Istaakulayn bay laba gacmood tamar ku yeeshaan. W/Q Cabdiraxman Xaashi Jabiin
Istaakulay bay laba gacmood tamar ku yeeshaan
Cabdiraxman Xaashi Jabiin
jabiin_25@hotmail.com
Janaayo 05 2013
Marada uu kujiro horumarka dalkeenu waa in ay wada qabtaan dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshadeena.
Diinteenu waxay nagu boorisay in aan camalkeena oo dhan ka dhigno mid aan wada jir u qabano sida.
Salaada inaan jamaaco kutukano.
Xajka in aan wada xajino.
soonka inaan mar wadasoono iyo acmaasha kale ee farabadan ee diintu jamaacada ictimaaday.
Dadkeena Soomaaliyeed aad ayay ugu baahnayihiin maantay inay fahmaan arinkaas iyo ahmiyadda uu u leeyahay bulshadeena maantay si aan ugu guulaysano inaan sharafteenii iyo dawladdnimadeenii dib usooceshano.
Dhismaha dawladnimadii Soomaaliya ee muddada burbursanayd kuma imaan karto inaan iskaashano mooyee.
Urur ama jamaaco ama dawladd ama qof midna wax maqaban karo ilaa ay umadda inteeda kale ay caawiyaan.
Nabigeenu scw markii ay quraysh isku qabsatay in ay dhagaxa kacbada dhigaan oo ay asaga xukunka u dhiinteen waxuu kukunkii ku gooyay in aysan macquul ahayn in dhagaxa qolo kaliya qaado ee ay waajib tahay in lawada qaado oo ay qolo kasta dhinaceeda qabato maxaa yeelay faa.iidada dhagaxa in ladhiga qolo kaliya dan uma ahan ee ayaga oo dhan ayuu dan u yahay, sidee marka macquul ku tahay in qolo kaliya qaado.
Bal aan is waydiineee horumarka Soomaaliya soo umadda Soomaaliyeed oo dhan faa.iido uma ahan side ku dhacdaa in ay qolo ama jamaaco ama xarako ay gaar u sheegato in ay ayaga kaliya keenaan horumarka umadda.
Walaalayaal waa inaan wada fahanaah in ay waajib tahay in horumarka dalkeenu marada uu kujiro aan wada qabano.
Haddii daraf ka mid ah darafyada marada aan cid hayn waa dhib in laqaado taasna waa in horumarkii aan laheli karin.
Qofna waa inuusan ku fakarin in uu asaga kaligiis wax qaban karo waa in camalkeena oo dhan uu noqdaah jamaaci ama wadajir.
Sidaas darteed ayay Soomaalidu ku maahmaahdaa Gacmo wada jir ayay wax kugooyaan waana maahmaah sax ah.
Waxaa kale oo tix uu tiriyay arinkaas ku cabiray abwaan Cabdullaahi House waxuuna yiri
Istaakulayn bay labo gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxaa laqaadaah markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu kali taagan tahay tahar ma gayseene
Gabagabo
Gabagabadii waxaa u baahanahay inaan iskaashano si ay doontu noogu badbaado ilaahay waxaan ka baryayaah inuu dadkeena fahansiiyo inay ka wada shaqeeyaan horumarka dalkooda iyo in uu madaxdeena qaranka tuso mas.uuliyadda gaarka ah ee ka saaran dib u soocelintii dawladnimadeenii.
Cabdiraxman Xaashi Jabiin
================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM














waa mahiid sxb arintaas aad maqaalka kasoo qortay ilaahay waxaan kabaryaynaah inuu kuwa kuwaano qaato nagadhiigo adna waax mahadsantahay