Jaho-wareer. W/Q Seynab Qorane


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Jaho-wareer
Seynab Qorane
sqorane@hotmail.com
Janaayo 04 2013

Tuulo haddaad damcdo ku taalla Soomaaliya inaad Iskool ay dhallaanka tuuladaas wax ku dhigtaan ama qol yar oo dumarka looga dhaliyo waa inaad ugu yaraan ogaysiisaa Dawladaha dariska ah iyo Dukaanka UN ka ugu furan Suuq gaynta Soomaaliya !!!

Ragga Soomaaliyeed ee la yiraahdo waa ”Siyaasiin” intay cid kasta oo aan shaqo kulahayn ka tala galiyaan ama ka dhagaystaan wixii laga yeeli lahaa Dalka Tuulooyinka loo kala xayn daabay shacabkana ka dhigaan mid aan hadlin ayay marka miidda laga dhamaysto ee la iska tuuro ku hadaaqaan Reer hebel , Gumaysi iyo Galbeed ayaa wax halaynaya .

Shicibka soomaaliyeed ma lahan Xildhibaano kuwa haatan xanbaarsan magaacaas ma jiro Mudane ama Marwo maanta oran karta dadkaan matalo waa ka war hayaa baahidoodana way iisheegeen waxaana u taaganhay xalinteeda , meel ay ku tirsan yihiin waxaa ka jirto Liiska UNDP oo mushaarkooda meel u saartay muraadna ka leh.

Wasiirada war iyo waraaqo ayay maraysaa shaqadooda marka laga reebo tan maaliyadda oo gurta Canshuur aan la iigu badalayn nabad galyo, Tacliin iyo wixii aan xaq ugu leeyahay dawlad markaan canshuur bixiye ahay , arimaha dibadda war wareeg ayaan ilaa haatan aragnaa , wax sooraarka cid hadal haysa ma muuqato , tacliinta iyo dhallaanka waxaan wali taaganahay adduunka waa inuu wax nala qabto ama na caawiyo sidii anagoo wax horay ugu dhiibanay .

War-faafintu warka ”Madaxda” Dawladda iyo raaciyayaasha moogi ma hayaan dhiiri galinta dhinac yada bulshada dhalintuba ha u badnaatee , dhank DIintana wadaad isu marinaya moogiye Buuniyaashii Soomaliyeed ee Cilmiga Islaamka kama soo Baxaan, waxtar keedu kama badna madax dhooftay iyo kuwa soo dagay iyo dananka muusikada iyo qaar kaloon dan noogu jirin .

Idaacadaha darsinada ah ee xamar ilaa xaafuun waran waxay kobcinayaan akhrin la’aanta jaahilnimo iyo muran afka laga shubo , intooda badana waxaa ku socdo tuubo dal kale ka imaanaysa oo doolaraad laga listo , marka qof kasta Raadiye FM ah dhagta saarto ee maalin iyo habayn lagu shubo sheekooyinka qalbiga aadanaha wax yeelleeya wuxuu qofku qabatimayaa wax yeellaynta oo wuxuu aaminayaa inay tahay qayb nolosha ka mid ah .

Markuu ilaahay Bilaabay soo dajinta Diinteenna Islaamka waxaa Suubanaha looga Bilaabay Akhri , lama oran Tuko , sadaqo iyo sako bixi , Soon iyo Salaad lama farin waxaa la faray inuu akhriyo waa jidka aqoonta ee looga xuub siibto jahliga iyo aqoon xumada , xiligii ka horeeyay Islaamka lama oran casrigii dhagax (sanam) caabudka , waayadii qabyaaladda , waxaa lagu suntay Casrigii Jaahiliga (aqoon la’aanta )

Waxaa maanta marag ma doonta ah in shicibka soomaaliyeed uu hayo cudurka Jahliga , dhawrka aan aqoonta bidnayna Af-qalaad unbay barteen iyo aragtiyo Odayaal jiritaanka Ilaahay muran galiyay Suubanahana Inkiray oo diiday Jidkiisii, inkastoo ay arag soomaali leeyihiin hadana dhaqankii suubanaa waa ka awaareeyeen oo waxay daba rucleeyeen Aflaton , Orosto iyo Roso.

Jaha-wareerka jira jahligaa u sabab ah , jaahilka aan aqoon yahanka moodnay ayaa jidkii na waydaariyay , Alloow jidkii Nabi na qaadsii aamiin.

W/Q Seynab Qorane.

================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

5 Responses for “Jaho-wareer. W/Q Seynab Qorane”

  1. Adam says:

    Seynab, waad mahadsantahay walaal, waxaana filayaa in badan in eey ku baraarugu doonaan in jaha-wareer jiro. Talooyinka oo aan badinnaa, iyo aqoonyaha caafimaad qabo oo lala tashadaa ayaan ku talinayaa. Ileen aqoonu hadaaneey ku jirin ruux wadani ah, waxba qiima ah agteena kama jogto. Imisaan aqoonyahan moodnay oo aan ku aragnay fagaaraha qabyaaladda iyo bobka hantida qaran iyo tan danyarta logu talo galay. Allow noo badi inta kula midka ah Seeynabeey. Aamiin.

  2. FIRIRRIQ says:

    -Seynab Qorane—Mahadsanid,Afkaaga caano mac ha u waayin walaashey macaanto.
    Wax badan oo aad loogu baahnaa ayaa Daah weyn ka fayday.Aniguna qof ahaan qormaadaan aad kusoo fara yareysatey aad oo weyn ayaan ayey ii deeqday,faaqidaada ummad-bulsho,dhaqaan-dhaqaale,Af-suuganeed in wax lagu qoraahi aad ayaan Muhiimad weyn u siiyaa,una xiiseeyaa runtii waadna kaaga mahad celinayaa waliba sidoo kalena waa kuugu dhiira gelinayaa inaadan ka daalin qalin-qoraaleed kaaga sidaa aadan ugu ekeysiinin qaar badan oo gacmaha wax ku xarxariiqa iskuna sheega inay yihiin Qorayaal.

  3. Mahdi says:

    Mahadsanid Saynab Qorane. Waxa aad sheegayso dadkeenoo dhan way kula qabaan inta qafilan ee isu qaba inay wax ogyihiin ma ahee.

    Farkastoo aan qaadayno waxaan ka sugnaa ajnabigu inay noo tilmaamaan. Waxa ayagu qiimeeyaan unbaan anaguna qiimeynaa. Iskeen uma fikirno waxaana naga dhumay hal abuurkii aynu lahaan jirnay.

    Waxaan kugula talinayaa ha ka daalin in aad qorto wax kasta oo aad ku baraarujin kartid unugyadeena maskexeed ee kala qalalay. Mahadsanid.

  4. Afdhub says:

    Ma moodayn dad muwaadiniin in la heli karo. Dadka maanta joogaa waxay ku shaqeeyaan. Wax sama fal layiraadaa ma jiraan. Saynab Adeer gabar fiican baa tahay. Dadka Meesha jooga ee maxda ah waa dad cidle u taliso ee gaagaabso oo aamus yaan gaadh lagaa qabane. !!!!!!!!!!!

  5. cajaaib says:

    Well said Saynab!

Leave a Reply