Gudoomiye Tarsan Oo Mar Kale Ku Celiyay In Laga Saari Doono Dadka Degan Gurayaha Aysan Lahayn Ee Xooga Ku Heesta
Muqdisho (RBC Radio) Maamulka gobalka Banaadir ayaa mar kale ka hadlay dadka degan guryaha aysan lahayn eek u yaala magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan macquul ahayn in guryo aanan la lahayn in leeska daganaado.
“Waxaan leenahay intii aad dagaanan kartaan waa daganaatee, intii ilmo aad ku dhali kartaan waad ku dhasheen, marka waa in aad ka guurtaan guryaha aadan lahayn,”sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Sidoo kale gudoomiyaha gobalka ayaa ugu baaqay dadka gurayaha aysan lahayn xooga isaga heesay mudada dheer in ay cafis waydiistaan dadka isla lahaa guryahaasi oo ay ka heesteen mudadii uu bur burka jiray.
“waxaan leenahay odoyaasha iyo waxgaradka ka masuulka ah dadka degan guryaha islaameed ku dhiiragaliya dadkaan in ay baneeyaan gurayaha, inta aysan boolisku xoog kaga saarin”ayuu hadalkiisa ku soo daray gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir.
Hadalka Gudoomiye tarsan ayaa wuxuu ku soo adayaa xili magaalada Mqudisho ay ka socdaan dacwado la xariira dhulal leesku heesto, waxaana magaalada ku soo laabtay dad mudo badan ka hor naftooda kala cararay wadanka.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho















asc waxay ila tahay waa wax wanaag san hadii xaqii dad kii is kalahaa ee xooga looga haystay looceliyo taasi waxay hor seedi in la is cafiyo oo dalku nabad ku soo laabato laakiin cidii isku dhajiso gu ri dad muslim ah leeyahay amadawladu lee dahay waa in laganaaxaa oo laga qaadaa lacagtii mudadii uu xooga kudaganaa gurigaas ama beer taas ama hantidaas taas ayaa nabad ku imaan kartaa
masha all masha all masha all , waxaas ayaa lagaa dhahaa hadal mr tarsan hadaa ku hadashay hadal xaqiiq ah runta lagama ganbado runta ku hadal. umadaan bahalowday bahalnimada ka saar
mideda kale kuwa xaraanta cadeystay maanta halkee galayan wa leysku imaaday (aanal awaan)
wale runtaa hada taabatay intaa ku xaranta wa ku jirteen xool waye kalkaan sax viva tarsan
reer xaraan ku naax wa is taqaaniin kifayaa xaranta ilmaha aad ku dhasheen yaa allah
war dadkaan muslim ma ahan miyaa 22 sano saladisa iyo sonkisa iyo zakadisa ma ahan sax wa kuwa ku jira xaranta allaha tusiyo xaqa reer xaran cune
Kkkkkk
Aalatahay
waa runtii bal aan oggaano in lamaqlo oo dadku bislaadeen ilbaxaeen.waxbadan buu kahadlay
wana sax suu uhadlay ee afhayeenka beelaha (xaad)raali makayahay arinkan.100 geerash.50 hotell
3000bakhaar.15 shineemo.15kun oo fila waa adagtahy.sida looga saaro.waa in ciidan cusub oo amisam
ah lakeno oo qaabilsan arimaha guryaha hantida dawlada.beraha.iskuulada.farmashiyayaahsa.yaa
ba tirinkara.war.waa alaw sahal.ninbaa waxaa la iisheegay.nin.usoo noqday xaaskiisii oo 20sano xog looga haystay.oo ciyyal badan dhashay.oo labadii caruuruood.yaabanyihiin.waa qisada aan mar sugayano balsida maxkamadu waxyeesho.iyo naagtii oo koomadii kabaxday.oo dhibkii garay.hada
gocanaysa,maxkamadna lafuulaysa ninkii afduubkaa intaa ku haystay.waa qiasa cajiiba.oo caalamaka wareegaysa,alaw sahal amuuraha.muqdisho.
Dadka aragtida gaaban ama qabiil waxaan
Ahayn aaminsan ma aqbali karaan kan
Cadaalada & xaqa ka hadla mana aqbali
Karaan kan mooryaanta ah oo xoogga ku
Haysta hantida & xoolaha uusan lahayn
Waxay akhbali karaan oo kaliya nin
Jufadeenna wax ma laga dhigey !!
tarsan kuyeh guryaha xaaraan taa halaga baxao, meeshaan guryo xaaraan ah majiraan guryaha hala baaro dadka sheeganaya meesha ay markii hore kakeeneen,waxaa lawada rumaysanyahay in dowladii hore aysan cadaalad samayn jirin taasina waa wixii ay laburbur tay,,dad waligood cayr ahaa omarkii ay xamar yimaadeen hotelo iyo dabaqyo kuyeeshay bilo gudahood ayaa lawad yaqaan iyo abidkood geel ilaalinjiray oo markii aya xamar yimaadeen laga safay cornayl iyo jeneral . takri falkaas iyo boobkaas nin tooxsigaa dadkii wax kuhelay yeysan isdaalin, dadkiise xooogooda wax kuyeeshay waa ay helaayaan xaqooda ….. in sha allh,,
halaga saaro tuugada iyo mooriyaant
sax weeye kugu raacsani jaale gudoomiye saasaa lafadee KII DHISTAA U DHIBQABEE DHAXANTA JIIFO SOODHAWAA .BOOLISKII DHAAR XUMOW MAREE XAMAR KADHUUMO SOODHAWAA, DHAGAR QABE IYO DHUUNIRAAC XABSIGA DHIGA SOO DHAWAA!
Nimankaan waxay afka ka yiraahdaan iyo ficilkoodu isma leh. Hadaan xoog looga saarin tuugtan Ka bixi mayaan. Sidee qof muslim ahi guri xaaraan ah ugu noolaan karaa 22 years ? Caasimad ma noqon karto meeshan tuugtu iskugu timid . Never
liido@ been ayad sheegtay waayo dowladii kacaanka intay galisay muqdisho gedo ama galkacyo midna ma galin waxana jiray hanti dhowr qaran musuquna wuxu ahaa mid aad looga boqo dowladuna qabiil inaysan aqoon waxa kugu filan sidi kuwii SSDF ee ay isku cidda ahayeen markay iswaaleen loo galay balse adigu hadaaficin tuugta ku ilmo dhalay xaranta wa hadii adan ka mid ahayn kuwii ku dhushay guryaha xaaranta ah teda kale maanta qof somaliyeed hargaysa ama bossaso guri loogama haysan karo ciduu doono ha ahaadee wayo saan qabo dadka shacabka ah ayanba ogolanayn balse muqdisho waxa yaal waa adoo kale oo tuuga difaac ugu jira mar hadii aysan dadku is badalina dowlad umalayn maayo inay wax qaban karto
Guryuhu waa hanti ma-guurto ah, ninkii lahaa hanti-ma-guurto ah wuu helayaa ha dheeraato ama ha dhawaato, laakiin dadkii bankigiyada qaranka lacagta u tiilay oo maalin caddey dowladdii joogtay ay dad kale u qaybisay yaa xaqooda u celinaya? ayadoo bilaayiin shilin bangiga account tiilay ayaa waxaa saf loo geli jirey 20,000 markaasa la waan jirey, dad kale aan hal shilin bangiga u oolin ayaa faraqa loogu shubay, dad badan ayaa ku ceyroobay, yaa celinaya lacagtaas? si qof kasta wixii ka maqnaa uu u helo waa in lacagtaas lasoo celiyaa.
Asc. Mahadsanidiin Bahda RR sida aad wararka aanu u baahanahay inoogu soo gudbisaan.
TARSAN isagaaba tuug ah muxuu Umadd kale oo 22 Sano Mooryaanimo ku Jirtay uu Saaxaa, LIIDO Qofka la baxay waxaan leeyahay Maalin ku Taajir iyo Xaaraan ku Naaxba Mooryaanta Muqdisho aa laga Bartay, dadka Xoolahooda la haysto waa dad la yaqaan oo xoogooda kusoo shaqaystay. Mudisho iyo Xoolaheeniiba isku qaata waaba hadaan dib idiinkugu soo noqono, Caasimadda Cusub baan u guuraynaa….
Wabilaahi Towfiiq.
liido@ adigu waxaad tahay dadkii lagu koriyay bililiqada iyo boobkii hantidii umadu ka qaxday 1991 xamarna ninkii u haysta caasimadda somalia inay tahay hurdo ayuu ku jiraa ee waxaa loo baahan yahay in laga fakaro meeshii caasimadd dalka u noqon lahayd hadii kale land; land; land; ayay arintu ku dhamaanaysaa tarsana hadalkaa wuu ku mahadsanyahay waana soo dhawaynaynaa laakiin aadan buule iyo cabdixakiin oo guryooodii lagu dilay dadkii dilayna xaadir yihiin wali arini ma dhawa
Dhulka Somalia dhamaan waa banaanyahay markaa waan soo dhaweynayaa in ummadu is cafiso guryihii dadku ka qaxeena loo celiyo cafisna la weydiisto sidaana la isku cafiyo.
Dalal gaalo ah oo aan diin laheyn dhaqan laheyn ayaa isnta la is xasuuqay oo la is qixiyay hadana la is cafiyay oo nabada la qaatay markaa inagana maxaa inoo diiday sidaas?
Viva Somalia
ASC dhamaan inta wanaagsan
markaan cabiro dhibaatada guud ee kajirta gobolka banaadir, waxaa iswaydiin mudan dadkaan xamar soo galay oo hantidii shacabka iyo tii dowlada degan ee looga yaqaan magaalada muqdisho mukulaal madow xagee ka soo guuree? Sikastaba ha ahaatee waxaa looga baahaanyahay qolyahan maamulka sheeganaya inay meeleeyaan dadkaas oo goboladii ay kayimaadeen u dhisaan side taageerida sida soosaarka biyaha IWM. Ninkan odayga ah waxaa haboon inuu ogaado in magaalda muqdisho beelaha qaarkood aan ku soonoqonayn, marka waxaa haboon lafihiisa inuu ka ilaa shado mukulaal madow, hadala noocan oo kale iska daayaa xaqiiqada magaalada muqdisho waa sidaa.
Wbtfq
@lido
guriga xaaraantaa kasoo celi oo cafis weydiiso dadkii lahaa maadaama gui xaraana lagugu dhalay si aad ilmo xalaal ah u noqotid hadii kale u diyaar garoow cadaab adiga iyo inaad ku kulantiin sidaad u difaacaysid dadka xaaraan quudatadaa ayaan u jeedaaye.
qowda maqashii waxna ha uqaban war somaalay warkaan waxba ka majiro ee dadkaa lagu sii jeedin tarsan hadii ay dhab ka tahay hadal kaan waxuu ka bilaabi lahaa nafsadiisa waxuu ku xijin lahaa canbe canbe iyo bakiin oo ilaa hada dac wadoodii taal max kamada mida kale dadka guryaha haysta waa uu yaqaan oo qof qof ayaa la isku yaqaan in tuu ka xaysto boolis ayuu har cad kasaari karaa laakiin markuu arkay cadaadiska uga imaanaya shacabka qaybihiisa kala duwan saxaafada maamulada sida wasiirka warfaafinta puntland markaa oo uu maq lay caasumadaa labadalayaa maadaama uu asagu udur baan tumaayay markii dastuurka loo fadhiyay garoowe uu lahaa caasumadu waa xamer ee yaan laga badalin hada oo godkiisii ay biyo ugu soo galeen oo la leeyahay waa laga badalin hadii cod loo qaadana boqolkiiba 99% ay dadka somaaliyeed aysan yeelayn in caasimed ahaato muqdisho oo ay dageen dad sam cadeedi qaribay in uu taas ku bad baadiyo oo hada iska dhigo in uu dadka wax u kala celinaayo si dadka ay rajo uga gasho caasimada oo ay dhahaan caasimadii haloo daa yo muqdisho xoolaheenii waa naloo soo celin tarsan baa balan qaaday kkkkkkkk taas oo la macno ah dawacadii hilibka qaybisay hadana tiri cadka wayn anaa qaadan taas waa caqli caruureed adeer muqdisho cid kusoo laabanaysa ma jirto waxan anaga naga dhexeeya waa meeshii casumada loo rarilahaa oo somaali ka tashato iyo fadaraalka hadaa diidid waa kala go iyo in ay somaali kala tagto ee xaqiiqda haka dhuuman qowda maqshii waxna hau qaban dantaadana maqaar ay baa loo gu seexdaa laakiin waa haday kuu socoto kkkkkkkkkkkk
somaaliyay waxa aan idiin xaqii jin oo aan idiin cadayn in aysan arintaa aysan tarsan daacad ka ahayn waxaad eegtaan sawirka gadaa shiisa yaal oo ay ku qoran tahay maxwaynha maraykanka baraak obaama hadaba tarsan yaa wadanka madax ka ah yaa loo baahan yahay in uu sur naado gadaa shaada ma m\ kusheega xasan baa mise obama?? wadanka aan joognana ma somaaliyaa mise waa use?? hadiise aad soo qaadatay oo aad soo dhawaysatay maxuma laakiin yaa lasoo hor marin lahaa ma xasan mise obama?? taasna waa dhanka baratakoolka oo aan dhisnayan marka see hanti dad loogu celin ayadoo aan la sugin bara takoolka wadanka iyo sawirada muuqda alow sahal amuu raha kkkkkkkkkkkkk
asc bacda salan hadan horay usii gudbo waxaan dhowrjeer isweeydiyay guryahaan la shegayo oo muqdisho lagu heyta ya heeysta waxaan ku sameeyay baritaan waxaan so ogaday inusanba jirin qof hanti ma guurta ah ka maqan tahay oo shaqsi ah lkn weey jiraan deegamo dad shacab ah dagan tahay dowladii ey lahan jirtay waxaan kaloo soo ogaday dadkii hantida ma gurtada ku lahay dadna ineey ibsadeen dadna ineey dad ey ehel ama asxaab yihin u dhibteen eyna ka war qabaan waxaa iskaga danbeeyay dhowr mamul oo ah maxakimtii islaamiga oo dadbadan guryahooda u ceeliyay waxa ka danbeeyay ururkii al shabab waxaa marka hadaad mantay radisan waxaan maqneeyn waxaan filaya inaan laso heleyn waxaana u arka ninki sanbus afar gees ah radiyoow adiga dali doontid
taas markan kasoo gudbo erayadan media loo adeeg sanayo waa maxaay hadii eysan jirin wax maqan waxaa la doonaya qof waxka maqan yahay hadu jiro inuu dowlada xiriir lasoo sameyo waloga qadaya hadii shekadu tahayna geel jire kaston muqdisho tagin inu yiraaho guri ba iga maqan taas waxeey isoo xasuusineysa meel Baar ah oo somalidu iskugu iman jirtay 1996 magalada Ardi Sababa aya waxaa la iskugu fani jiray oo lagu qaxweyn jiray 30 guri ba xamar igu talay iyo 8 kunba qoskeyna kaliya ugu alay markii danbe waxa lo bixyay Barkas baar calacal marka shekadu hadey tahay calacal waxba walal kaama qaban karno hadii ey jiran qof waxka maqan yihiinse aniga ha ila soo xiririiro aaniga qofkas waxkasta ka cawinaye
liido
adeerkiis meesha qaanuun baa laga hadlayaa nin walbaa hantidiisa isagaa gatay oo sabraloogo cadaynaysa inuu gatay ayaa jirta taas ayuuna maxkamada geynayaa ta kale adigu dad baaad ka hadashay yaa la xisaabtamaya kuwii qarankii oo dhan bililqo ku dhameeyey hantida afrika aad geyseen saw tii qaranka maaha waxa ugu yar ee laydin kula xisaabtamaa waa guryaha dadka waxaad dawladnimada u diidaysaan waa inaad xaaraanta haysataan dhegeyso adeerkaa dr togane oo leh cidayadu cawska iyo caanahay xamar geyn jirtay waxaadna ogaataa xamar 1960 kii ka hor xamar waxay ahayd xamar iyo xamarday waana la yaqaan cida deganayd oo waa reer xamar taariikh cusubna u samayn maysaan oo xamar waa magaalo 900 oo sano dhisnayd guryuhu waa soo noqonayaan adna waxaad shaqaysato oo maalkaaga ah uun baad wax ku noqon soomaalidu intay is boobto ma kala aamusto sidaa la soco
@ stop and cabudwaaq iyo mahammed ali waxan idin leeyahay hadal runtiisa ayaad ku hadasheen
midkan liido magaca ah soo qaatay iska fahma idinkuba , waa ninkiii nac nacda badnaa oo marba magaca soo badalanayaa oo cabsi ku qaaday in uu magac kale soo qaado ala fulaysanaa
MUKULAAL MADOW guriyiihii laga qaxay wa lagu soonoqon oo adiga bari wajige ku noolanee
wajigaaga siduu u yalaa dadka hortiisa , magacaan waxaa bixiyay waa dadkii banaadiriga ahaay markey naftooda u yabeen ayeey ku dhajiyeen mukulal badow
guriga xaraanta isaga baxa wa hadad muslim tahay xaraantu ma fiicna caruurtiisa ayuu guursan karaa ileen guri xaraan ah ayuu ku ilma adhalay 22 xaraan ya kunoolan kara bal damiirkaas fiiriya iyo midka difaacaya xaraanta u hiilinaya in walakiisa xaranta u ku jiro dhan qabiil ayuu ugu hilinaya adeer waxaasi wa dhamaaden hada 2 arin imaa xamar laga badalo casimada imaa all somali ay kawada dhaxeyso dad qaas ah ma shegan karaan moqdisho bahala galen
ASC,
Gudoomiya Tarsan, hadalkiisa aniga waan soo dhaweeyn, oo wax waligeedba la rabay dadka Mogadisho dagana eey raali ka’ahaayeen ayeey aheeyd in magaalda Mogadisho dadkii Somaliyeed oo nooc walba leh eey sideey rabaan ugu noolaadaan, guryhaoodii iyo xaqoodii eey shaqsi ahaan u lahaayeen oo eey heeystaan cadeeyn rasmi ah, oo cadeeyneeyso in uusan Xasan Abshir oo kale waagii uu gudoomiyah ahaa uusan 10 guri amaba boos qof iska siin. Taas cadaalad ma’aheen, xoolahaasna qofkaas ma sheegan karo.
Laakiin, waxa aan ka baqaya ayaa waxeey tahay, in hada oo uu si cad baaq u soo jeediyay Gudoomiya Tarsan, dadka Somaliyeed oo dhana raali ka yihiin in amarkaas gudoomiyaha iyo waanadisa la qaata, dadka mahbarka ah ee isku qarinaya sheekadaan raqiiska ah ee guryaha/beeraha, ma ka waantoobayaan dhagartooda oo ma ka dhaafayaan jaa’ifeeynta iyo beenta eey mas’uuliyiinta Dowlada iyo shacabka Somaliyeed qaarkood eey maalin kasta beenta uga sheegaan, kuna dambaabaan? Thank you.
raxanreeb p/s qoraalkayga soo daaya