walaal, adigoo iga raali’ah, waxaan ku su’aalayaa, maad 17 argagixisada alshabaabka fransiisku laayeena dhahday ayagana diyo ha lasiiyo? Cadaalada ayaad aad uga fogtahay, amaba waxaad tahay alshabaab kalkaaliye. Miyaadan u jeedin “pretext” amaba mar marsiinyaha eey Fransiiska wadankeena ku soo galeen eedeeda in eey leeyihiin argagixisada alshabaab. Mar marsiiyo taas la mid ah, ayeey nimanka Afrikaanka ahna bishii ku qaataan $1070, Kun iyo Todobaatan Dollar bishiiba halkii askari oo Amisom ah, taasoo ah fursad eey u abuureen nimankan jid iyo jiho diidka ah ee alshabaab. Xudunta mushkiladaan waa alshabaab. Ayaga ayaa ninkaan ku dhex haayay dadka dhexdooa ayagoo raba in eey gabaad ka dhigtaan amaba u isticmaalaan “human shield” Gar Ilaaheey ayeey taqaanaahee, waxii dhib uu masaakiinta Somaliyeed soo gaaray waxaa ka mas’uul alshabaab. Kaliya, dowlada Fransiiska waxaa laga rabaa in eey ogolaansha iyo amarka Dowlada Somaliyeed eey kusoo galaan dalka.

    Dadka caadiga ah ee masaakiinta dhibka kasoo gaaray Ilaaheey ha u naxariisto waxii dhintay, kuwa dhaawacmayna Ilaaheey ha caafiyo. 17 argagixisada alshaab ee la dilayna Ilaaheey cadaabta naarujahanimo waligood ha ku waariyo.

    Godane, Xasan Daahir Aweeys, Muqtaar Roobow, Ibraahin Meecaad aka Afghani, Takar, iyo Shongoli waa la’idinkugu imaan Jamaame iyo Jilib, sidoo kale Cali dheere, Kabokutukade iyo Xasan Yacquubkii Kismaayo kasoo cararayna adinka waan idinkugu imaaneeynaa Galgaduud. Sidoo kale, odayga duqa ah ee garka gaduudan, waa Cabduqaadiree, adigana Galgala ayaa lagaa soo qaban nolol iyo geeri mid uun. Waad ordi kartaan, laakiin ma dhuuman kartaan, oo albaabka Jahanama xataa waa la’idankaga daba imaan. Insha’allah.

  2. maxamed says:

    somalia waxay aad ugu baahan tahay gumeysi naxariis daro ah raga wadaniyadu ku jirto ama islaamnimadana in dalka laga dhameeyo kuwo sida kan cadaado la baxay oo kale oo gaaladu makhnuudo ay ku soo haren

  3. wadani says:

    Ninkaan cadaado la baxay waa kuwa marka laga hadlo arin soomaalinimo ah kaga caado qaata mafiyada soomali dhiigeeda xaalalaysatay xooga maalin dhaaf ah. Ninyahay gaajo ayaa ku haIysa ee ilaahay ha ku quudiyo. Ninka qoray dhambaalka waxuu ka hadlay soomaalinimo iyo wax laga danqado. Laakiin adigu kuwii weligoodba Itobiyaanka u carari jiray baa ku dhalay. Ninyahow soomaalina ma tihid ee fulay dabadhilif ah ayaad tahay oo qofkii hadlaba shaabadeeynaya. Laakiin Ilaahay ayaa nolosha iyo sharaftaba bixiya

  4. EX-Muslim says:

    Badanaa dadka dalkooda ay dagaallada sokeeyeed aafeeyaan qiimahoodu waa uu hoos dhaca.

    Miyaadan taas ogayn?

  5. Ummulkhayr says:

    Waxan aad ugu mahad celinayaa qoraaga,waayo waa qaanuun waxa uu sheegay, waxaanse ka xumahay in doorkii dawlad wax la xisaabtanta, iyo shacab mudaaharaada uu maqan
    yahay.
    CADAADO kan la baxay caqligii baa cadaad kaa qabsatay, hadii kale in yar uun baad fahmi lahay waxa wiilku ka hadlay. Waxaanse ku dhihi lahaa waxaa lala shir tagaa aqoon, iyo waayo aragnimo, midna meesha kuma haysid ee waad is xujaysay, sidaa darteed waxan ku dhihi lahaa marka hore wax soo baro.

  6. samatar says:

    waxa soomaaliya kadhigay wado halaq waa alshaydaan ,waa khawaarijdii dile cali binu khadaab,cusmaam binu cafaan ,cumar binu khadaab,dhibkasta waxaa kamasuula alshaydaan,soomaalidu waa iney hubka qaadataa rag iyo dumarba oo lalaalyo alshaydaan,yaahada lamusliminayaa,soomaali wa wada muslim

  7. Cadaado says:

    @ maxamed, adiga iyo awoowgaa ayaa la gumeeysan jiray. Aniga iyo awoowgeeyse waligeenba waxaan aheeyn dad dulmiga iyo gardarada aanan marnaba, waa marnaba in aanan aqbalin. Waan ku xasuusin waxii ugu dambeeyay waxeey ahaayeen aniga oo Ethopianka wadanka xoog uga saaray, markii aad adiga iyo daanyeerada kula dhashay aad u sacaba tumeeyseen. Gumeeysi qofka raba waa adiga, ee cadeeyso. Aniga “I was born free” sidaas oo kale ayaana aniga, iyo caruurteeyda iyo caruurtooda eey ayagoo xor ah, kaana sharaf badan dhimanayaan.

    @Wadanie, neef neef dhalay baad tahay, wadaninimada ma’ahan magaca oo la’iska soo qaata, iyo cinwaanada sida wadani, professor iyo wax la mid ah loo la’iskugu yeero laguma noqdo wadani. Ee, wadaninimo waa loo dhashaa. Waxaan ku dhaaran karaa in aad adiga iga gaajo badan tahay, oo aan kaa xoolo badanahay, sidaas daraadeed qofka eey ka suurtoowda in uu dalkiisia, diintiisa iyo qadiyadiisa gato waa adiga. Waxa kaliya oo aan kugu raacsanahay waxeey tahay in uu Ilaaheey nolosha iyo sharafta bixiyo. Nololna inkastoo aan ujeedno in aad nooshahay, sharaf ma heeysid sababtoo ah waxmagarato dad ah ayaa waxeey sababeen in qofka Somaliga noloshiisa eey noqoto mid raqiis ah, oo duli ah. Sababtoo ah xataa daanyeerta baboon ka ah ayaa ka fahansan Somali badan oo aad adiga ka mid tahay sida loo noolaado, meesha la taagaan yahay, waxa na keenay, meesha aan rabno in aan aadno, waxa dadkeena si raqiis ah anaga dhexdeena iyo dad banaanka ah maalin walba u dhameeynayaan iyo Su’aalo badan oo kale maskaxdaada buuran weeydii bal????

  8. Cadaado says:

    ASC, dhamaantin,
    @umulkhayr, adigo si aad ah iiga raali ah, maadaama qof dumar ah aad tahay, waxaad iila egtahay kuwa qariya, oo kalkaaliyo gacanna u fudiya argagixisada alshaab. Miyaad taageersanthay argagixisada? Hadii aadan taageersaneeyn, waxaan kaa dalbaneeynaa in aad cambaareeyso mar marsiiyaha eey alshabaab u sameeyaan Africaanta kale, hadeerna Fransiiska iyo wadamo kale in eey inta wadankeena soo galaan, shacabka Somaliyeed dhib soo gaaro. Waxaan kaa sugeeynaa in aad noo cadeeyso dadka aad raacdo, si aan u ogaano cida aad saaxiib la tahay. Thank you.

  9. Libaax-libaax DHalay says:

    @cadaado,

    Ina adeer waxaadan ahayn ha iska dhigan, hana is hafrin, nimanka aad iska dhigayso inaad u shaqayso waan hubaa inaadan u shaqayn, laakiin sida ay kula tahay adeer lays dayn maayo wax laga cabsado ama laga baqana ma jiraan marka Alle laga reebo, waad yara hanjabaysaa sidaad nin dad wax yeeli karo tahay, hadaa u badato kuwo badan oo aan naqaan oo biidhi qaatayaal baad ka mid tahay gabadhana ha handadin geedyahow cawaanka ah oo malaha noloshu ku cusubtahay.

    Waxa aad ka hadlaysaba meesha ma yaalaan, maanta oo dhanna dadkii baad la murmaysaa, sow ma ogid waxaan la qorayo in la turjumo khaasatan dadlalka Islaamka ah qoryaashooda, meeshaan cabsi ma taal runtana waa lays taabsiinayaa, mar dambana gabdha afka ha goosan, ” ….Waxaan kaa sugeeynaa in aad noo cadeeyso dadka aad raacdo, si aan u ogaano cida aad saaxiib la tahay.”bal waxaad ku hadlayso fiiri, war kuwo aad rabto inaad dadka ku cabsiiso ee malaha aad adigu ka baqayso adigaa yaqaanee bini aadan kama baqno, laakiin aan kala danaysano, aan is-ixtiraamno, macaamil, marka waa ceeb handadaadda waliba murqo iyo xaniinyo aadan lahayn aad dadka ku handadayso.

  10. Cadaado says:

    @Libaax-libaax dhalay, kkkkkk, horta ina adeer, murqo iyo xaniinyo aan leeyahay ayaan ku socdaa, kuna noolahay. Mida kale, qofna ma handadayo. Sidoo kale, waxaan rabaa in aan u shaqeeyo una adeego wadankeeyga Somaliya, oo niman qaniisyaal argagixiso ah oo carab ah inta yimaadeen eey ka dhigteen “playground”. Iyaga oo ka faa’iideeystay garasho la’aanta, iyo jahliga qabyaalada qabiilada Somalia ka dhaxeeya, oo sida gumeeystihii oo kale dadka Somaliyeed u “exploit” gareeyay. Kuwaas waaye kuwa aan u dhaaranayo oo la rabo in aan wadanka xoog uga saarnaa. Sidoo kale, qoraayaasha aad sheegeeyso waan ogolnahay in eey cid walba turjuntaan, aqristaana fariinteena oo ah, wadankeena in lagu ciy ciyaaro ma ogolin. Wax sir ah oo in la qariya u baahan maahan taas. Uug dambeeyn, maxaad ka wadaa aan kala daneeysano, aan is ixtiraamno? Hadii aad ka wadid si Somalinimo aan kuwada noolaano oo aan wada difaacno wadankeena waxii dhib ku ah, waan soo dhaweeyn.

  11. wadaad yare says:

    Cadaado

    Nuxurka fariintaada aad ayaan kuugu waafaqsanahey. Laakiin xoogaa waad dhiig kulushahey, anigaabad iga sii xag jirtaa!kkk

    Mowqifka aad ka taagantahey argagixisada waa mid lagu faano oonan ku faraxsanahey in nin aan isku degaan nahey oo sidaas u xaqiraya una fahamsan uu jiro.

    Midda ku saabsan duritaanka iyo xoogaa u dusinta ceyda qabiilka ee dadban, haddaad iska deysaan jeclaan lahaa.

    Qabaa,ilka soomaaliyeed dhammaantood waa dadkeenni iyagaanan wax ku nahey. Nin aad wax ku taheyna wax la iskagama dhigo. Laakiin siyaasadaha qaran dumisnimada ah oo ay ka mid tahey in dalalka deriskaa loo kaalmeysto xagal daacinta iyo kala qoqobka dalka in la iftiimiyo iyadoo qabiilkana la iska ilaalinayo waan qabaa.

    Argagisadu waa najaas weelna wax kulama cuneyno, qofkii soo dhoweystana iyaguu la mid yahey. Ninka qabyaaleystahaa oo qabiilkeyga neceb oo igu colaadinaya ayaan kun jeer ka soo dhoweysanayaa hororkaas noo geystey gumaadkii B/weyne, Shaamow, Hargaha iyo Saamaha,Muna, Plaza, Tiyaatarka.

    Tolla,ay ee ma Itoobiya iyo Israel iyo cadow kalaa intaas intuu noo geystey haddana ku faaney! Dammanaa dadkeygu!

Leave a Reply