Issimada Puntland oo Taageeray Maamul u Sameynta Jubaland,Baaqna u Diray Dawladda Soomaaliya [Sawirro +Dhageyso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Issimada Puntland ugu waa weyn

Boosaaso[RBC Radio] Issimada ugu muga weyn ee Puntland ayaa maanta ka dhawaajiyey iney taageersanyihiin maamul u samweynta gobolada Jubooyinka,waxayna ugu baaqeen Dawladda Soomaaliya iney ku garab Istaagto rabitaankooda.

Issimada Puntland sida Suldaan Siciid Maxamed Garaase,Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar Jeenicad,Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin,Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin,Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Issimo kale oo Cusumaad u fidiyey Wafdi ka socday Jubooyinka iyo Gaarisa ayaa ku baaqay in loo daayo Ummada degan Goboladaas in Aayahooda ka ashadaan.

Xubnaha Wafdiga ah ee Cusumaad loo fidiyey ayaa kala ahaa Guddoomiyaha degmada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya Ismaaciil Cabdi Garaad iyo Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka Shiikh Khaliif Cali,waxayna Issimada Puntland kala hadleen arrimaha Jubooyinka iyo Gaarisa.

Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar Jeenicad oo Saxaafadda faah-faahin kooban siiyey Kulankooda ka dib kuna hadlaayey Magaca Issimada ayaa sheegay in Wafdiga Isdhaafasadeen fikrado iyo Talooyin lana gaaray Wax wadaqabsi iyo Walaaltinimo.

…”"Qodobada ugu muhiimsan ee laga wadahadlay ayaa ah wax wadaqabsiga deegaamada laga Yimid sida Gaarisa,Jubooyinka,Kilinka Shanaad,Puntland iyo Maslaxada guud ee Soomaaliya sidii loo wada dooni lahaa oo loo qodox bixin lahaa….”"ayuu yiri Suldaanku.

Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar Jeenicad

Waxa uu sheegay Suldaan Jeenicad in dhawaan ay qorsheynayaan Wafdi ka socda dhanka Puntland ay u ambabixi doonaan magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari Kenya iyo Kilinka Shanaad. Jubaland.

Suldaan Cabdullaahi Saalax Cumar Jeenicad ayaa ka dhawaajiyey in Puntland iyo Shacabkeeduba ay taageersanyihiin in Jubaland yeelato maamul u gaar ah kana tirsan Dawladda Federaalka,wuxuuna ugu baaqay Dawladda Soomaaliya in dadka deegaanka u tixgeliso rabitaankooda.

Halkan ka Dhageyso Codka Suldaan Cabdullaahi Jeenicad Guji Halkan

Waxa uu xusay in Shacabka Jubaland ay usoo halgameen Xaqooda isla markaana ay u madax banaanyihiin,wuxuuna Cadeeyey in Issimo ahaan iyo Shacaba ay garabtaaganyihiin Jubaland.

…”"”"Jubaland Ummada degan horey ugu diyaar garowday,wey usoo halgameen xaq beyna u leeyihiin in masiirkooda iney ka taliyaan,maamulkoodana sameytaan,Soomaaliweyna wax la qeybsadaan,aad baanuna u garabtaaganahay,cid is hortaagi karta iyo dhaajiyi karta hanka iyo hanaanka wax u socodka Soomaaliya,..”"”ayuu yiri.

Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin

Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin ayaa isna dhankiisa sheegay in bulshadu Ogaato in khilaafka ka taaganaa maamul u sameynta Jubaland badankiis laga gaaray Xal isla markaana dhawaan la sameyn doono maamul lagu wada mideysanyahay.

 Halkan ka Dhageyso Codka Islaan Maxamuud Islaan Yaasiin Guji Halkan

…”"” Khilaafka Jubaland maahan khilaaf sii dheer,badankiis waa la xaliyey,waxaan rajeyneynaa in bisha hadda ina kusoo aadan loo sameeyo maamul,dadka degan isku raacsanyihiin una mideysanyihiin,haddana marabno inaan Iclaamino khilaaf hor leh una sheegno Soomaalida…”"”ayuu yiri Suldaan Maxamuud.

Guddoomiyaha Maamul u Sameynta Jubooyinka iyo Gedo Shiikh Khaliif Cali ayaa isna shaaca ka qaaday iney jiraan dad wata dano gaar ah kuwaas oo kasoo horjeeda Maamul u sameynta goboladaas.

____________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

28 Responses for “Issimada Puntland oo Taageeray Maamul u Sameynta Jubaland,Baaqna u Diray Dawladda Soomaaliya [Sawirro +Dhageyso]”

  1. samatar says:

    waa arin wanaagsan.in dadka deegaanku sameystaan maamulkooda,iyagoo taageersan dawladooda,cidii kahortimaada iyadaa kamasuula

  2. Puntland boy says:

    Hadii waxa laga wada hadlayaa aay tahay is maamul , nabad ku noolaasho & Horymar maxay tahay Qayladu ? Sideedaba nabad & horumar waxaa lagaaraa markii bulshadu inteeda badan salaadu waa farale isku dhinac u tukadaan , Isir ku ama wada dhalashadu waa kuwa xumaantana iska reeba wanaagana is fara markaad qaldan tahayna waxaa u baahan tahay Walaalkaa kaa qabta xumaanta wanaagana kuugu hiiliya hadii intaas walaalkaa laga waayo waxaad noqoneysaan Dameer isagaa Dameerta suuqa maalin cad ku fuula Ama Doofaar oo markuu Saxaroodo saxaradii dib u cuna ,wadanka waxaan lawadaagnaa , Soomaalidu waa Qabiilo wada dagan geeska africa Calan & Dhulbaana naga dhaxeeya marka waa inaan la’ nimaanaa sidii aan uwada noolaan laheyn , Qofkii ku fakaraya Waxaa mardabe Dib loogu noqonayaa Sidii uu wadanku ahaa b4 1991 waa in lafiiriyaa Maskaxdiisa , Mid waa in lafahmaa wadankaan waala kalaguuray lama kala qixin , Viva Puntland & Jubaland

  3. BEEN BOODE says:

    , ma qabyaaladiibaa wali lawadaa yaa u sheega inay dhamaatay taasi… gurgurte seeftiisa gasha kamaqan dad badan oo qabiil kudul noolaa (Dulin) ayey qaadi doontaa MAR DHOW

  4. dhenged says:

    adeer dadka xamar ku habsaday wax kakhuseeyo ama lagala tashanahayo majirto mamulka jubaland state. dadkaa kunool juboyinka iyo gedo waa dad nasab ah oo u istaagay sidii ay dadkooda dhibka ugasaari lahayeen ilaah haduu idmo waana ladhisi malin duhurkii ama faruuryo qaniiso ama afka buur

  5. Cadaado says:

    ASC,dhamaantiin,
    Horta ixtiraam weeyn ayaan u hayaa ragaan oday dhaqameedka ah ee reer Puntland, iyo ninka Gaarisa (bal inteey u jirtaa Boosaaso) ka yimid, mana doonayo in aan af lagaadeeyo, sababtoo ah waa ceeb taas.

    Laakiin, waxaan rabaa in aan odayaasha iyo dadka eey odayaal u yihiin iyo Dowlada Somaliyeed weeydiiyaa, iyo Somali oo dhan aan weeydiiyo armeey waxa intaas oo dhan loo marayo eey tahay xafiisak Prime Minister ka oo la ogaaday in eey jiraan dad kaga fiican, kagana haboon reeraha daga Waqooyi Bari Somaliya? Maxaa sawanka iyo qeeylada badan ee Garoowe ka imaanayo loo maqli waayaa markii eey jagada Prime Minister ka amaba Madaxweynaha uu ahaa qof halkaas iyo Puntland kasoo jeeda. Hadii eey arrinka tahay saas, waxaan talo u soo jeedinayaa odayaasha dhaqanka in eey hadii eey ka dhab tahay in wadankaan iyo dadka Somaliyeed horay u socdaan, eeysan shirar iyo is abaabul beeleed dadka ugu yeerin, ee taas badalkeed, eey Dowlada Somaliyeed uga dambeeyaan waxii maareeynta ah iyo maamul u dhisida dalka Somaliyeed. Waad mahadsantihiin odayaal.

  6. wamo-man says:

    WHAT IS WRONG HADEY KAWADA HAD LA’AAN WADA DHISKA JUBOYINKA. ADIN KUBA MORYAAN WAA U JEEDAAN SIDAAD RACIST U TIHIIN, OO HAG WAX LAGU SHEGAYO MALIN WALBA ISIGU IMAATAAN KANA TASHATAN SIDAAD U WAX YELEN LAHEYDEEN, REMEMBER HAG IS USC HADADNE XASAN AYAAA WADA TAAAN SOMALI NIMO BEEN AH ANIGA NAGU SIRI MIYSAAN. HA IS ORAN HANTIGA SHACABKA SOMALIYEED XASAN IDIN JIDEYEY LOOMA JEEDA. HA IS ORAN XAQU BEERKA KAMA DILAACE. HA IS ORAN JUBOOYINKA GURGODA MA DHISAN KARAAN. JUBOOYINKA GURYAHOODA WEY DHISAN WELIBA UBAX WEYN BAA LADHIGI. ADIGU MUUTU CARADAADA IYO NACEYBKADA.

  7. xusni says:

    cadaado sxb adiga oo mahadsan
    odayashan wa wada walaalo ma garatay ,hal magac ayaa kawada dhaxeya midka dagan gaarisa misdka dagan kenya midka dagan ithopia iyo midka dagan kismayo iyo somalia meelkastaba ahaatee
    marka waxey iskuugu yeerteen in ay aayahoda kataliyaan iyo all somali waxii u fiican in ay ka shaqeeyan odaayaashanu waa odayaan wanaagsan ku hadla hadal fiican kuma hadlaan hadalo deelqaaf ah
    marka waxaan dhihi lahaay beelweynta )(DAROOD) Gacanta is qabta unit noqda hal meel kawada hadla isku xernaada nabada ka shaqeeya ee is wada xiriiriya ,

  8. Nin idin yaqaan says:

    Issimada ugu waa wayn? 20 sanno kadib ma’sidaan baa loo hadlayaa, ballo issimo u noqda.

    Maxay qiyaali isula yimaadeen, waxay ku sheekaynayaan Gaarisa iyo Jigjiga iyo Puntland ayaan isku xiraynaa, Gaarisa iyo Jigjiga ma somaliya ayay moodeen soo ma’oga in ay Dawlado leeyihiin walee sidiinii in la’idin gubi oo maydkiino guryihiina ku horqurmin.

  9. QABIIL DIIDNAY JUFUR LAND IYO BAKHLAND WAA MAXAY BALAANBALKU CARADII DHUUSAAD KU QARIBTEEN WALIBA QURMUUN

  10. Ali Soomali says:

    tiisa daryeelaa tu kale ku dara.

  11. Somali boy says:

    Kan Gaarisa ka yimid maxa ka galay Kismaayo gabdhihii reer kismaayo maalin kasta la xooga ee kuwaas nabadu ku dadaal hada Duqa magalada nin tiisa xal u helaa mid kale ku daro. dadka daba dhilifkaana hasoo kala cadeeyaan ineey soomali yihiin iyo kenyaati ama Ethopian yihiin.. …..,……Cidaan qabiil dishay

  12. mohammed ali says:

    ASC inta caqliga saaxiibka u ah

    Waxaan u rajaynayaa horumar iyo guul, waxaa ceeb ah in beel waxay isku afgaratay lacolaadiyo oo laga horyimaado waana waxa ka soo socda magaalada muqdisho. Waxaa wanaagsan shacabka soomaliyeed inaan lugu kalifin inay dib ugu noqdaan dagaalkii ahliga ahaa1991. Waa sax beeshaan 1991 in badan maydkooda ku hor qurmay magaalada muqdisho, si aysan taas ugu khaldamin oo degaan beelkale leedahay isu siin ayay odayadaan isugu yimaadeen sababtoo ah soomaalinimadii ayaa dhurwaayo bakhti cun ah dhexda u fariisteen 23kii ugu danbeeyay kkkkkk. Sidaa ula socda.

    wabilaahi towfiiq.

  13. Garsoor says:

    Oo maxaa loo maagi jiray, oo wax looga sheegi jiray Odayadi beelaha hawiye haddii sidaan la isugu soo habar wacanayo, mise xaalku waa aan bareejayno.BAREEJO, Oday oday baa loogu yeertaa, Habarna habar baa loogu yeertaa. Waxay u eg tahay in Puntland odayadii beelaha Hawiye ay u heleen odayaal la xisaabtama.

  14. faisa says:

    war doqonyohow cadaado isu bixiyay waxaad ku hadlaysaa ma iskudir bay kaa tahay yaadse isku diraysaa oo kaa caqli xun adiga. dowlada puntland iyo dadweynaha reer puntland kuliba waa soo dhoweeyeen RAYSULWASAARE SAACID waana jelecyihii iyaga ayuuna meesha u joogaa madaxna uyahay waxayna ka sugayaan wixii raysulwasaare dadkiisa u qaban lahaa. waxaad isti mareexaan walaalahood kudir taas waxaa lagaa yiri baro SEDE DAAROOD ma ah dad ladirikaro oo weliba adiga iyo wax kula misaal ah ay diri karaan qofkasta oo maqla isku dirkaaga sarbeebta ah oo nacasnimada ah wuu kulayaabayaa isku daygaaga liita anaa ka xaalsiiyay sede.
    .

  15. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin,
    @Xusni, walaal, hadii aan dhahno, beesha reer qurac ha is abaabusha, sow ayadana Afarta beelood ee kale oo Somali ka koobantahayna xaq uma lahan in eey is abaabulaan? Mise, waxaad leedahay beeshaada kaliya qabyaalada haku dhaqanto, oo dadka kalana nacasyaal camal yeeysan qabiil ahaan isku abaabulin? Waxaasi waa “hypocracy” hadii aad saas leedahay. Hadiise aad leedahay, beelkasta qabiilka haku dhagnaato oo ha is abaabulaan oo eey aad u badan tahay in eey dhacdo, hadii uu reer bilaabo gurbaan qabiil iyo abaabul. Xagee nageeyneeysaa taas? Taasna sow ma keeneeyso in aanan marnaba laga gudbin dhaqankaan foosha xun ee qabiilka oo dadka aduunka naga reebay? Wadankeeniina ka dhigay sida toilet ka amaba musqusha wax sideeda u soo ura.

    Qofka Somaliga waxaa u haboon in uusan ka cabsan, amaba ka baqin in uu qofku isku kalsoonaado oo “individual” amaba shaqsi kasta tiisa kaliya ka hadla, kuna dadaala. Kuna dhuuman, amaba gamban qabiil dhan, oo xaqiiqa ahaan la ogyahay in marka hoos loo sii daa dago eey tageeysa in qofkasta tiisa kaliya ka fakiraa. (arka waxa qowleeystada ah ee maamul beeleedyada horboodaya dhamaantood tooda ayeey u ordayaan). Waxaan qabiilka waa uun lakab lakab marba mid uu kuwa kale ka fog yahay, ka hooseya kuwa kale ee iskaga dhow. . Waxyaabaha qabiilka ku kalifaayo dadka qaarkii in eey u dhaga nuglaadaana waa jahliga, iyo gaajada oo loo baahan yahay in la yareeyo si dadku eey uga baxaan qabyaalada.

    Dowlaada Somaliyeed ayaana laga rabaa wacyi galin badan iyo baraarujin in shacabka Somaliyeed u sameeyaan, oo la fahansiiyo waxyaabo ka muhiimsan qabiilka oo dadka Somaliyeed ka dhaxeeya in eey jiraan. Kolayba maahan oday dhaqameeedka kuwa dadka ku wacyi galinayo in qabiilka laga baxo, sababtoo ah ayaga ayaaba shaqadooda meeshaas ku dhamaan, unless eeysan aheeyn dad fiiro dheer oo caaqiliin ah oo ku kalsoon in eey magacaas ka tanaasulaan danta iyo maslaxada shacabka darteed. Laakiin, Dowlada, iyo aqoonyahanka Somaliyeed ayaa kaga haboon howshaas iyo wacyi galinta in eey hormuud ka noqdaan.

  16. @cadaado
    suaashaada ah reer puntland markay xilka hayeen way aamusnaayen waxaan kaa iri markuu c/laahi yuusuf madaxwayne ahaa cali geedina raiisal,wasare ahaa adigu malaha saxaafada ma,aadan aqoon waanu is qabanay geedi marxuunkana bbc baa waydiisay khilaafka puntland iyo geedi side u,aragtaa wuxuu ku jawaabay aniga lay oran maayo puntland buu raacay gar iyo gardaro geedi baan kuraacayaa marku shiikh shariif madaxwaynaha ahaa ina c/rishiid calisharmaarke iyo puntland gaalkacyo bay heshiis kugaleen waxaa diiday shiikh shariif ilaa wakhtigii gaas doorashada markaanu hogaamiye kooxeedyadii iyo argagixisada kahortaagnayn baarlamaanka waxaad abaal nooga dhigaysay waa qabyaaladaystayaal
    @cadaadow caqli gaab,nimada waxaa kuu dheer taariikh xumo wixii shalay ahaa baadan war kahayn mise bahashii baa qalbiga kumadoobaysay waana kaa muuqataa hadaba ma waxaa somali nasaba oo dalka udamqanaya ninka madaxdiisu tanaasulka qaadato sida farmaajo sharmaarke c/laahi galayr shacabkiisuna cadowtinimadi lagu sameeyay isk iloobeen dalkoodana hagaajiyen waad ogtahay oo ehelusune waljameeca waxay ahaayen reer caabudwaaq oo idinka xoreeyay alshaydaan islamarkina waxa xil kudoontay reer guriceel mise ninka madaxdiisu lasafantahay qabiilkooda sida culusow iyo c/qasin ilaa kursiga ay tagaan sidii shiikh shariif xabad iyo jihaad kubaaqa majecli inaan qurun soofago waana kaxumahay inaan noocaga cid umaago lkn reer cadaado haday ku ceshan waayen waa khasab in casharo badan laguudhigidono ugu danbayntii aanku saxee raiisal,wasare saacid shirdoon waa anga kuwa gaarisa kayimidna waa anaga kuwa balad xaawo jooga iyo jigjiga iyo kashishayna waa anaga ee aan wax kuu sheege wanaaga waxaanu kuhelay xasadka baanaan aqoon xadaarad baanu kuhodanay

  17. Cadaado says:

    @Faisa, waa mahasantahay, abaayo, ma rabo in aan ku caayo. kkkkk.

  18. buunka xaaraantaa oo Garowe laga yeerinayo halaga daayo anagaa gorowe dawlad la ah waligeedna aan ka arag waxba marka gaarisa iyo jigjiga kismaayo waxaan leeyahay halaka daayo waxii xaqdaro ku heshiiya xaqa ayaa isku dira waxaanse la yaabahay dadkeenii aqoonyahanka sheegan jiray meeye wax soomaali usheega waxa lawado malawaayay oo dhaha waa qabyaalade hala joojo waxii laga helo ayaa la leeyahay waxaanse hubaa hassan sugaaye inuu meel uga soo bixi doona maanta waxaa war qabo nimanka sugayay aqoonsiga iyo dowladnimada oo la yiri khatarbaa ka jirta ayana intaas oo kale ayaa ku filan in la tilmaamo waxa meesha ka jira inaysan dowlad ahayd ayaa ku filan marka cagaha inoo dhiga wabilaahi towfiiq

  19. Cadaado says:

    ASC, dhamaan
    @Shaqsi Bintitland, kkkkk, waxaad meesha kusoo xar xariiqday waxa kaliya oon kugu raacsanahay waxeey tahay in Madaxweeynihii hore Cabdulaahi Yuusuf, Ilaaheey ha u naxariistee, uu markii eey reer Garoowe quraafaad iyo handadaad damceen in eey ku sameeyaan Prime Minister Geedi, in oday Cabdulaahi Yusuf isku dayay in uu ka gaabsado bullshit ka iyo handadaada eey ku haayeen tolkiis ra’iisal wasaarihii dowladiisa. Marka credit ka waxa kaliya uu ahaa in uu ka gaabsaday meesha eey kuwa kale sida Prime Minister Gaas iyo Cumar Abdirashiid, iyo Xasan Abshir eey la safteen dulmiga iyo wax badsiga handadaada ku jirta oo koox yar oo reer Garoowe ku haayeen xukuumadaha eey hogaaminayeen. Intaas baa waa raganimo. Waana yar yahay nin rag maahanee nin tolkiis ku diidi kara bullshit markii eey ula yimaadaan.

    Mida ah, in cashar la’ii dhigayo, adiga ayaa u baahan cashar ah waxa wadaniyad la dhaho in lagu baro, oo lagaa rabaa in aad baratid wax ka sareeya qabiilkaaga. Ilaali waxa naga dhaxeeya oo ah dalka naga wada bur bursan iyo soo celinta Dowladnimada. Ka daa, jilaafada iyo qiyaanada qarankaaada. Samir oo la shaqeey Prime Minister ka Abdi Faarah “Saacid” hadii uu yahay nin adinkaa sida aad dhahdayba. Kolay aniga waxuu ii yahay oday Somaliyeed oo madaxdeena ah Somali oo dhan.

  20. Ali Libaax says:

    Walaal BEEN BOODE magacaabaa waxaa tahay sheegaaya “BEEN BOODE”. Gurgurte mankuu Ugaandhayska iyo Burundiga iska xoreeyo ha hadlo!

  21. Mo Mo says:

    Somaalaaay. UF UF UF UF kuligeen, Illaahay miirka ha idiin soo celiyo. War maxaa ku jaban haduu Daarood tashto oo Hawiye, Dir, Digil iyo umadaha kalle ee sharafta leh ay taashtaan oo ay ku tashtaan wanaag iyo aan midowno oon wax qabsano. Soo taan la’ayn ma ahan 20kii sano.

    Tusaale:

    Xafladii caleema saarka South Sudan markii ay ka go’day Sudan ayaa waxaa iskugu yimiid wafuud ka kala socotay Kenya, Ethiopia, Uganda, Djibouti iyo Somalia/Somaliland. Kulligood waxaa horkacayay Soomaali inta aan ka ahayn Ethiopia oo laakiin wafuuda Ethiopia ay Soomaalidu ku jireen. Meles Zenawi ayaa markii cashadii la yimid wuxuu arkay Somaalidii oo kuligood Af Soomali wada hadlaysa oo sheekaysanaysa markaasuu yiri “Maantaan hubaa in aan waxaan u soo halgamaayay sodonka sano ay hal bacaad lagu lisay ay noqotay”

    Marka waxaan idin leeyahay.

    SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSOO ISKU TANAASULA, HADBA KIINA TAGA DOONOO ISKU DAN NOQDA.

    Waxaan kaloo idin leeyahay Soomaaliyeey ogaadaa indhaha cadawgiina iyo kaan caalamkaba Soomaali waa hal qabiil ee la yiraahdo Soomaali. Haddii Qabiil Soomaaliyeed maanta kaligiis dalka oo dhan gacanta loo galiyo uma babac dhigi karo huwanta rabta inay feenato magacaas Soomaali una malayn maayo in Qabiilkaas jiritaankiisa siisan karo dhowr maalmood oo uu ku damaashaado Soomaliya. Waaba haddaan awoodno anagoo isku duuban oo mid ah meel walba aan joogno inaan iska caabinn karno waxa nagu soo foolka le.

    Waa la idinka Mahadsanyahay

  22. ceyni says:

    faisa Darood wuu midooway huuno midaasi ku bishareyso , kii ka xumaado cuqdad allaha ka saro
    marna darood haduu midoowo xasidkii wuu ka baxayaa daqada , ciil buu la jiifaa haduu maqlo beesha weyn ee Darood aya heshiiyeen oo isku yimadeen waa guul illah u keenay allaha u sii ziyaadiyo aamiin
    kii ciil qabaa dhulka gal , aduunka waa la heshiiya waana la dagalaa
    reer putland and reer cawudwaaq hal dhiig ayaa ka dhaxeeya dhiigooda aya leysku dhaqaaa waa walaalo mr saacid magacaasi dhan ayuu mesha u fadhiyaa , walaalaha waanu soo dhaweyneeynaa all meelkasttoo aad joogtaaan viva beelweynta drod

  23. gfasdg says:

    ODAYAAL MUNAAFAQNIMO ISUGU YIMID DHEH OO MAXAA KA GALAY KISMAAYO SOW MA OGA IN 6 GOBOL MAAMUL LOO SAMEYNAAYO..WAR DADKAAN WAXBA MA FAHMAAN OO ODAYADII AYAA SIDAAN U HADLAAYO MAXAAD U MALENI SHEYDAANKOODA..WAA YAAB MAGAALO AY QAX KU TAGEEN AYEY LEEYIHIIN MAAMUL AYAAN U SAMEYNEYNAA YAAB…WAXAASA KA SII DARAN KAN GAARISA KA YIMID OO NACASKA AH ISAGII BAA DHABARKA LAGA FULLAA MARKAAS AYUU KU LEEYAHAY WAXBAAN DHISAYAA DULI AAN WAXBA FAHMEYN BALAAYO KU QAADAY..ADIGII BAA GABDHAHAADII GAARISO LAGU KUFSANAYAA MARKAAS BAAD LEEDAHAY KISMAAYO AYAAN MAAUL U SAMEYNAA DAANYEER AAN CAQLI LAHAEYN…KENYAATIGA CARUURTA KA ILAASHO.DOQON YAHOOW.

  24. ciid yare says:

    1_ hadii ay mudoo baan jig jiga, gaarisa, jubaland , puntland ,hadii ay simaan saa maha mar wada dhigaan allaha sara qaadee wax ka sad roon lawaah wax ka sad roon lawaah , 2_ hadii ay jig jiga, gaarisa, puntland, iyo jubaland, ay simaan calanka qaataan saamaha mar wada dhigaan allaha sara qaadee wax ka sad roon lawaa waxa ka sadroon lawaah lawaah hadaa nahay somaali wayn ana guna duca iyo kal soonaa ugu sii daray naa ugu sii daray naa ugu sii daraynaa kkkkkkkkkk junbaland hanooolaato dhalateye ka naxow nafta waa kkkkkkkk guuuuul guuuuuuuuul puntland and jubaland

  25. ciid yare says:

    caadaado@ 1_ a is oran cidu kuma arkaysee aqala jeexo 2_ ha is oran cidu kuma arkay see afka buux so3_ ha is oran cidi kuma arkay see fadaraal ka dumi 4_ ha is oran cidi kuma arkaysee beesha naaxso 5_ ha is oran cidi kuma arkaysee dhul balaarso 6_ ha is oran cidi kuma arkaysee xaqa duud sii 7_ ana guna hadaa nahay somaali wayn ma hoyanayno ma har sanayno waan u dhimanay naa qaranka somaaliyeed hadaanu nahay somaali wayn balan teenu waa fadaraal mid nimo iyo wa da shaqayn iyo shaqayn

  26. somalinimo says:

    waa xaq in jubaland la tageero ninkii ka soo jorjeda ba xaqdaro wada

  27. cabdifitaax says:

    waa caloood ushaqeystayaal kenya ayaa lacagsiisey waxeyna kaxunyihiin aqoonsiga somaaliya

Leave a Reply