Isusoo Bax Lagu Taageerayo Aqoonsiga Mareykanku Siiyey Dowlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Dhacay
Muqdisho(RBC Radio)Isusoo baxa lagu taageerayey aqoonsigii Mareykanku siiyey dowlada Soomaaliya 20 sano kadib ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal kamid ah dadweynaha ku dhaqandegmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ku miijinayaan sida ay ula dhacsanyihiin guusha taariikhiga ah ee ay Soomaaliya gaartay kadib mudo dheer oo dowlada Soomaaliya aan loola macaamili jirin sida dowlad rasmi ah, dadka isu soo baxay ayaa ku amaanay madaxda sare ee dowlada Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan sidii ay Soomaaliya usoo ceshan lahayd kaalintii ay caalamka kaga jirtay taasoo luntay kadib dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay sanadkii 1991.
Dadweynaha Isusoo baxay dhigayey ayaa markii danbe waxaa qudbad u jeediyey gudoomiyaha degmada Yaaqshid Muxudiin Xasan Jurus oo tilmaamay in waxyaabaha dadka Soo baxshay ay yihiin dowlad jacayl iyo wadinimo isagoona ku tilmaamay aqoonsiga uu mareykanku siiyey dowlada Soomaaliya guul weyn oo uu gaaray shacabka Soomaaliyeed isagoona dad weynaha ku dhaqan degmada uu gudoomiyaha kayahay ku tilmaamay iney yihiin shacab jecel nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.
Shacabkii isu soo baxa ka dhigay degmada Yaaqshid ayaa ku tilmaamay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya halyey qaran oo guul aan la ilaawi doonin usoo hooyey umada Soomaaliyeed xili ay si weyn ugu baahneed aqoonsiga beesha caalamka,waxayna tibaaxeen in Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay madaxweyne ka dhabeeyey ballan qaadyadii uu hore u sameeyey ee ahaa inuu is bedel dhab ah ka hirgalin doono gudaha Soomaaliya iyo wanaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka .
Dowlada Soomaaliya ayaa ku talaabsaneysa horumaro aan daah la saari karin kuwaas oo in badan oo shacabka Soomaaliyeed ah ay ku hanweynyihiin in lagu hilmaami doono waayihii dhibaatada badnaa ee ay soo mareen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, waxaana xiligan muuqanaya ifafaalo ku saabsan in Soomaaliya ay markale kusoo noqoto Soomaaliyadii la aqoon jiray.
RBC Radio













war dadkani waa ina ceebeenayaan, war sooomaaliya ma haddaa la aqoonsadey, arimaha qaarkood in laga gaaabsado weeye,,,…ceeeb,,,….
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk war yaa qosol raba alaylahe xaqiiqdii waa cadaatay waxay soo sawireen afar habrood oo fila somaaliya horteeda caanaha iyo qaadka ku gada oo uu xasan ehela wadaagaan aaway ragii aaway dhalin yaradii aaway aqoon yahankii wax garadkii siyaasiyiintii xub nihii dowlad ku sheega sida r\ wasaarihii g\ baarlamaanka wasiidarii aaway shacabkii muqdisho iyo ma suuliyiintii banaadir taa waxaa udaliil ah in uu qasaaray xasan ilaa hadana wax lagu soo dhawaynaayo oo banaan baxa kama dhicin dhamaan wadanka somaaliya iyo dibada markaan kareebo afar taan hab rood oo madoobaaday say utaag naayeen fila somaaliya horteeda kkkkkkkk aqoon siow xaal qaado kkkkkkkkkkkk
dibad bax maxaakeenay soomaalidaan diblomasiyad mayqaanaan , qaasatan dadkan soo abaabulay war waa idinku daadsantahee dibad bax waa khalade naga fariista