Gudoomiyaha Garbahaarey:Qofkii Qof Dila Mudankiisu Waa Dil Aan Ka Leexleexad Lahayn
Garbahaarey(RBC Radio) Maamulka gobolka Gedo ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono askari dhawaan dil ugu geystay magaalada Garbahaarey askari kale oo katirsan ciidamada dowlada Soomaaliya gudoomiyaha degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Amiin Caddow ayaa hoosta ka xariiqay in cadaaladda la marsiin doono askari dil ka geystay magaalada Garbahaarey.
Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in askariga dilka geystay ay gacanta ku hayaan xiligan wuxuuna intaa ku daray iney hor geyn doonaan maxkamad si loogu qaado danbiga uu galay ee ah dilka uu u geystay askariga kale ee ka tirsanaa ciidamada dowlada Soomaaliya wuxuuna wacad ku maray in qof walba oo dil geystay uu mudankiisu noqon doono dil.
Ilaa hada lama sheegin sababta askari ku xambaartay inuu ku dhiirado askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya bals egudoomiyaha degmada Garbahaarey ayaa tilmaamay in askarigu uu dilay askariga kale xili ay kuwada jireen shaqada qaranka dilkuna uu ka dhacay afaafka hore ee xerada milateriga ciidamada dowlada oo ku taalay duleedka koonfureed ee magaalada Garbahaarey.
Gudoomiyaha degmada Garbahaarey Iimaan Caddow ayaa uga digay dhamaan ciidamada dowlada Soomaaliya iney ku kacaan falal dil iyo dhibaateyn shacabka iyo xitaa askarta dhexdooda taasine ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo soo gaartay dadka falalkaas geysta, hadalkan ayaa kusoo beegmay xili ay dhowr jeer oo hore qisaas lagu fuliyey askar dil ka geystay gobolka Gedo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














“Walakum fil qisaasi xayaatun yaa ulil Albaab”
Qisaasta nolol baa idiinkugu jirta kuwiinna caqliga lahoow.
Waa war farxad leh kuwa aaminsan marka ay dilaan muwaadin somali ah in ay ka sheekeeyaan maqaayadaha kana sheekeeyaan naftii ay gooyeen iyo siday u dileen in la dilo.
Waxaan u sheegayaa odayaasha afar jeeblayaasha ee mag iyo qashin la soo shirtaga in shaqo laga qabto