Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley oo Sheegay in Degmadiisa ay Ka Taliyaan Maleeshiyo Beeleed Dadka Baad Ka Qaata


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha degmada Dharkeenley oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho ayaa sheegay in degmadiisa aysan ka shaqeynin xafiisyada dawlada taasi bedelkeedana ay ku amar taagleeyaan maleeshiyo beeleedyo xoog dadka uga qaata lacag sharci darro ah.

Ka dib hawlgal shalay ciidamada nabadsugida ay ka sameeyeen degmada Dharkeenley ayuu gudoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Cali Hilowle wuxuu ka codsaday dawlada iyo ciidamada amaanka inay u soo gurmadaan dadka ku nool degmada Dharkeenley si ay uga dulqaadaan xadgudubyo uu sheegay inay dadka ku hayaan kooxaha maleeshiyaadka ee hubeysan.

“Waxaa ku jira niman yiri anakaa meesha ka dawlad ah oo dadka markay guryaha dhisanayaan ka qaata lacag baad ah, guri kasta waxay ka qaataan lacag qasab ah.” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dharkeenley.

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in maleeshiyaadka beeleed ee degmadiisa heysta ay xitaa dadweynaha guryaha degan ka qaataan lacag ay ku sheegeen waardiye bil kasta.

“Waxay tagayaan bil kasta guryaha ay iridka u garaacayaan ayna leeyihiin keen lacagta waardiyaha.” ayuu sii raaciyey gudoomiye Macalin Cabdulle oo degmadaasi gudoomiye ka ahaa lixdii sano ee u dambeysay.

Maamulka degmada Dharkeenley ayaa uga mahadceliyey ciidamada nabadsugida dawlada hawlgalkii ay shalay ka fuliyeen degmada ee ay ku qabqabteen kooxo maleeshiyo ah oo mudo ka badan labaatan sano dadka deegaanka xoog dhaqaale uga guran jiray.

Dhanka kale taliyaha ciidanka nabadsugida gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in hawlgalka ay shalay fuliyeen uu ku wajahnaa kooxaha burcada hubeysan ee dadweynaha ku dhibaateeya degmooyinka Muqdisho, wuxuuna sheegay in meelaha ay shalay ciidamada hawlgaladu ka sameeyeen ay ka mid tahay degmada Dharkeenley iyo xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan oo ay hoy ka dhigteen maleeshiyaad hubeysan oo dadka dhac kana qaata dhaqaale baad ah.

Inkastoo isbaarooyinka yaalay degmada ay horey u qaadeen ciidamada dawlada haddana dadka ku nool degmada Dharkeenley ayaa mudooyinkanba ka cabanayey kooxo maleeshiyo ah oo qaab qabiil ku jooga degmadaasi kuwaasoo dadka, guryaha iyo xitaa baabuurta ka qaata lacag baad ah.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Gudoomiyaha Degmada Dharkeenley oo Sheegay in Degmadiisa ay Ka Taliyaan Maleeshiyo Beeleed Dadka Baad Ka Qaata”

  1. Galow Fiin says:

    Yaa salaam !! guddoomiyaha lixda sano aamusnaa ee 20ka sano baadda bixinayey,naf adakaa !.
    Ninku daabbadsanaa !,ninku dulqaad badanaa !,war ma dameer baa ???????!!!!!!
    Tolow maxaase maanta ka hadalsiiyey ?!. FIX KIX DHIX !!! waxaasaa sheekoxariir la yiraahdaa !.

  2. kaamil says:

    waxay cadaynaysaa in qabqableyaashii soo noqdeen, war maxkamadihii noo keena mar kale sii tuugta loo xasuuqo

  3. abdullaah says:

    walaahi waa yaab iyo dhabano hays, Magaalada Muqdisho waxay dhibane u tahay mooryaan, jirri, iyo maleeshiyo beeleed qabali ah, si looga baxo cudurkan waa in shacabka Muqdisho ay hiil iyo hooba la garab istaagaan dawladan hadda curatay oo runtii aan kheyr faro badan ku tuhmayo. waa in shacabku wax la qabtaan oo ku xirnaadaan dawlada khaasatan hay,adaha amniga si loo nadiifiyo canaasiirta dulmiga ku mabay ee aanba aqoon wax la yiraahdo dawladnimo.

  4. Sool-Man says:

    Waa yaab

Leave a Reply