Gaadiidleyda Ku Safra Inta U Dhexeysa Muqdisho & Afgooye Oo Kacabanay Isbaarooyin Badan Oo Yaala Wadadaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Darawalada  ku safra wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa ka cabanaya isbaarooyin ay sheegeen iney uyaalaan ciidamo ku labisan direeska ciidamada dowlada kuwaas oo lacago baad ah ka qaada gaadiidka ku safra wadadaas qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka u kala goosha Muqdisho iyo afgooye ayaa daboolka ka qaaday iney dhibaato xoog leh ku qabaan raggan hubaysan oo gaadiidka marar ka qaar rasaas waxyeela dhalisa ku fura hadii ay ka dhega adeygaan iney bixiyaan lacagaha ay dalbadaan.

Injineer Nuur Sheekh Cali Gudoomiyaha Iskaashatooyinka Gobolka Banaadar ayaa  sheegay  in tiro isbaarooyin ah ay yaalaan deegaanada u dhexeeye Muqdisho iyo Afgooye waxaana ka mid ah meelaha ay shegeen iney jidgooyooyinka u yaalaan ragga ku labisan direyska askarta dowlada Soomaaliya deegaanada Quraca dhinbil oo ka tirsan ceelasha biyaha iyo Lafoole waxayna intaa ku dareen in goobahaas looga qaado lacago fara badan iyadoo xiliyada qaarne ay sheegeen iney dhibaateeyaan rakaabka gaadiidka saaran oo ay baarasho kula dhaqaaqaan.

Taliyaha guutada Saddexaad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Max’ed Rooble Jimcaale Goobaale oo ciidankiisu ka hawlgalaan deegaanadaas ayaa sheegay inuusan waxba kala socon Isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo oo u yaal ciidanka dowlada Soomaaliya balse ay tallaabo ka qaadayaan cidii ay ku arkaan iyagoo dhibaateynaya shacbiga Soomaaliyeed.

Gaadiidleydan ayaa baaq u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu wax ka qabto dhibaatada lagu hayo shacabka iyo gaadiidka ku safra wadada u dhexeysa Muqdisho iyoAfgooye, dhawaan ayaa amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya lagu joojiyey laguna qaaday isbaarooyinkii yaalay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Gaadiidleyda Ku Safra Inta U Dhexeysa Muqdisho & Afgooye Oo Kacabanay Isbaarooyin Badan Oo Yaala Wadadaas”

  1. Banaadir 55 says:

    isbaaroyinka waxaa iska leh Tarzan iyo Khaliif Erag

  2. mohammed ali says:

    asc dhamaantiin
    waxaa muhiim ah in layswatdiiyo dakhliga dhaqaale ee soo gala dowlad ku sheega gobolka banaadir maamula. Isbaarooyinku way badanyiin tii ugu muhiimsanayd kamaydaan hadlin waana musuqmaasuqa xamar yaala oo dhaqaalihii lahelaba shakhsiyaad jeebka ku shubta. Way sii socondoontaa jidgooyinka hadii jidgooyada qalinka la joojin

  3. Puntlander says:

    War BanadirBoy iyo Mr Cadaado isbaaro jecelaa. Illeen waxaad barato waa baaskaaga!

    Allaah yahdiikum.

  4. mohammed ali says:

    @banaadir boy
    waxaan jeclaanlahaa inaad si guud uga hadashid xaalada gobolka banaadir, midakale shakhsiyaadkaan aad magacowday awooda heerkaas malahan ee xaqiiqada ka hadal waad ogtahay meesha khaladku yaalo.

Leave a Reply