Ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta Puntland waa muqadas. W/Q Abdirahman Jama Osman


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta Puntland waa muqadas
Abdirahman Jama Osman
Janaayo 13 2012

Annigoo ah, Abdirahman Jamac Osman, guddoomiyaha Jaalliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Australia ugu horrayn waxaan u rajaynayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland, nabad, barwaaqo iyo horumar. Waxaana si gaar ah hambalyo ugu dirayaa xukuumada iyo ummadda Puntland nabada iyo kala dambaynta ay ku soo dabaaleen dhulka ay ku nool yihiin kana taliyaan. Puntland waa goob reer kasta oo Soomaaliyeed si nabad ah ugu nool yihiin waxayna mudan tahay in si guud looga shaqeeyo nabadeeda lagana fogaado wax kasta oo keeni kara tafaraaruq, xasarad, iyo xaallad abuur.

Dawlad Goboleedka Puntland mucaarad waa yeellan kartaa, laakiin waa in mucaardku ahaado mid wax saxaya, xal wanaagsana keeni kara mase aha inuu ahaado mid xaallad abuur iyo xasarad keenaya isla markaana diyaar u ah inuu sheydaan kasta adeegsado si uu kursiga ku hello.

Xukuumada maanta jirtaa wax badan ayay qabatay, ummadda maanta Puntland ku nool ayaana qiri karta. Wixii ku yimid xaallad aanay Puntland waxba ka qaban karin, sida ganacsatada u wareegay Jubbaland ama Xamar maaha in Puntland iyo xukuumadeeda lagu eedeeyo waase in la raadiyaa sidii xal kale loo heli lahaa. Sidoo kale madaxda Puntland iyo Isimadu waa in ay adeegsadaan gacan qabow iyo is-qancin si loo xaqiijiyo in Puntland aanay gacanta u gelin cadaw-dhaqameedka (traditional enemies) iyaga oo adeegsanaya dad reer Puntland ah.

Shacabka Puntland waa inay la shaqeeyaan xukuumada si loo hello nabad iyo kala dambayn loona gaaro isku-filnaansho taama. Haddii shicibku aanay dawlada la shaqayn, dawladu waxba ma qaban karto, aakhirkana cidda dhibtu ku dhacaysaa waa shicibka naftiisa.

Issimadu waa inay qaataan doorkooda dhaqameedka ah, iskuna dayaan inay isu-soo jiidaan qaybaha kala durugsan xal waari karana u raadiyaan wixii la isku khilaafsan yahay si nabad iyo is-afgarad loogu wada noolaado, horayna loogu socdo.

Taageerayaasha mucaaradku xaq ayay u leeyihiin inay fekerkooda dhiibtaan, laakiin yaanay sheegan magaca dad aanay matalin – ha ku koobnaadeen naftooda. Magaca communitiga Puntland ee Australia waxaa ku hadli kara oo kaliya cidda ay u doorteen in uu matalo ee 4 Qof ee meel taagan ma isticmaalikarto in ay masuul ka yihiin.

Sidaas iyo nabadgelyo,

Abdirahman Jama Osman

President of Somali Community in Victoria, Australia.

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

4 Responses for “Ilaalinta amaanka iyo kala dambaynta Puntland waa muqadas. W/Q Abdirahman Jama Osman”

  1. Garaaso says:

    Sxb. Labo arin marka hore aan kaa saxo yeysan caadifad kula tagin, nin xil sheeganaya ayaad tahay. 1. Ciwaankaaga erayga Muqadas, waxa kaliya ee loo isticmaalaa, waa Hadalka Rabi oo kaliyah sida (Quraanka kariimka). 2. ninka hada aad u haysato in uu maamul hayo ( faroole iyo Wiilashiisa) talo ma u soo jeedisay oo ah in ay ka daayaan dadka shirqoolka ay ku dilayaan, Lacagta dadwaynaha oo si xisaab la’aan ah ay u cunayaan, waxaaba taas ka sii daran khamiriga iyo Dugs-ka ay dadka ku dhexgadayaan. Ma waxaad ku taageeraysaa caburida ay ku hayaan Isimada, Wariyayaasha, iyo culimada diinta Islaamka.
    Dadka reer Puntland ma rabaan dhiig-daata, xasilooni daro, iyo xaalad abuur. laakinse Xaqiiqada ka hadal oo talada labada dhinac u qaybi si aan cadaalada looga fogaan.

  2. Waayo-arag soomaaliyeed says:

    To Garaaso
    Dhaqan xumada soomaalida qaar ayaad noola timid oo ah in aad marka hore diinteena suuban soo daliishato wax yar dabadeedna qurun ka wareegto. Wax macquul ah ummadda u sheeg, haddaad ku ekaan laheyd xoolaa la dhacay waa wax suurto-gal noqon kara beenba ha iska ahaatee, laakiin xukuumadda Faroolaa Drug iibisa waa wax laga yaqyaqsiyoodo, Faroole iyo wasiiradiisu xitaa qaadka ma cunaan sida aan maqashoonahay. Marka labo shey ha isku qasin diinteena suuban iyo cudurka qabiil ee ku haya. Jaahilnimaduna waa jirro kale ee iska jir waxa aad ummadda u soo gudbineysana iska fiiri Marka hore…

  3. Garaaso says:

    To. Waayo.
    Sxb. hadalka aniga iyo adiga ha ka dhigin, mudo dhow ayaan ka imid Puntland, dad fara badan oo si fiican u fakaraya waa ay joogaan, kana hormarinaya waxwalba amaanka iyo degenaashaha, har iyo habeen u taagan ka shaqeenta nabadgalyada, oo aan u shaqeen dowlad iyo hay’ado NGO. laakinse Faroole uu ku shaabdeeyo Al-shabaab…….gunaanudka hadalku waxaa soo iftiimaya Nal cusub. mar dhowna isbedel wanaagsan oo shacabka cuqdad kala galin ayaa imaanaya.

  4. Galgala says:

    Ninka la baxay Garooso, saaxiib uma ekid nin ka hadlaaya danta puntland taas baddalkeeda waxaad jeclaan lahayd inaad aragto puntland oo ay badweynta hindiya liqday, waxaanse kuu sheegayaa haddii puntland adiga iyo kuwa kula midka ah ee fikirkaada oo kale wata ay dumin karaan horay ayaa loo waayi ahaa puntland, saaxiib puntland dadkii dhistay ayaa dhinacdaya ku dheggan oo ilaashanaaya saaiib puntland naftanada iyo maalkannaga ayaan u hurnay difaaceeda waana in aat taas ogaata, tanale farooe waa shaqsi waad caayi kartaa wixii dambi iyo been ah oo aad ka sheegto illaahay ayaa kaala xisaabtami doona, midda kale saaxiib haddii aad mardhaw ka timid puntand anaga ayaa furinteeda hore taagan oo dhex taagan waana ka warqabnaa in cadaw badan oo ay puntland leedahay isa soo hubaynayaan adigana kuwaas noogama duwanid waxaana qasab ah oo muqaddas ah oo waliba diintu noo ogoshay in aan isdifaacno oo ubadkeenna ka difaacno cadawga ku soo wajahan.
    wabbillahi towfiiq.

Leave a Reply