Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose oo Sheegtay Inuu Ogaa Weerarkii Faransiiska Iyo Xukuumadda Federaalka oo Ka Aamustay Hawlgalka Buulo Mareer
Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur “Siidii” ayaa galabta idaacadaha gudaha u sheegay inuu isagu ogaa weerarkii xalay ciidamada Kumandoska Faransiiska ku qaadeen degmada Buulo Mareer oo la rumeysan yahay in Al Shabaab ay ku heysteen Dennis Allex oo ah muwaadin u dhashay Faransiiska oo ay Al Shabaab afduubteen sanadkii 2009.
“Sidii loogu talagalay ayuu u dhaacay, waanu ogeyn in weerarka uu dhacayo.” ayuu yiri C/qaadir Nuur Siidii oo intaa ku daray in uu codsanayo in Faransiiska iyo wadamada kale ee NATO ee ku sugan xeebaha Soomaaliya inay gacan ka geystaan sidii loo ciribtiri lahaa dagaalyahannada Al Shabaab.
Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in khasaaraha hawlgalkii ay fuliyeen ciidamada Faransiiska ee xalay abaare 2:00 habeenimo ka dhacay degmada Buulo Mareer ay ku dhinteen illaa 24 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah oo Soomaaliyeed iyo dhinacyadii dagaalamay. [AKHRI Warbixin sideebuu u dhacay hawlgalka fashilmay?]
Xukuumadda federaalka maxay ka tiri?
Illaa hadda golaha wasiirada dawlada federaalka iyo madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin weerarka ay ciidamada Faransiiska kusoo galeen dalka iyadoo aysan dawlada federaalka u muuqato inaysan wax war ah ka heynin hawlgalkaasi.
Waa hawlgalkii ugu horreeyay oo gudaha dalka ka dhacay ee dhaca tan iyo intii dawlada cusub ee federaalka ay talada la wareegtay iyadoo aan wax wadatashi ah lagala yeelan hawlgalka ay askarta ajnabiga ku soo galeen ciida Soomaaliyeed.
Galabta ayaa mar uu hadlay raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon oo qaabilay rag ay burcad badeed soo siidaayeen, wuxuu sheegay in golaha wasiiradu ay kulan deg deg ah ka yeelan doonaan ayna war ka soo saari doonaan hawlgalka xalay ka dhacay degmada Buulo Mareer.
Si kastaba, dadweynaha ayaa raba inay ogaadaan waxa ay dawlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegto hawlgalkan xalay ka dhacay degmada Buulo Mareer kaasoo ay ku dhinteen dad rayid ah oo Soomaaliyeed iyo ajaaniiba.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho














Raxanreeb dadka rayidka oo la dilay halaga hadlo oo raadsha magacyadooda fadlan aduunkana u sheega
Caawa waxaa ka hadlay Telefishanka France 2, wasiirka difaaca ee fransiska. Wuxuu sheegay mar lawaydiyey sida qorshahan fashilmay ay uu qaadeen hal maalin oo cidamadoodu ay werareen laba dal oo afrikaan ah, waa Mali iyo Somalia. Iyaga oo aan ka taxadarin khasaaraha dhacay oo cidanka lagu la ayey. Wuxuu ku jawabay in qorshan si deg-deg ah aan loo qaadin oo bilo la raadinay meesha uu joogo Denis Alex. Isla markaasna lagu weeraray Al-shabab qorshe la isla ogyahay. Waxay taas macneheedu yahay in dawleadda Somalia wax kala socotay hawl galkan xalay ee malinti sabtida. Isla waqtiga weerarku dhacaayey la ogaysiyey François hollande . Dhanka soomaaliya kadib isku day dhanka telefonka usan qaban M.Xasan sheikh oo markaas hurday.kadib amar ka yimid hoganka cidanka iyo François Hollande lagu fuliyey weerarkaas. Dhanka wadanka Mali wuxuu cadeyey wasiirku in diyaarad iyo pilotkii laga gubay. Markan soo ururiyo waxaa cad in madaxdaweynuhu ogaa werarka France ee alshabaab.