Gaalkacyo: Ciidamada oo Ishortaagay Mudaaharaad Maanta Dhici Lahaa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC) Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa galabta deganaan ku soo laabatay ka dib markii maanta ay hareeyeen xiisado ka dhashay mudaaharaad la qorsheeyay oo ay ciidamada booliska ishortaageen.

Mudaaharaadka ayaa la joojiyey ka dib markii ciidamo ka amarqaata gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Jaamac oo wata gaadiidka dagaalka ay kala ceyriyeen dadweyne isugu yimid wadada lamiga ee bartamaha magaalada kuwaasoo doonayey inay dibadbax nabadgelyo ah ka sameeyaan magaalada.

Dadweyne teel teel ah oo ay ku jiraan kuwii mudaaharaadka saaka laga baajiyey ayaa soo dhoobtay wadada laamiga ee dhexmarta magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto wax war ah oo ay saraakiisha amaanka Gaalkacyo iyo maamulka gobolka oo ciidamadii saaka dibadbaxa joojiyey ay ka amarqaataan ay ka yiraahdeen xiisadaha ka oogmay maanta magaalada Gaalkacyo.  Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxweyne Faroole iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug ayaan waxba ka dhihin mudaaharaadka iyo inay iyagu ku lug lahaayeen abaabulkiisa.

Bannaanbaxa maanta la hakiyey ayaa yimid xilli maamulka gobolka Mudug uu soo rogay mamnuucis ka dhan mudaaharaadyada iyo kulamada aanu maamulku ogeyn ee ka dhacaya magaalada Gaalkacyo.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

10 Responses for “Gaalkacyo: Ciidamada oo Ishortaagay Mudaaharaad Maanta Dhici Lahaa”

  1. FIQI says:

    MUDAAHIRAADA AMA ISHORTAAGA WAXAA IDIINKU DANBEEYA FAROOLE WAX BADANBAAD DUSHAYADA KU DAGAALANTEEN OO AAN AAMUSNEEN HADAANU NAHAY BEELAHA DEGA P/LAND WAANU DAALNAY RUNTII …SAMIRNAY OO SAMIRNAY OO SAMIRNAY OO SAMRINAY !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  2. Maxamed Sh Cali says:

    Ciidamada Boolisku markii ay kala eryeen dadkii mudaharaadayay oo ay qaar xireen, gaadiidkiina mid ka xireen ayaa waxaa saldhiga soo weerarey ciidamada daraawiishta Puntland kadib markii ninkii gaariga lahaa uu u habarwacday kuwo ay isku jifo yihiin oo ciidanka daraawiishta ku jira waxaa saldhiga soo weeraray ciidanka daraawiishta oo wata 2 takniko ah waxay qabsadeen saldhiga waxayna hubkii ka qaadeen ciidankii Booliska ee saldhiga bartamaha joogey kadibna gaarigii iyo dhalinayradii ay la baxeen maxaabisitii xirnaydna waa siidaayeen sida wararka aan ku maqlay waxaa loo yimid iyagoo saldhigii haysta ciidankii daraawiishta ee kusoo duuley Saldhiga kadibna waxa ka kaxeeyey odayaal iyagoo diiday inay ka tagaan Saldhiga waxayna ku andacoonayeen in dowladii madaxwayne Faroole dhacday sidaas darteed ay qabsadeen saldhiga iyagu maadaama 5 bilood aysan mushaar qaadan waxay yiraahdeen 5 bilood mushaar ah hanala siiyo aan isaga baxnee saldhiga. markii danbe odayaal ayaa ku hagoogtey oo ciidankii gadoodsanaa ka kaxeeyey waxayna kadib markaas ku noqdeen xerada Kabka oo ay kasoo baxeen

  3. Ali says:

    looma baahna in wax aan jirin la buunbuuniyo, anagu gaalkacyo wax mudaaharaad sheegayo kumaanan arag, waase filayaa in dadka qaarkiis ay ku farxi lahaayeen in ay arkaan puntland oo holcanaysa, illaahay ayaan ka magan galnay,

  4. Eyl, puntland, Somalia says:

    Maxamed sh Ali waa nin iska hadlay, ika hadlow Ina igare, waxaan raxanreeb qoraysanah waxba Kama jiraan anagaa lahadalay gaalkacayo.

  5. Runsheeg says:

    Raxanreeb waa kula noole dhibkaaga jecel.

  6. Xaqiyomiisaan says:

    Shaydaan Iyo waxii la halmaala ayaa raba Puntland dhibkeeda. Faroole oo sharcigii kuxad gudbay Iyo afartii sano oo loo dhaariyay baa kamiya dadka Puntland dhibkeeda wada. Faroole ninkaan aqoonow waxaa uu ahaa ninkii isagoo ah was ii Puntland markii xilka laga qaaday weerar kuqaaday baarlmaanka dadna kulaayay. Soomaalidaa Waxay tiraahdaa ” Axdi maleh Amxaaradu” “ninkii abeeso korsadaa isaga bay cunin” hada Faroole waxaa uu cunida uu kubilaabay dhulbahante ayagaa dadkii doortay kamid ahaa. Hadana Haadaan ladhiman waa la arkin Faroole meesha uu Puntland dhigo. Sanad haloo daayo baa laleeyahay lakiin Waxay noqon 1 sano, 5 uu xisbi beena isku magacaabo Iyo wiilashiisa oo shacbigu xabad u qaato.

  7. Dr.Rigle says:

    Gaalkacyo waxa sidii Kurdidii har iyo habeen mudaaharaadka waa la layaqaanaa, waa Gaa-Gaab iyo Xulafadiisa, oo hada siyaasadoodii iyo xoogoodii uu kasoo horay Mudaahraad iyo Froole-Down. kaliya! Awoodoo di, baa intaa kusoo hartay, inay guntiino naag ku dhuuntaan!

  8. garaad yusuf says:

    aduunka waxaa oogu daran dad diidan runta iyo waxa kadhacay gaalkacyo war CM yaynan been iskusheegin war ha is luminina oo lafdheer haysu dhaxlina faroole markuu diyaar garoobayay waad ujeedeen ee boowe iminka calaacal wax idiin qaba baayee joogakkkkkkkk waasidaan rabay faroole waa libaaxii afrika kkkkk cid uu ka hibaysanayo majidho kkkkk ee ogaada

  9. waciye says:

    “Runsheeg says:
    January 15, 2013 at 4:13 am
    Raxanreeb waa kula noole dhibkaaga jecel.”

    Waa sidaad u sheegtay

  10. Wale reer mudug farole iyo cabdi qaybdid aa yaqaana say xoogoda ay kula jogane

Leave a Reply