Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed Oo Soo Bandhigtay Rag Ay Sheegeen Iney Ka Tirsan Alshabaab Oo Ay Gacanta Kusoo Dhigeen
Muqdisho(RBC Radio) Hay’ada nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay rag ay ku sheegeen iney ka midyihiin ururka alshabaab oo ay shaaciyeen iney falal amaan darro ah faraha kula jireen, taliyaha hay’ada nabad sugida qaranka ee gobolka banaadir Khaliif Axmed Ereg oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in hay’ada danbi baarista ay ku guuleysatay iney gacanta kusoo dhigtay ragan ka tirsanaa alshabaab, dhalinyarada ay maanta soo bandhigtay hay’ada nabad sugida ayaa waxa ay tiradoodu gaareysay ilaa 7 ruux oo mid ka mid ah ay hay’adu ku sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha alshabaab oo ay mudo dheer ku raadjoogeen isagoona intaa ku daray iney macluumaad ay heleen kadib ay hawlgal ku qaadeen goobtii ay ragani ku sugnaayeen.
Khaliif Axmed Ereg taliyaha hay’ada nabad sugida gobolka banaadir ayaa intaas raaciyey in hay’adu ay maalmihii danbe hawlgalo isdaba joog ah ka wadeen degmooyin dhowr ah oo uu sheegay iney ku dhuumaalaystaan dagaalyahanada alshabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho waxaana kamid ah degmooyinka Dayniile, Yaaqshid iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay iney ku daba jiraan rag kale oo ka tirsan alshabaab dhawaane ay sharciga horkeeni doonaan.
Hay’ada nabadsugida Soomaaliya ayaa hawlgalo fara badan oo lagu adkeynayo amaanka magaalada Muqdisho kawada caasimada Muqdisho waxaana ay sheegeen iney fashiliyeen weeraro iyo qaraxyo badan oo laga fulin lahaa gudaha Muqdisho waxayna hoosta ka xariiqeen ineysan hurdo ladi doonin ilaa ay sugaan nabadgalyad umada Soomaaliyeed.
RBC Radio
saacid
lahaystayaal dib u helay xoriyadooda mahadceliyey ximin xeeb
in la qafaashay













Ereg Jaajuus beenaale ah. Inta markasta masaakiin soo uruuriyo ayaa alshabaab ku sheegaa.
Welee mar aan dheereen……