Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland: Sanadka Cusub Waxaan Rajeyneynaa In Puntland ay Ku Talaabsato Horumar Dhaqaale [Dhageyso]
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Boosaaso [RBC Radio] Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa Shaaca ka qaaday in Sanadkan Cusub ay rajeynayaan iney ku talaabsadaan Hormar dhaqaale oo ballaaran.
Mudane Siciid Xuseen Ciid oo khudbad ka Jeediyey Xaflad lagu Xusaayey Waxqabadka Dawladda Puntland ee 4-tii Sanno ee lasoo dhaafay ay ka qabatay Puntland ayaa sheegay in dhawaan furi doonaan Kastam Ganacsi oo u dhaxeyn doona Puntland iyo Itoobiya kaas oo lagu kala Weydaaran doono Ganacsiga labada dhinac.
…”"”Waxaan rajeyneynaa Insha ALLAAH Sanadka cusub Shacabka,Ganacsatada iyo Dawladu in Puntland ku talaabsato horumar dhaqaale oo xaga Ganacsiga ah,oo talaabooyinka hadda la wado oo ay ugu weyn tahay Kastam ineynu furano daaqad Ganacsi oo weyn oo Itoobiya iyo Inaga Isku xirta oo hadda la wado…”"”ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in Qorshaha ay ugu jirto in Sanadka Cusub Rug Ganacsi ahaan doonayaan iney Ganacsiga Puntland si fiican loo Nidaamiyo isla markaana Wadamada wadashaynta Ganacsi Puntland la leedahay laga sameeyo Wakiilo kuwaas oo ka shaqeyn doona arrimaha Ganacsiga .
…”"”Waxaan rajeyneynaa in Sanadka cusub noo hirgasho in Ganacsigeena aad loo Nidaamiyo oo wadamada aynu ku xiranahay ee Ganacsigu nalaga dhaxeeyo aynu sameysano Wakiilo Ganacsi oo noo jooga wadama da Muhiimka ah,….”"ayuu yiri Siciid Xuseen Ciid.
Waxaan ka shaqeyn doonaa buu yiri Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen sidii dadka Qurba joogta ah ee reer Puntland ay u maalgashan lahaayeen deegaanada Puntland.taasina ay keeneyso Horumar ballaaran.
Hannaanka Xisbiyadda.
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa sheegay in Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland uu yahay Hannaan Shacabku uu Cod ku Yeesho maareynta danahiisa Caamka ah,wuxuuna intaas ku daray in Ganacsatadu ay kamid tahay qeybaha ugu muhiimsan ee diyaarka u ah iney Cod Yeeshaan,Codkuna Shaqeeyo.
Ansixinta Dastuurka.
Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa ka dhawaajiyey in Shakhsiyan uu taageersanyahay Dastuurka Puntland uuna aaminsanyahay in uu yahay kan ugu fiican ee Ummadi degsato Soomaaliya gaar ahaana Puntland marka la fiirsho sida Shareecadda Islaamka uu ahmiyada u siiyey.
..”"Marka in Dastuurku yahay wax loo arko Horumar wadan ama Injaas Qaran oo la gaaray,waxaana anigu ku qanacasanahay Shakhsiyan dad badana ay aaminsanyihiin Dastuurkii ugu fiicnaa ee Ummad degsato Soomaaliya in kan Puntland Yahay marka laga fiirsho sida Shareecada Islaamka ahmiyada u siiyey….”"”ayuu yiri Siciid.
________________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso














war maanaa waalan mise cadan ba lagaheesaayaa boowe
Mrugta ganacsiga gudoomiyeheedaa mise golaha dhexe w ee xisbiga Faroole ? maaqaan garan waayey walaahi .
thanks