Howlgalo Dad Badan Lagu Soo Qabqabtay oo maanta Laga Sameeyay Magaalada Gaalkacyo Ee Gobalka Mudug
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada amaanka magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa howlgal dad badan lagu soo qabtay waxaa ay ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo maanta.
Wararka ayaa sheegaya in Howlgaladaan ay ahaayeen kuwo aad u balaaran isla markaana laga sameeyay inta badan xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha qaybta Booliska magaalada Gaalkacyo Jaamac Maxamad Sandaqad ayaa sheegay in ku dhowaad 100-ruux lagu soo qabtay howlgalkas, kuwaas oo uu sheegay in lala xiriirinayo falal amaandari inay ka wadeen magaalada.
Wuxuu sheegay taliya in dadkaan markii la soo qabtay baaritaano lagu sameeyay isla markaana la siidaayay intii lagu waayay wax danbi ah lana ogoday in ay yihiin dad shacab ah.
Sidoo kale wuxuu sheegay taliya in xabsiga loo taxaabay in ka badan 10-ruux oo ay ku cadaatay in ay yihiin danbiilayaal waday falal ka soo horjeeda amaanka oo ku suganaa magaaladaasi gaalkacyo.
Howlgalka maanta ayaa yimid iyadoo falal amaandari ay ka jireen magaalada Gaalkacyo ee xaunta gobalka mudug oo dilal qorshaysan ay ka dhaceen mudooyinkii ugu danbeeyay.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho













odaga cade
runta baa kubadan