Gudoomiyaha Gobolka Baay oo Sheegay In Baydhabo Laga Furayo Gogol Looga Xaajoonayo Dhisme Maamul Goboleedka Koonfurta Soomaaliya oo Dhan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Baydhabo (RBC)  Iyadoo dhowaan waxgarad ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqeen in kulan looga arinsanayo dhisme maamul goboleed lagu qabanayo magaalada Baydhabo ayaa dhanka kale waxaa arrintaasi taageeray maamulka gobolka Baay.

Gudoomiyaha gobolka Baay C/fataax Ibraahim Geeseey ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisu uu diyaar u yahay martigelinta gogol ballaaran oo sida uu sheegay la isugu keenayo waxgarad, siyaasiyiin, haween, culimada, dhalinyarada iyo dhammaan dadka dega illaa lix gobol oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya kuwaasoo ku midoobaya maamul goboleed cusub.

“Baydhabo waa u diyaar inay martigeliso gogosha, dhanka amniga magaalada waa mid la isku halleyn karo, waana soo dhoweynaynaa in kulamo ay ka soo qeybgalaan ergooyin badan lagu qabto magaalada.” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Baay.

C/fataax Geeseey wuxuu sheegay in wada hadalka iyo qaabka maamulka cusub loo dhisayo ay u taallo waxgaradka iyo ergooyinka ka qeybgali doona kulamada uu sheegay in Baydhabo lagu qabanayo, wuxuuna ku celceliyey in isaga maamulkiisa uu ku eg yahay inuu amaanka sugo si kulamada loogu qabto magaalada.

Wuxuu kaloo sheegay in gobollada ka soo qeybgali doona kulankan ay ku jiraan Jubbooyinka, Gedo, Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale waxaa toddobaadkii hore markii ugu horeysay kulan ku saabsan arrimaha maamul dhisida goboolada koonfurta Soomaaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasina ay qabanqaabiyeen salaadiin ka soo jeeda Baay iyo Bakool.

Suldaan Warsame Caliyow Ibrow oo kulankaasi ka dib hadlay ayaa sheegay in kulankooda Muqdisho uu gogol xaar u yahay gogol ballaaran oo sida uu sheegay Baydhabo laga furi doono.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawlada federaalka kama hadlin aragtidooda ku aadan qabashada kulamada lagu dhisayo maamul goboleedka, walow golaha wasiirada dawlada federaalka ay dhowaan ansixiyeen go’aan sheegaya in dhismaha maamulada dalka ay tahay masuuliyadda wasaaradda arrimaha gudaha gudaha.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

24 Responses for “Gudoomiyaha Gobolka Baay oo Sheegay In Baydhabo Laga Furayo Gogol Looga Xaajoonayo Dhisme Maamul Goboleedka Koonfurta Soomaaliya oo Dhan”

  1. Ahmed says:

    Suldaan Warsame Caliyow Ibrow kama soo jeedo Bay iyo Bakool, ee wuxuu ka soo jeedaa Qoryooley, hadii Qoryooley ka tirsan tahay Bay iyo Bakool, RR ha soo cadeyso. Iska dhaafa faquuqa dadka ku heysaan.

  2. Abdi says:

    Waxaa la isku ogaa in nin walba dhulka uu degaan ahaan ka soo jeedo mamul uu sameysto.

    Hadalka reer baydhabo waxaan uu arkaa mid looga soo dhibay Muqdishu oo ay ku hoogi doonan.

    War dhulka waa layaqaane ee halkeeh Jubboyinka iyo gedo ka soo gasheen inta aan ka ahey labo ama seddex tuulo oo wax laidin kaga ogalyahay.

    Hadalladasu waxaan orankaraa waa dagal sokeeye oo bilowdey.

  3. A.A.Xade says:

    Waxani waa wax Muqdisho laga abaabulayo oo aay wax ka ogyihiin Xaad iyo Culusoow oo looga golleeyahay sidii loogu carqalateyn lahaa Maamulka Jubbaland ee aay hawshiisu soo socotay muddada sadexda sano waana iska riyo maalmeed.

    Waxaanse kula talin lahaa wiilkan riyoonaya iyo odoyaashiisa Xamar ka xadreeynayaba, haddii aad cidi wax u qabaneeysaan wax u qabta maatadiina inta Xamar Xerooyinka lagu Xareystay Hay’adaha looga tuugsanayo, Gabadhii aay isha qabatana laga Kufsanayo, Weriyihii sheega iyo Naagtii u warrantana la xiranayo. Meeshii aad dad in aay wax idin taraan mooyee aanan wax idiin dhimin haddana aadan waxbo arrintoodu ka qaban karin la idinku mashquulin lahaa!

    Tani waa duni madaxeedii minjaha loo rogayo iyadoo taagan!!

  4. xasan says:

    kkkkk magadaa hoostagaysa baydhabo waxan waxa wada qolda xamar lakiin socon mayso tawlda hadaba lanacay way usii dhamynaysaa saan umalynayo dadkan magaloo yinkooda haku ekadaan

  5. Xasan Nuur says:

    reer Baydhabo waa dadka soomaalida ugu wanagsan marka halala shaqeeyo tolaw.

  6. Mahad says:

    Xamar baa amarka laga soo siiyey ilaa waxay u qabaan haddii ay diidaan in calafkooda iyo tuugsigoodu go’ayo,yaa yiraahda Xamar tii hore maha,dadkii wax idiin taagi jirey hada kuma noola.

  7. Run sheeg says:

    Xasan Culusow madaxweyne maahee waa dagaal oogaha cusub ee koofurta Soomaaliya ee 2013 Allow sharkuu soo wado haw hirgalin, umaddani soomaaliyeed horsy xumaan iyo dagaal sokeeye uga soo daashay RRA na magaran dhagartiisa waayo waxaysan ogeyn inuu waxaas oo dhan u samaynayo si aan dadka soomaaliyeed u ogaan in ay shabeelada hoose xoog ku qabsatay dadkii degganaan jirayna ay ka dhigeen wax ay laayeen dhaceen kufsadeen oo barakiciyeen hantidoodiina bad iyo birriba ay kala wareegeen dabadeedna ay iyagu ku soo guureen oo xoola dhaqatadoodii kasoo daabbuleen goballada dhexe si u qaataan shabeelada dhexe, xasan culusow iyo maamul ku sheeggiisana waxaa hoggaanka u haya kooxdii dooxada Jubba la baxday waana Arrin goor habeen ah laga tashaday oo ay doonayaan inay mar labaad gobolladaas isku ballaariyaan. Si u dhuuxa soomaaliyeey waa isbahaysigii dooxada Jubba oo shaatigii dawlad soomaaliyeed huwan. RRA u malaynmayo inay khiyaanada iska garan Karaan.

  8. Run sheeg says:

    Haddaan sii caddeeyo arrinta waxaa abaabulkan wada waa Cabdiqaasin Salaad, Barre hiiraale, Indhacadde, (dooxadii Jubba) culusow, saacid hurdaaye, Cabdulqaadir diini iyo odayaasha beelaha been ma sheegayo waxaa arrintaan ii sheegay nin ah oo si fiican ula socda sida wax loo wado, wuxuuna ii sheegay 7 maalmood ka hor.

  9. somali says:

    Lixda gobol Digil iyo Mirifle wey dagaan dad kalena wuu la dagaa marka dadku ku doodayo Digil iyo Mirifle Lixda gobol ma dago waa kuwo aanan dhulka aqoon kuna ah qaxooti.hadii aan u soo noqdo maamulada la sheegayo in laga dhisayo kofurta somaliya bacdamaa somalida qabiiladeeda oo dhan ey dagaan anigu waxaan qabaa in qabiilka ugu xooga bata isagu dhiso maamul kaas oo ka bilaabanaya konfurta gaalkacyo ilaa xadka kenya.

  10. Ahmed says:

    @Mahad Tuugsiga Somalida waa u siman tahay, hadii walaalka Muslim ka tuugsaneyso waaba raxmah, ka waran adigii JAQORAHA Islii ilaa Bangaani ka tuugsato. Dhulkan cida leh waa la yaqaanaa, Majority rules the minority. Sheeko baraleey iyo indhocadeys waa dhamaatey. Ninkii nabad rabo inuu dhulka koonfurta kula noolaan rabo majority is welcome, inta balaayo iyo xasad rabtan Garow iska xaadiriya. Fad ama ha fadin waa la idin fadsiin. Waqtigii hubka dowlada la inagu isticmaalyay oo gaajada la inagu leynayay waa dhamaatey. Ma rabno inaan aarsano balse waa in la xisaabtamaa. Waa in la iska wareeystaa 500,000 dhimashada caruur, dumar, odoyaal iyo beeraha iyo gurayahay la inooga heysto.

  11. Kow says:

    Ilama ahan baydhabo Iyo tuugsigeeda inuu wax ku darsan! Wana riyo xamAr ka timid e yaan la waalin cidahan bay Iyo bakool!

  12. dulqaad says:

    ooyinta hala joojiyo hadii hada leeydin yiraa meel magaalo madax laga dhigo dhul keena hal tuulo oo maalin keliya lagu noolaan karo malihidiin marka waxaa wanaagu kujiraa inaad isaga dabadhaqdaan reer qalalana

  13. maxaa isku raray jubbooyinka iyo bay,iyo bakool??????? dadka miyaa la isku qasbayaa intii isku kaba xirankarta oo wada socon karta ama isku dan ah maamul hawad a dhistaan…
    tan kale rr baydhabo ma colaadda ayay wadanka ka shudayaan may yiraahdaan annaga QORIGA DABKAA nagala fogaada wixii fidno wada hadday nabsi baxeen mise in CAGABARARKII 1990s kii oo kale dhacay rabaan”"”"”"”" yaab adeer peace cost- ga ayaan u xisaabsnayan dadkan wali waaya aragnimaa udhiman ayaan filayaa. tan kale yaa u kala turjumaya adinka iyo dadka gobolada kale kale ka yimaada haddayba dhacdo ianaad wax isku darsataan……lolz

  14. wadaad yare says:

    Waxaan la yaabbanahey dadka qaar oo dadkoo dhan colaadinaya, haddana markey colaad kala kulmaan dadkey colaadiyeen la yaabaya. Colaadda halla joojiyo si aan hore ugu soconno.

  15. soomajeeste says:

    ACWW:Somaliyeey horta ma ilbaxdaan miyaa?war riyo hala iska daayo waxaan ka mid ahay somalida aaminsan Federalka in aanu khusayn somalida,haddiise ay dhacdo federal waxaan qabaa intii isku dan ah ama isfahmi kartaa in ay israacaan.
    @MAHAD Waxaan ka xumahay in TUUGSI si gaar ah dadka loogu sheego qof dhiban waa u furun tahay walalkiisa dhaama in uu wax weydiisto wax cusub ma ahan yaan la isku caayin.
    @AHMED waxaad tiri 500 kun ayaa la dilay?yaa tiriryay halkee lagu dilay maxaa ku hayay meesha intaa lagu dilaayay maxaase kalifay?ka muwaadin somali nadiif ah waxaan qabaa haddii ay jirto in dadkaa la laayay in ay diiniyan iyo caqliyan xaq tahay in lala xisaabtamo kuwii sidaa yeelay,yayse yeelay?waxaa yeelay maleesho beeleed kuwa la laayay laftooda ka mid ah.
    1991 kii Digil iyo mirifle waxaa soo maray fursad dahabi ah taasoo ahayd in ay gogol u dhigaan 2 dii beelood ee dagaalamay una sheegaan in ay yihiin labadooda gacmood baydhabana ay gogol nabadeed dhigaan,laakiin ma yeelin digil iyo mirifle wixii ay ku sameeyeen daarood hawiye kuma samaynin sababtoo ah hawiye rag bal laynayeen wax cusubna ma ahan colaadna waa ka dhaxaysay.
    laakiin digil iyo mirifle daarood colaad kalama dhaxayn weyna isku fiicnaayeen maxay sameeyeen waad sheegtay dad la laayay caqli ahaan diin ahaan waa wax xun aanna qabo wixii sameeyay sidaa in lala xisaabtano,adiguse ma qabtaa in lala xisaabtamo RRA iyo raggii dadka gubaayay ee jidadka shacabka ku laynaayay in siday da oo kale sharciga la hor keeno,mise waxaad qabtaa daarood naareed dhaw?Tan maamulka haku daalina from 1999 shirkii hawasa illaa kii 2003 ayay shaqayn weyday lana kala taagnaa jubaland is for daarood s.galbeed DM.Waxaa hadda muuqda in DM ay dib ugu noqnayaan 1991 kii oo hadana la rabo dagaal aysan wali isweydiin dantii ay ku qabeen in la galiyo.Dhulka waa la kala yaqaan waxaana hubaal ah in AHMED aad sheego digaag aad hayso 3 gobol jubaland minority ayaad ku tahay gobolka aad ugu badan tahay 3 gobol na waa Gedo oo aad ku tahay 10 to 15%haddii aad u badato,adiguse Baydhabo kuwii degan ka ku ahaa meel ku sheeg?
    kuwii 300 sanno degenaa meel ku sheeg?meeshii lagaaga badnaa nabad ayaad ugu nooshahay iyo somalinimo adigana habeen laguguma dhex jiri karo RIYO AYAAN U ARKAA K/GALBEED.

  16. mohammed ali says:

    ASC dhamaantiin
    war ninkaan waa gudoomiya gobol, waxaan u malaynayaa inta badan reer bay iyo bakool aysan ku raacsanayn fikirkiisa.Hadal suu u dhigay juquraafi ahaan wuu qaldanyahay, mida kale qolyaha maamulka jubooyinka hadii siyaasada gobolada uu xasan culusow uga dheereeyay khaladka idinka ayaa iska leh sidaas ula socda.

    wbtfq

  17. Cadaado says:

    @wadaad yare, I agree with you, saaxiib, dadkaan Garoowe ka yimid, ee inta dhagax tuuraan ayagoo guri muraayad oo kale ah dagan, oo intii eey dhaheen hadii la dhaho qeeylinaya ayaan la yaabaa adkeeysigooda iyo ayagoo dadka ugu nugul, ugu jilicsan, hadana raba in inta eey dadka Koonfurta Somaliya dagan iyo Dowladaba jambal u tuuraan si eey uga dhex kaluumeeystaan.

    Colaada hala joojiya si horay loogu socda; waxii maamul iyo nidaam ahna Dowlada halooga dambeeyo; qola kastaana xildhibaankeeda ha u gudbiso waxii eey rabta iyo waxii eey tirsaneeyso. Xildhbaanadana hala hadlaan shacabkooda iyo deegaanada eey ka yimaadeen, hana baraan dadkooda waxa wadaninimada la dhaho, iyo hadafka iyo yoolka Dowlada ee ah, wada noolaansho, Somalinimo, is jeceeyl iyo isk dhexgalka dadka Somaliyeed, midnimo, barwaaqo, iyo waxyaabo kale oo badan.

  18. Galgala says:

    Miskiin, waxaa soo basbaaseyey, haddii ay wax tarayaan oo ay wax qaban karaan dadkooda meelwalbo ku tuugsanayo haku soo celiyeen dalkoodii, runtii uma malaynayo in ay eelay wax dhisan karto, waxaana iska muuqato in si xeeladaysan loola wareego gobolka shabeelaha hoose oo ay waligeedba rabtay in ay qaadadto waana sababta loogu wareerinayo RRA lix gobol iyadoon ognahay xitaa in aysan baydhabo oo kaliya aysan maamu u dhisi karin,

  19. Axmed says:

    @Runsheeg, waqtigii RRA lama joogo ee hurdada ka toos. Shabeelaha Hoose anagaa majority ku ah, Sida Shabeelaha Hoose dadka ku nool loo galeybaa reer Gedo iyo Jubooyinka loo galey, balse la isaga hari maayo.

    @Gamadeed, wax juboyin la yiraahdo ma jiran hadey jiraan waa Bassa Juuba iyo Alta Juba. Dhafoorqiiqii la idinku keeney baa wal meelaha qaar ku daxaleysanaya.

    Walahi waxaa yaab ah dad sida hada Somalida isugu dhiibta qurbaha ay degaanadeeda isugu soo dhiibi jiree (by way of re-settlement) iyagoo weli luqadeene iyo dhaqankeena baran baa dagaaladii dhacay.

    Kuly shey yarjac ilal aslihi. Mark qaxooti dhulkaaga kugula murmaya looma dulqadan doono. Sida Lascaano, Boosaaso la inaga soo musaafuryey ma samaeyneyno, balse waa inaad ajiibtaan wax la idanka dalbanayo oo ah inaad nabad nagula noolaataan, hadii aadan rabina, waad taqaanan meelaha aad ka soo qaxdeen ee saxaraha iyo dhagaxa ah. Meeshiina iska iimaansada ileyn weligina civilised ma noqoneysaan.

  20. Banaadir boy says:

    Hadii aan federalism kaan qurunka ah oo aan lagu heshiin karin la joojin waxaa ila haboon in lixdan gobol la isku wada daro si xal aad u wanaagsan loogu helo amuuraha dalka waayo hadii sadax sadax la isku raaciyo gobolada waxaan hubaa in maamulada badanayo marka lixdan gobol hala isku daro dadka ugu deeganka badana haloo dhiibo hadii kale sida yarka soomali u qorantahay sheegay maamulka halooga danbeeyo cida ugu xooga badan mana loo baahna in dagaal lagu tijaabsho cida ugu xooga badan ee soomalida waa is taqaane hala fiirsho kuwa ugu awooda iyo gaashaaburta roon hana looga danbeeyo

  21. Ali Soomali says:

    dad waxay u muuqdaan inay qiyaali weli ku jiraan ama aanay waxba ka aqoon taariikhda,taariikhda Somalida guud gaar ahaan goboladan lixda ah ma bilabanin 1970, koofurta shishe ee Soomaliya waxaa ka jirey labo gobol oo kala ah,Alto jubba oo laga xukumo Baydhaba iyo Basso Jubba oo laga xukumo Kismayo, labada gobol waxaa majority ka ahaa welina ka ah Digil & mirifle, kacaankii lugooyo ayaa ka dhex abuuray gobolo isagoo ugu hiilanaya dad gaar ah oo markii hore ku degay degaankaas permission ay ka heleen D&M,sidaas ayey loo kala googooyey D&M degaan ahaan,taas waaye midda hadda aan ka dabaaqeyno oo aan marna u ogeleyn in mar kale dadkanaga lakala googooyo,waa calaacal timo kasoo baxeen cid aan ka yeleyno ama aan kala gorgortameyno ma jirto, ma diidanin in cid kale ay nala deggan tahay laakiin waa in la ogolaadaa majority rules minority, dadka ku jira riya-maameedka waa inay ka wantoobaan, dalkan wuxuu la burburey waa cadaalad darro, inta la iska daayo sheekada qiyaaliga ah si cadaalad aan wax ku qeysano,nama qabato xamar baa laga soo amray, weli runta looma soo jeedo. anaga hawiye iyo Daarood makala jeclin , midna axsaan nooma sameynin, ma dooneyno in taariikhdii dib u milicsano waxaan u soconaa mustaqbal ayaheena aan kusugno,90naadkii, wixii nagu dhacay waan cafinay laakiin ma iloobeyno si aysan dib dambe noogu dhicin, cid alle cidii na ogol ayaan wax la wadaageynaa, waqtigii bootada iyo damdamleyntii way dhamaatay, soomali makala xoog badna, laakiin way kala booto badan tahay, cidna colaad uma hayno laakiin ciddii qadiyadanada is hortaagta waa is arkeynaa.

  22. Axmed says:

    @Soomajeeste, hadii hal sawir inta aad Googleka gasho oo aad geliso Baidoa 1991 oo aadan ku arkin ilmo gaajeysan, kuwo dhintey iyo dumar caruur ku dul dhinteen, anaa beenshaagayo.

    @Ali Somali cafis wax la yriaahdo ma jiraan, kuwii inta tuulooyin kumanan ka badan tegey, bakaarihii soo faagteen oo qoyska aabigi ka dileen ilmihiisa hortiisa, hooyadoodna lagu kufsadey, ka dibna la yiri badarka noo tun, laguna soo raray ilaa Baydhabo, iyadoo ilmaheeda gaajo la soo safreen, qaar jidadka looga soo tagey kuna dhinteen. Waxaad ogaataa in maalintii Baydhabo ay gaartey in lagu aaso 300 caruur iyo haween ah. Somebody did it on purpose, kuwasi lama dagaalameynin Hawiye ama qof DM oo qor wata.

    Aan kugu daree waxaa jirta in haween la qabo xoog ku guursadeen, taasi Xamar inteysan ka bilaabanin bay ahad, magacyada iyo tirada haweenkii la qabey oo ay xoog ku guursadeen, kuwii kufsiga lagula kacay aabayashoo iyo seygooda hortooda waa la haayaa iyo kuwii Garbaaharey xoog loogu kaxaystey. We may forgive but we never forget.

  23. Ali Soomali says:

    @ Axmed

    Bro, we are in same page, anina Af reer naaredka ley ka sheegi, adina af gaaleed.

  24. GAROWE CITY says:

    Adeer sheekadaan waxaa ka danbeeya PM Saacid iyo Farmaajo iyo beeshooda waxayna rabaan si ay Somaliya u xukumaan in ay gobolkasta ay ku yeeshaan xildhibaano oo ay doowlad gobaleedkast ay kamid noqdaan, sidaas darteed inay Gaddo ku daraan Bay iyo Bakool, oo ay wax ku yeeshaan Dowlad goboleedkaas, sidoo kale inay Jubaland waxa ku yeeshaan dowlad gobaleedkiisa , sidoo kale gobolada dhexe dowlad gobaleedyada ka soo baxaya inay wax ku yeeshaan. Xataa waxay rabaan in ay hiiraan wax kahelaan.Arimahaas PUNTLAND indhahay ku haysaa wayna la socotaa dhaqdhaqaaq yadaan aan sharciga ahayn.

Leave a Reply