Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo Sheegay in Puntland Laga Daayo Magaca Dawlad Goboleed Badalkeedana Loogu Yeero Dawladda Puntland [Dhageyso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Boosaaso [RBC Radio] Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Salaad Xareed Cali ayaa ku tilmaamay Fadeexad iyo Daciifnimo in Dawlad Goboleed loogu Yeero Puntland taas badalkeedana uu Soo Jeedinayo in la Yiraahdo Dawladda Puntland.

Mudane Salaad Xareed Cali oo Ku sugan magaaladda Boosaaso ayaa ka dhawaajiyey in Puntland oo laga magacaabo mar kasta Dawlad Goboleed u tahay Daciifnimo taasoo loola Jeedo Dawlad Cadad Yar oo deegaano ah ka kooban.

…”"”Puntland,waxaa la dhihi jiray Dawlad Goboleed,marka maxaa loo dhihi jiray Dawlad Goboleed,waxay ahayd daciifnimo,aragti dhow bey ahayd oo xun…”"ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Puntland ay tahay Laba meelood ama kala bar wadanka Soomaaliya Dawlad kamid ah sidaas darteen ay mudantahay Magaca Dawlad buuxda oo ka shaqeyneysa arrimaha Bulshadeeda.

…”"Dawladda Puntland laba gobolna maaheyn, Saddex gobolna maaheyn ee waa Dawlad ballaaran, mudana in loogu magacdaro DAWLAD Intii Dawlad Goboleed la dhihi lahaa micnaha waxa waaye Dawlad Goboleed Cadad yar oo deegaan ah bey ka Koobnaaneysaa Dawladaas,…”"ayuu yiri Mudane Salaad.

Waxqabadka Madaxweyne Cabdirixmaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo soo qaatay Waxqabadka Dawladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed ayaa sheegay in 4-ta sanno ee ay jirtay Waxqabad ballaaran ku talaabsatay.

Waxa uu xusay in Maamulka Puntland ay ku guuleystay in Bulshada qeybaheeda kala duwan ay usoo bandhigaan Sanad kasta Waxqabadkooda oo Faah-faahsan taasina ay kaga dheereeyeen Dawladihii ka horreeyey ayna ku amaananyihiin.

…”"Waxay haddana ku talaabsatay Sanad walba iney bulshada Puntland,waxay soo qabatay iyo meeshey marayso iney muujiso bey ku talaabsatay Dawladaan hadda jirta…”"ayuu yiri.

Si kastaba Magaca Dawlad Goboleedka Puntland ayaa u muuqanaya mid hadda ay dhibsadeen Shacabka iyo Dawladduba iyadoona labadooduba Jecelyihiin in loogu Yeero Dawladda Puntland taasoon weli dadka qaarkiis aysan la qabsan ku dhawaaqidiisa.
________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

12 Responses for “Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo Sheegay in Puntland Laga Daayo Magaca Dawlad Goboleed Badalkeedana Loogu Yeero Dawladda Puntland [Dhageyso]”

  1. muuse says:

    waa runtiis waa in si degdeg ah loobadalalaas

  2. cadaani says:

    waa khalad iyo gaf siyaasadeed in nin siyaasi ah uu kudhawaaqo in qayb soomaaliya kamida uu dawlad oogu yeero taasi waxay muujinaysaa inuu gudoomiye kuxigeenku ku fududaaday, p/land waa gobolo kamida jamhuuriyada soomaaliya

  3. garaad yusuf says:

    daalimkaas hadlkiisa duurxulbuukawadaa oo
    dankaluu ulajeedaa buntulaan dawlad maahan
    degmoweeyo yaroo dalkeenii kamidoo
    dadkeenaanadagee digdigtaas iskadaayoo
    dabadhilif war kiisbaad daaha aad kaqaadaye
    daamkeey haduu dhoho degdeg baa war kaadaaas
    dacwad loogaqoriyoo dulmigaad kudhawaaqday
    denbigaas ka istaag oo duliyohow dad sooraac

  4. xog ogaal xaqsoor says:

    odoga waa soo jiirtay laakiin waa soo socotaa sida muqdisho ka muuqata ama ku nax ama ku farax ninkii xumo faaga fartuu lagalaa cago dhigo masuul waa cirku cadaaye

  5. MO FARAH says:

    RUNTII WEEYE OO WAXAAN QABAA INAY TAHAY DOWLADA PUNTLAND SABABTOO AH MA WAXAAN WAX KA SUGNAA XAMAR IYO GURGUURTEE ISMA ORAN

  6. ali yare says:

    Aad ayaan hadaan nahay reer koonfur ugu mahadineynaa mar hadey puntland go do, waa guul usoo hoyatay koonfur soomaalia, waa xaasid kaa go ay. Somaliland haday tagtay aad ayan ugu farxeynaa in ay xaasidland go do.

  7. Salomon Hassan Aden says:

    Waan ku raacsanahey gudoomiyaha waayo intaan reer konfured dabada kawadney intaas hanooga ekaato anagii bey qaraxyo balaayo nalasoo aadeen adeer bye isku filnaada

  8. axmed says:

    Ali yaren@ hadii mooryaanta laga tashtey oo uf lagugu dhahay maad calaacaleysaa? Puntland iyo somaliland 20years ey kaa horeeyaan, gudoomiyaha waa an ku raacsanahay waa in puntland loogu yeero “Dowlada puntland”. Dowladii Somalia la dhihi jirey reer gaar aa loo daayey, mooryaan hantidii shacabka puntland xoog iyo xaaraan ku heysto maa dowlad lala sheegan karaa.? Viva dowlada puntland!

  9. ali yare says:

    @ axmed, yaa kuu fasaxay in aad guri ku yeelato muqdisho? Anagaba waligeen hal mitir kuma aanan yeelan garowe iyo bosaso, hadaad 1000 years oo waxa aad u taqaan horumar hoyeyso xitaa thank you aan kuu gu dareynaa hadaad na dhaafto. Anagu xaasid ma nihin meshaada alaha kugu barakeeyo. Anagana meesheena, waa see you laters, puntland iyo Soomaaliya shaqo isku maleh,

  10. laasqoray boy says:

    horta anigu ma isticmaalayo kelmeda dawlad sababtoo ah waxaan dawlad u aqaan dawlada dhexe ee uu mudane xasan hogaamiyo markaa maxaanu ku niraahna faroole madaxweynaha dawladda puntland? kkkkk madaxweyne xasana madaxweynaha dawladda somaliya markaa taas micnaheedu waxa weeye puntland waa dawlad ka madaxbanaan dawlada dhexe ee somaliya waa khalad luqawiya hadana siyaasiya yaan lagula yaabin ee maamul goboleed iyo maamul qaran kala baro!!!

  11. gedo boy. says:

    waa in la maxkamadeeyaa khaainulwadankaan axmaarada u shaqeeya. oo cadaqaatahaa

  12. maamilgarte says:

    bari horaa loobaahana ee hadad toostay. masuuliyiinta puntland baa ladagay.oo .maamulgobeleed dhaafinwayay.waxlagaxumaado in dadka intaa le eg iyo masuuliyiintooda shacabkooda
    hoos udhigaan.si ayna unoqon dawlad madaxbanaan halka somaliland.oo kayar.kana dhaqaala yae.kana shacab yar.dawlad shrrganayso.dhalinyarada .damcooda siyaasaded hoos udhigay.
    mid dibana jooga iyo mid gudaha joogaba.taasoo xataa xasuuqii neelaha .ay sa qiran wali
    dawlad faderaalka.jubalanda cadaas ku hayaan.si qabyaladaysan.marka.kuwa puntland.utaliya
    boog.bay uyeelen.jiilka soo kacaya ee puntland.–2005tii.kahadlay arinkan.saa puntland
    baa igi diiday.iyoo maamulgobeledku.kalawaynaa.dawlada.puntland.inay.yiraahdaan.baqdin.
    aanlayaabay.war.miyayna rag ahayn.maxay kabaqayaan.marka.ninki.hawshaa.fuliya.taariikhdaa.qori doonta
    mu wadin.reer puntland baan ahay

Leave a Reply