Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Banaadir Oo Ka Digay in Xeebaha Muqdisho Lagu Sameeyo Waxyaabo Ka Soo Horjeeda Diinta Islaam
Muqdisho (RBC Radio) Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdihso Maxamuud Axmed Nuur ayaa ka digay in xeebta Liido lagu sameeyo waxyaabo ka soo horjeeda diinta islaamanka.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in xeebta Liido ay maalin kasta ay tagaan dhalinyaro badan kuwaasi oo qaarkood ay ku jiraan dhalinyaro qurba joog ah wuxuuna ka digay in dhalinyaradaasi ay sameeyaan waxyaabo ka soo horjeeda diinta islaaanka.
”waxaana kaga digaynaa dadka waxyaabaha xun xun ku samaynaya xeebta, waana la amray ciidamada Nabad Sugida iyo kuwa Booliska”sidaasi waxaa yiri gudoomiye tarsan.
Gudoomiayaha gobalka ayaa wuxuu sheegay dadka ka soo laabtay wadanka dibiisa in ay qaarkood wadan la yimaadeen dhaqan xumo, wuxuuna ku maaqay in leeska ilaaliyo.
Xeebaha Jasiira iyo waliba Liido ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay yihiin kuwo mashquul ah, waxaana maalin kasta taga dad badan oo isugu jira dhalinyaro,Haween,iyo waliba caruur.
Amaanka iyo nabad galyada magaalada oo soo wanaagsanaanaysa ayaa keentay in ilaa iyo waqti danbe xataa lagu gaaro oo habeenkii ah xeebaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
RBC Raadio
Xafiiska Wararka Muqdisho














waa yaab adeer marka nabad laheley maxaad kudiidantihiin in labaashaalo,oo lafarxo,adeer cabudhis laguma jirikaro,orda sacuudiga taga halkani waa soomaaliya
Tarzan. Isaga. Ayaa dadka ugu baaqay inay xeebta liido yimadan hadaba hada maxuu u qaylinayaa xeeb ay isku yimadeen dhalinyaro maxaa laga sugayaa .
samatar sxb hadal gar ah ayuu kuhadlay tarsan waana waajib inaan waxyaalo xunxun oo macsiya aan lagu samayn xeebaha wadanka matasaa bashaal ah ? waayaab qof muslima oo u doodaaya wuxuu ilaahay xarimay war hala dabaasho oo raga iyo dumarku waa inaysan iskumeel ku dabaalan ,sidaasaa bashaal iyo wax fiicana laakiin in laysku dhex milmo maya ilaahay ayaa diiday anana waa inaan ilaahii na abuuray udhaga nuglaanaa si nabada iyo hurumarka noogusiibadato tarsan hambalyo waana in dhalinyaradaas fasahaadka wada gacan waxlooga qabtaa haday amaraa maqliwaayaan
Samatar
sxb cabburis ma’ahan ee wxaa la yiri waxyaabaha ka soo horjeeda diinta Islaamka yaan halkaa lagu sameeynin,taas macnaheedu waa in la dhowraa anshaxa wanaagsan, carruurta halkaa jooga waa ineysan dhaqanka xun u qaadin qayb nolosha kamid marka sidaa u faham sxb.
Anshaxa wanaagsan maxaa “Musumaasuqa ka reebey”? Tarsan needs to lead by example, marna isagaa musiga bilaaba, musuqmaasuqana ugu horeeya, hadana wuxuu leeyahay qaawanaanta hala joojiyo.
Meesha Al-shabaab baa taqaan sida loo nadiifiyo kuwaas iyo kuwa kufsiga iyo isbaarada nolosha ka dhigtey. Ee wax halaga weydiiyo sidey wax ku maamuli jireen. Waayo Muqdisho every 2 min dumar baa lagu kufsadaa. Maalintiina every 10 minute qofbaa isbaaro ku dhaca. Xalkoodu sow ma ahan in shareecada Islaamka lagu fuliyo? Waayo Diinteen ma taqaa eexasho shaqsi iyo qabiil.
Yaa ladhihi karaa maanta waa u hiilinayaa diinteena suuban & dhaqankeena Mr Tarsan & shabaab , Shabaabku ( dhiqle ) waxay dadka salaada tukada siiba Tansubax ku ugaarsadaan masaajidka & Inta u dhaxeysa Gurya hooda & Tarsan oo leh Islam baanahay xeeba heenu maahan kuwa kuyaal Spain & Giriiga & Meelo kaloo badan oo Dadku yihiin sidii lagu dhalay Subxaana laah , Tarsan baa jihaad kujira kulana jira sheydaan & shabaab ( dhiqle) oo ah cadowga islamka & Soomaali, hadalka tarasan Aad baan usoo dhaweynayaa,Viva Puntland & Jubaland
way haboon tahay in dadka looga digo anshaxa xumida qofkii wax ku qaadan waayane isga iyo Ilaahiisa ayey ka dhaxeysaa in dadka anshaxa xumida looga digo mahan caburin ee waa waano, cabuurin waxaa la yiraahda marka dadka la kontroolayo dhaqdhaqaaqooda iyo kulamadooda.
Intuu ku mashquulaayo dad xeebta iskaga raaxeysanaayo oo an wax dhib ah cidna u geysaneyn…. waxaa looga baahan yahay gobalka uu mas’uulka ka yahay dulmiga ka jiro in uu suuliyo sida kufsiga, hantida shacabka oo xoog lagu haysto, dilka aan loo aabe yeelayn iyo cadaalad daradda baahdey. kuwaas ayaan u aqaan wax diinta ka soo horjeedo oo anshaxana wax u dhimaayo.
ugu danbeyn dalalka Islaamka ah oo hurumarey oo dhan xeebohooda iyo hoteelada iyo meelaha loo damaashaad tago waa free ee dadka caburinta micnaha aan ku dhisnayn kadaa hadii kale mesha dukaafadeeda ayay ahaaneysaa dadkuna kuu imaan maayo….
wixii uu ilaaheey xarimay cidii halabaneeyo tiraahdo walee qatar beey ku sugantahay ee hala tigtoonaado dhalinyaro tarsan hadal wanaagsan ayuu ku hadlay qalbigiisa ilaaheey baa daalacanaya lkn anaga daahirka ayaan xugmuneenaa waxaan leenahay allaha kaa abaal mariyo dadku ku guubaabi in amarka ilaaheey la qaato shaqada diintana ka qeeyqaabta aduunyada iyo akhirada waad ku liibaaneeysaan
samatar somaliya waxay ku burburtay macsidaas banaanka loola soo baxayo bubrburkale miyad diyar u tahay anaga diyar umanin tarzan wu ku saxsanyahay tarzanow somalida inta badan wey kugu taagersantahay inta xun wa iska qabaneyna oo dhaqanka xun ALLAHANA nagaqabto
somalidan waxaan la yaabay waano been been ayeey meesha ku haayaan
waryaa naagaha malin kasto dariiqyada ku kufsanaayan askarta dowladaan xun haka hadlo
anaga waxaan basiidka ah hanoo sheeginee , isagaaba wajigiisa u eg mooryaaan haduu ka hadlaa arin aan habooneen , marka hore ka hadal dhibka ka dhacaaya magalada ugu horeeyso dumarka kufsigooda , markey dowladan qurunka ah imaaday ayuu kufsigiii batay , waxuuushtaa tihiin maxan dhahaa
Xumaanta qofka dadka ka waaninaya waa in uu isaga marka hore ka leexdo. Tarsan Mooryaan isagaa ummadda xoolahoodii bililiqeystay oo xaaraan maalin walba ku dhex jira, markii uu lahaa xeebta hala yimaado macnihiisu sow ma eheyn waxan oo kale hala sameeyo. Annaga dad aad isu gad-gadiso ma nihin tuug dulmi & fisqi ku dhex jira ayaad tahay, waa in adiga lagaa bilaabo. Marka adiga lagu xukumo dadka wey baqayaan oo waa shacab lafahooda u baqaya, laakiin xukunku waa in uu kor ka soo bilowdo dadka ayagaaba waantoobaya oo lafahooda u cararaya kii ka yimid Yurubna isaga cararaya markuu arko Tarzan oo ciqaab xun la mariyay.
kkkkkkkkkkkkkkkk muwandin ninyow cosol ayaa leedahay hadalkaaga waa hadal xikmad leh
tarsan waa in la mariyaa ciqaab , waa sax, boosaskii ayuu lacag kukala gadanayaa in leyskaaga daba imanayo ma oga miyaa oo akhiiran uu galayo xaabsi isaga oo indhihiisa ukun aaa moodo weyninkeda lee kkkkkkkkkkkkkkkkkkk ya huuu tarsan tarooox