Gacan Ku Dhiigle Dil Ka Geystay Muqdisho oo Laga Soo Qabtay Koonfurta Suudaan oo Maanta Lagu Soo Wareejiyey Dawlada Soomaaliya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Taliyaha Booliska Jen Shariif Sheeukhna Maye.

Muqdisho (RBC) Taliska booliska dawlada Soomaaliya ayaa maanta sheegay in dawlada Koonfurta Suudaan ay dawlada Soomaaliya ku soo wareejisay nin gacan ku dhiigle bishii Agoosto 2012 ku dilay magaalada Muqdisho nin reer Muqdisho ahaa iska markaana uu dhaawacay nin kale oo marxuumka uu dilay ay walaalo ahaayeen.

Taliyaha booliska Jen Shariif Sheekhuna Maye oo wariyaasha la hadlay ka dib markii diyaarad ka timid magaalada Jubba ee Koonfurta Suudaan ay soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ninka gacan ku dhiiglaha ah lagu magacaabo C/raxmaan Ciise Maxamed kaasoo 18-kii Agoosto 2012 degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho nin kale oo ku noolaa degmadaasi oo ay isqabteen isla markaana wuxuu dhaawacay nin la dhashay marxuumka uu toogtay.

“Waxaan helnay xog ku saabsan ninkan gacan ku dhiiglaha ah oo saddex beri ka bacdi markii uu dilka geystay ka baxsaday Muqdisho, waxaana ogaanay inuu aaday dalka Koonfurta Suudaan ka dibna waxaan la xiriirnay booliska wadankaasi waxaana ka codsanay in ninkan dembiilaha ah ay noo soo gacangeliyaan.” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliya.

Wadashaqeynta Interpol

Taliyaha booliska Jen Sheekhuna ayaa sheegay in xiriir ka dhexeeya booliska caalamiga ee Interpol iyo booliska Soomaaliya ay suurtagalisay in la soo qabto gacan ku dhiiglahan ka baxsaday magaalada Muqdisho ee laga soo qabtay wadanka Koondurta Suuudaan.

Wuxuu sheegay taliyuhu in markii dawlada Koonfurta Suudaan loo gudbiyey codsiga dawlada Soomaaliya ay soo dalbatay in warqad maxkamadeed o amreysa xariga ninka gacan ku dhiiglaha ay keento dawlada Soomaaliya, warqadaasina uu diray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ah dacwad oogaha dawlada.

“Anaga waxaan xubin ka nahay booliska caalamiga ee Interpol, sidoo kale waxaan ku jirnaa booliska gobolka oo ay ku jiraan illaa 12 wadan.”ayuu sii raaciyey taliyaha booliska hadalkiisa.

“Hadda ka dib, dadweynaha waxaan u sheegayaa in anaga aysan cidna naga fakan karin meel kastoo ay tagaan dembiilayaasha waan uga daba-tageynaa.” ayuu yiri Shariif Sheekhuna Maye.

Waa markii ugu horeysay oo dawlad ka mid ah kuwa Afrika ay dawlada Soomaaliya u soo gacangeliso ruux ay booliska doonayeen mudo ka badan 22 sano.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Gacan Ku Dhiigle Dil Ka Geystay Muqdisho oo Laga Soo Qabtay Koonfurta Suudaan oo Maanta Lagu Soo Wareejiyey Dawlada Soomaaliya”

  1. dhenged says:

    adeer hada ka hor niman argagaxiso ah khawaarijta alshedaan oo xabsiga ku jira uu ku cad yahay dambiga baa hal mar ooda lagaqaaday waa surtagal in lacag la siiyey marka ninkaa waxa lagayabaa in isana lacag lagu donahayo isfuro adeer mesha cadaalad ma shaqeeso waxa shaqeeyo qabiil tunween iyo lacag masaakiinta ayaa xabsiga loo dhistay

  2. dhenged says:

    Qabiilkaaga haduu tunween yahay ama aad lacag heesato ma ku daaheesid xataa hadii uu danbiga kugu cad yahay marka xabsiga waxaa loo dhistay waa qabiilada yar yar ama masaakiinta marka cadaalad meesha mataal

Leave a Reply