Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka HORCAD oo Jaaliyadda Dibadda Ugu Baaqay in Puntland Yimaadaan ayna Tahay Nabad [Dhagayso]
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Boosaaso [RBC Radio] Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka HORACD Cabdiqaadir Axmed Ducaale ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto Nabad iyo Barwaaqo ay ku Naaloonayaan Shacabka iyo Dawladoobada.
Guddoomiyaha HORCAD Cabdiqaadir oo dhawaan kasoo laabtay magaaladda Qaahira ee dalka Masar ayaa ku amaanay Dawladda Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole sida wanaagsan ee ay u hirgelisay Hannaanka Xisbiyadda Puntland.
Mudane Cabdiqaador ayaa Xusay in Dawladdu ay Dhalinyarada Fursad u siisay iney ka qeybqaataan Siyaasada furfuran ee Puntland taasina uu si weyn ugu Mahadcelinaayo ka Guddoomiye ahaan.
…”"” Waxaan u Hambalyeynayaa Madaxweynaha Puntland jidka wanaagsan ee u qaaday in maanta dhalinyarada uu fursad siiyey,iney Siyaasada ka qeybqaataan, Axsaab furtaan,…”"”ayuu yiri Cabdiqaadir.
Waxa uu intaas ku daray in Dhalinyarada Puntland ay farxad u tahay in Waxa Naftooda iyo Qalbigooda ku jira si Xor ah ugu hor Cabiraan meel ay buuxaan Odayaal iyo Waxgarad.
Qurbajoogta dibada ku dhaqan ee Puntland ayuu ugu baaqay in Puntland kusoo laabtaan kana qeybqaataan Horumarka ka socda iminkana ay tahay Nabad iyo Barwaaqo.
…”"Maanta waxa weeyaan wadanka wax ka jira habayaartee malaha waa Nabad,Nabad weeyaan Puntland waa Barwaaqo waa bashbash….”"ayuu yiri.
Gabagabadii Guddoomiyaha Ururka HORCAD ayaa sheegay in Ururkoodu yahay Guul iyo Horumar Ummadda reer Puntland usoo hoyatay.EEBENA uga baryayaan Puntland iyo Shacabkeedaba inuu Xafido.
______________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso














[...] Halkan kasii akhirso [...]
[...] Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka HORACD Cabdiqaadir Axmed Ducaale ayaa sheegay in Puntland ay ka jirto Nabad iyo Barwaaqo ay ku Naaloonayaan Shacabka iyo Dawladoobada. [DHegayso Codka Halkan] [...]