Gudoomiyaha Ururka DaDka Puntland: Xukuumadu hadii Sanadkan ay ku guuldareesato Hirgelinta Xisbiyada Badan waa in ay meesha ka baxdo.
Garoowe (RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Puntland (UDAD) Siciid Faarax Maxamed oo waraysi gaar ah siiyay Raxan-reeb ayaa sheegay in hadii Dowlada Puntland ay ku hirgelinweydo Xiliga u haray Nidaamka Xisbiyada Badan in ay booska baneyso isla markaana Dowlada Xigta ee lasoo dooranayo aan la marsiin habkii Doorashada Qabiiliga balse fikir ahaan uu ku talinayo in Maamul dadku u dhanyihiin oo sii hirgeliya nidaamkan Xisbiyada badan laga unko Puntland Xukuumada hada jirtana waqtiga ayaa xusi doona sida uu yiri Gudoomiyuhu Xili uu ku sugnaa Xafiiska Cusub ee Ururku uu ku leeyahay Mgaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.
“Runtii anagu urur ahaan waxaan mar walba la siman nahay fikirka bulshadu qabaan mana ka leexsanin dadka yaga reer Puntland, waxaan is leenahay Sanadkan hadda u dhiman xukuumada Puntland oo bil ay sii idlaaneyso waxaa looga fadhiyaa hirgelinta Nidaamka asxaabta Badan anagoo la socono waliba in gaab badan uu jiro oo ay ka mid yihiin shuruucda Doorashiiyinka Puntland oo Baarlamaanku Ansixin,Maxkamad dastuuri ah oo hadii muran yimaado layskula noqdo oo aan dalka ka jirin, Dadka oo aan diiwaan gashneyn oo aan la kala garaneyn wixii Puntlandes ah iyo wixii kale ee la mid ah ayaan u arkaa in ay yihiin caqabado jira oo wali aan waxba laga qaban sidaa darteed Dowlada iyo Gudiga Doorashooyinka Puntland ayaa looga fadhiyaase in ay arintaasi ka jawaabaan waxna ka qabtaan intay Goori Goor tahay ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri.
“ Hadii ay ku qaban waayaan waqtiga hada u harsan in ay ku hirgeshaan Nidaamka Xisbiyada Badan Sidaas waqtigeedii haku dhameysato 5teedii sano Taariiqdaa xusi doonta wixii ay qabatay iyo wixii ay seektayba, waa in ay meesha ka baxdo , waxaana ka digayaa in Dowlad qabiili ah la doorto waa in aan uga Gudubnaa Hab dimuqraadi ah, waxaan ku talin lahaa in hadii ay sidaa dhacdo la sameyo maamul mudo 2 sano ah ku dhameystira Dimuqraadiyada laakiin bulshada reer puntland iyo waxgaradkooda iyo isimadooda ayeey taasi u taal, sidaasina waxaa yiri Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka (UDAD) Siciid Faarax Maxamed oo Raxan-Reeb la hadlay.
Gudoomiye Siciid ayaa mar uu ka hadlayay Rajada ay ka qabaan in hadii Barnaamijkan Dimuqraadiyada ka hirgalo Puntland soo bixitaankooda ayaa sheegay in ay doonayaan hadii alle yiraahdo sida uu hadalka u dhigay in ay kaalinta Koobaad galaan isagoo u cuskaday araintaasi hadafka ururka oo ah,kor u qaadida nabada ka jirta Puntland hirgelinta Sinnaan ka dhex dhalata Dadka iyo Hogaanka,ku dhaqanka maamul Wanaaga , Hormarinta Adeegyada Guud,iyo talaabooyin kale oo muhiim ah sida madaxda Ururkaasi ay sheegeen.

Gudoomiyaha Ururka (UDAD) Siciid Faarax Maxamed Ku xigeenkiisa Maxamuud Maxamed Xuseen iyo Nabadoon khaliif aW Cali oo Ururka ka tirsan Waxa ay sheegeen in ay boorinayaan Nabadgeliyada iyo Jiritaanka Puntland ayna kasoo horjeedaan wxii lid ku ah hormarka Puntland dadkeeda ay gaareen meel walba oo ay joogaan wuxuuna hadalkan kusoo beegmayaa iyadoo ururka UDaD uusi rasmi ah maanta Xafiis ka Furtay Magaalada Gaalkacyo oo ay Taageero ka heleen in ka badan 280 Qof sidoo kalena Ururka Meel walba oo Puntland ka mid ah laga soo dhaweeyey sida ay Madaxda ururkaasi ka dhawaajiyeen.
RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.














mashalaa reer gaalkacayo say ururka dad waynaha usoo dhaweeyeen waana in uu kafurtaa xafiisyo dhamaan gobolada iyo kasatan mudug waana urur soowada hurumar inshalaa waa ucodaynayanaa sanadkan hanbalyo puntland