Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Sheegay inuu Sharciga la tiigsan doono Farshaxanka Amiin Caamir


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida uu u arko inay Soomaaliya iyo Somaliland kala yeelaan mustaqbalka, isla markaana waxa uu beeniyey warar ay Warbaahinta qaar ka baahiyeen oo tilmaamaya in Guddoomiye Ilka-xanaf caddaaladdiisu tahay mid ku salaysan Laaluush iyo lacag qaadasho, hase-yeeshee, waxa uu ku dooday in arrintaasi been-abuur tahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa waraysi gaar ah la yeeshay Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Telefeeshinka madaxa-bannaan ee BULSHOTV oo khadka taleefanka ku waraystay isaga oo jooga magaalada Hargeysa, waxaanu Guddoomiyuhu Waraysigaas ugu horreyn si adag ugaga hadlay Sawir-gacmeed uu ka sameeyey Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir, Sawirkaas oo uu ku soo daabacay boggiisa Internet-ka ee Amiinarts.com, kaasoo muujinaya Laaluush la siinayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliye. Hase-yeeshee, waxa uu Guddoomiyuhu sheegay in laga been-abuuray sawirkaas iyo warar ay warbaahinta Soomaalidu ka baahiyeen oo uu ku tilmaamay kuwo ujeeddooyin gaar ah iyo in sumcaddiisa wax lagu yeelo looga dan leeyahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay inuu sharciga la tiigsan doono Farshaxanka Amiin Caamir oo uu xusay in sumcad-dil, sharaf-rid iyo been-abuur kula kacay.

“Waa fadeexad nin Garsoore ah oo Maxkamadeed lagu sameeyo tii ugu xumayd, waa sumcad dil iyo sharaf rid ujeeddo gaar ah laga leeyahay oo ay wadaan dad dano gaar ah leh, cidda waxan faafisayna waa cid wax lagu shubtay oo aan xog raadin. Ninka Amiin Caamir anigu nin wayn oo Soomaaliyeed oo Saxaafadda wax ka yaqaannaan u haystay ee nin wax lagu shubto umaan haysan, Shircigaanan la tiigsanayaa oo waan dacwaynayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Caydiid Cabdillaahi Ilka-xanaf.

Guddoomiyaha oo wax laga weydiiyey duruufaha ku xeeran ee uu ku shaqeeyo Garsoorka Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Duruufo adag ayuu ku shaqeeyaa Garsoorka Soomaaliya.”

La soco waraysigan oo dhammaystiran…………

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

19 Responses for “Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Sheegay inuu Sharciga la tiigsan doono Farshaxanka Amiin Caamir”

  1. hanad says:

    amin arts wuuba u naxariistey, aniga hadaan ahaan lahaa amin arts, kursi iyo saxan iyo qaado umaba dhiibeen, tilmaantiisa saxda aha ayaan ka sifeen lahaa, GORILLA ku nool in jungle oo caleenta cuna ayaa ku haboonaan lahayd, balaayada u ekaa, waxaa wali maskaxdeyda ku jirta siduu dagaal oogayaashii ugu soo daray barlamaanka,,,….

  2. Cali says:

    Ilka Xanaf Malaha waxuu u malaynayaa in aamin camir uu joogo xamar, adeer Kannada Waa XOR oo qofku hadalkiisa iyo fikradiisa Waa u madax banaan Yahay kaligaa ma ahan oo soomaliya oo dhan waxaa kajira musuqmaasuq, laaluushka. Eex , nin Jeclaysi.

  3. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    Soomaalida waxba kama qarsoona waa ku ogtahay in aad laaluush qaate xun weliba tahay. Kii lacagta ku siiyay ayaa ku sheegay haddii adiga kula tahay in wax kuu qarsoon yihiin. Fadeexaddii ugu weyneydna waxay aheyd oo Soomaali aysan hilmaami doonin dagaal oogayaashii aad u dhaarisay baarlamaanka adigoo weliba ku faraxsan waxaadna sheeganeysaa guddoomiyihii maxkamadda sare, maxkamadna waxba kama ogide orod laaluushkaaga weliba raqiiska ah iska cun.

  4. Dalmar says:

    Maxkamda Sare? xagee ku taal ? yuuse u yahay gudoomiye maxkamada sare. Somalia maleh max kamad sare ‘Supreme Court’. jahawareerkii bay meeshii ka sii wadaan .

  5. DHeere power says:

    Waxan ahay taageerayasha farshaxanka Aminarts
    Lakin arintan waxan u arkaa inuu ku degdegey
    Waayo waa nin ruugcadaa ah aqoonyahan ah oday ah
    ujeedaduna maaha sida dadka qaar inan u hadlayo beel ahaan
    Anigu waxan u dhashay gobolada Khatumo state of Somalia
    Lakin gobolka uu kaso jeedo C,lahi ilkoxanaf waqooyi galbeed waa dadka aaminsan
    midnimada ummadda Somaliyed sidaa darteed Aminarts waxan dhihi lahaa hadii aad haysid wax cadeyn ah waa arin kale lakin hadiii arintu tahay sidasa la yidhi odayga ka raaligeli arintaas.

    Wabilahi towfiiq.

  6. DHeere power says:

    Waxan ahay taageerayasha farshaxanka Aminarts
    Lakin arintan waxan u arkaa inuu ku degdegey
    Waayo ilkoxanaf waa nin ruugcadaa ah aqoonyahan ah oday ah
    ujeedaduna maaha sida dadka qaar inan u hadlayo beel ahaan
    Anigu waxan u dhashay gobolada Khatumo state of Somalia
    Lakin gobolka uu kaso jeedo C,lahi ilkoxanaf waqooyi galbeed waa dadka aaminsan
    midnimada ummadda Somaliyed sidaa darteed Aminarts waxan dhihi lahaa hadii aad haysid wax cadeyn ah waa arin kale lakin hadiii arintu tahay sidasa la yidhi odayga ka raaligeli arintaas.

    Wabilahi towfiiq.

  7. Jibriil says:

    Walaahi baan ku dhaartaye Caydiid Ilkaxanaf waxa uu ka sheegay Aminarts iyo wax ka daranba wuu Yahay, Gudoomiyaha Maxkamada sare Caydiid Ilkaxanaf, Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka, dhamaan qolada joogta Maxkamada Muqdisho waa laaluush qaatayaal xaaraan ah oo aanba xishooneynin. Ninkii maxkamada taga ayaa arkaya waxa halkaa ka socda… Nimanka meeshaasi jooga waxaa ay astaahilaan in dhamaan qudha laga wada jaro sida ay cadaalada ugu ciyaareen.

    Xukunka Maxkamada sare yaala waxaa weeye yaa lacag badan…

  8. qabqabsey says:

    taas bay dad lee yihiin waa hagaagtay nin rayigiisa ku dhiibta si farshaxan nimo ku dheehantahy oon xataa xamarta uu sida qarsoodiga uga shaqeeyaa aan la joogin ayuu ugu bu ayaa maxkamad baan saarayaa cajiib///

  9. wiil mudug says:

    tuug ilahay ka furtay wax amiir caamir ha u dhaaran soomali waa kutaqaan oday….

  10. mudug says:

    hungaaca i qabata markaan maqlo maxkamada sare ee somalia akhas war kuwaan waa soo waasheen war xilka dadka kale ee somalida ah u dhiibata juhulo is aruursatay ayad tihiine kulaha maxa wax la iiga sheegay sidi geel-jire ayuu u hadlaya walle somalia hog ayeey kusii dhacday hadiiba kaas laga sugayo cadaallad iyo somalinimo sxb somalinimo bug allaha ha siiyo ninba meeshu dagan yahay maamul adag haka samaysto aan aragno ciday xoog dowlad ugu disikaraan mooryantu ninkii qanyare iyo muuse suudi ku daray baarlamaanka qaab qabyaladaysan ayeey cadallada u dhiibayan bullshit weye waxa muqdisho isku aruursaday ha lagu kala tago waxa qashinkaa dowlad maahee

  11. Rooraaye says:

    War odayga.inkaar haka shaweysana wuu cabaadey tan kale amount caamir uh leeyahay sharcigaan gaynayaa yaa u sheets data’s Kuwait la sareeya inuu wax ka sheego. Oo aan lays waydiin tan kale. Wuxuu ku noolyahay wadan dimuqraadiya qof uu xaq uleeyahay inuu cabiro. Rayigiisa sax ama qalad tankale odayga muxuu laqaylinayaa. Waa cadahey inuu wax ka ogaa

  12. Somaliland says:

    Odaygan waa tuug hargeysa wax ka soo waayey oo raba xamar inuu ka qaato laakuush maadama ay xamar tahay meel mafio ka taliso,tusaale waxaa idiin ku fulan waa kii lacagta ka qaatey dagaal oogayaashi kadibna u fasaxey in ay Somali MP noqdaan ,.

    Aminarts aad baanu u soo dhaweynaynaa fikradiisa waafiga.

  13. garaad yusuf says:

    waxay ila tahay waan dacwoonayaadaas waa waab si xageeyaqaan oo kadac woon kkkkkk aminarts waa nin kanado kunool welibo kunool magaalada aduunka ugu qurxoon waa fankuufar kanada ee ilkaxanafna xamar buu laaluushka ku qaataa waxaan dhihi lahaa laaluushka iskadaa hadii kale waad eedi

  14. galdogob says:

    weaan ka xumahay nin garsoore isku sheegaya in uu u dhaarto fashaxan ka mid ah saxafiyiinta somalia oo aadka u xiisa badan ninkaanu saxaafada ayuu u dhaartay.
    waxaana u arka sharciga uu horboodayo in uusan wax ka aqoon ee ay tahay sharciga muqdisho looga dhaqmo oo ah anaa kaa xoog weyne aamus.

  15. Musuq,maasuq somaliya heer,kuu kamarayo waa lawada ogyahay guddomiye dagmo iyo mid maxkamadeed laysma dhaamin Fadeexadan waxaa kadanbeeya SIILAANYO iyo reer somaliland siday gacanta ugu dhigaan ilka xanaf iyo rag badano ridow ugu qoran lacag iyo laalush waxaa ku,qaatay Amiir caamir waana xigmad guuray waa in ladilaa kanada xukunka ama ciqaabta ugu dheer waa 5,shan,sano wuxuu kumutaystay yaaku yiri dadkaan s/land kahayno ee midnimada somaliyed kaga ee doobay dadkodii faragali tuugada waa laga sinaaye iyagaaba naga mudnaa sad uburin iyo soo jiidasho iyo maslaxaad iyo waliba in gar iyo gardaro loo samro

  16. joorre says:

    Ilka xanaf awood ayuu isbiday .caamir dad badan ayuu farshaxan dacayad ah kafaafiyey sheekh sharif gas sharif baarlamaan iyo kuwa kale oo badan maxaa asaga ka duway! Maxuu la qeylinayaa? Nadiif inuusan aheen wuu is ogyahay. Somalia manta uma baahna ilka xanaf oo kale

  17. Xasan nuur says:

    Bajerskan & kolmohoodu Waxay aflagaadaynayaan MDne illa xanaf
    Waa mahadsan Waa garti uu kaxukumay kolki u baarlaanka u fasaxay masuuliyiinti qanyare ku kojiray taasna uu ku saxna sababto ah kuriös iyo xasaan Abshirba wakujiraan oo tuug ah.

  18. liiban says:

    @ xasan nuur baaca wato
    qanyare maa u hiilinee adiga . bacaa tahay aan filaa qabilka ma ku hiilinaa qanyare an ognahay in uu yahay mooraan dhiig cabe ah tuug ah umada dhibay , waryaa maataga aad wado igala hor tag
    mideda kale xasan abshir aa ku dhawaqday , ma ogtahay xasan abshir uu ahaa gudoomihii hore ee gobalka banaadir wagii dowlada kacaanka , qanyare tuug ah iyo xasan abshir oo masuul weyn oo laayaqano in uu yahay nin macruuf ah aa is bar bardhigeee shit bacaa aya tahay tuugsiga iga daa adeer

  19. Kismayo33 says:

    At least Amin Caamir got this one right.
    khaain ah weeye.

Leave a Reply