Jen Bariise oo Qiray in 11 Kiis oo Kufsi ah Ay Ka Dheceen Muqdisho Iyo Dawlada oo Qixineysa Barakacayaasha


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Jen. C/laahi Xasan Bariise oo ah madaxa dembibaarista booliska iyo afhayeenka ciidamada booliska ayaa markii ugu horeysay qiray inay jirraan illaa 11 fal oo kufsi ah oo loo geystay dumar kala duwan gudaha magaalada Muqdisho dhowaanahan.

Jen Bariise oo u waramay idaacadda afka dawlada ku waranta ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan kiisaskaasi oo uu sheegay inay diiwaangeliyeen, inkastoo uusan cadeyn wax ay ka qabteen illaa hadda maadaama ay booliska ceeb ku tahay in dhibanayaal u soo dacwooday ay wax u qaban waayeen.

“Illaa hadda waxaa jira kiisas kala duwan laakiin waxaana annagu diiwaangelinay waa illaa 11 kiis.”ayuu yiri Jen Bariise oo sheegay in dhacdooyinkan kufsiga ay ku badan yihiin xeryaha dadka barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Muqdisho sababtuna ay tahay in kooxaha hubeysan oo xitaa ay ku jiraan askarta dawlada ay habeenkii galaan xeryaha barakacayaasha oo aan lahayn aqallo wanaagsan oo cadawga looga gaban karo.

Dhanka kale maxkamada sare ee ciidamada ayaa ku dhawaaqday in deg deg ay u fulin doonto xukunno ka dhan dhammaan askarta dawlada ee ku eedeysan falalka kufsiga haweenka kuwaasoo aan la sheegin tiradooda iyo halka ay dembiyadaasi ka geysteen.

Waa markii ugu horreysay oo saraakiisha boolisku qiraan in kiisas kufsi dumar loo geystay ay ka jirraan magaalada Muqdisho, waxaanaqiraalkoodu uu ku soo beegmayaa iyadoo boolisku ay xabsiga dhigeen labo haween ah oo dhowaan saxaafada uga cawday dhibaatooyin ka soo gaaray kufsi loo geystay iyo wariyaal lagu eedeeyay inay ka warameen dhacdooyinkaasi xannuunka badan.

Barakacayaasha oo la qixinayo!

Dawlada Soomaaliya iyo hay’adaheeda amaanka ayaa ka dib markii ay ku guuldaresteen badbaadinta barakacayaasha soo miciin-biday caasimada ayaa hadda ku dhawaaqaday inay dadka barakacayaasha dib ugu celineyso deegaanadii ay ka yimaadeen, haddii ay awoodi weysana ay geyn doonto xeryo magaalada bannaankeeda ah taasoo ka sii khatar badan nolosha ay hadda ku jirraan barakacayaasha.

Khamiistii ayay booliska CID ee uu hogaanka u yahay Jen Bariise waxay xireen saddex wariye oo ka shaqeeya warbaahinta gudaha iyo kuwa dibadda kuwaasoo loo heysto inay warar ka soo qaadeen dumarka la kufsadey, inkastoo dawlada aysan hore u mamnuucin wareysiyada dumarka la kufsaday.  Waxay kaloo boolisku xireen illaa haddana xabsi ku hayaan labo dumar ah oo dhibanayaal kufsi ah kuwaasoo aan la igeyn ujeedada dhabta ah ee dawladu u heysato!!.

Xariga wariyaashaasi ayaa yimid ka dib markii bogga telefishanka Al Jazeera English lagu soo bandhigay warbixin ka hgadleysa kufsi xuduudaha dhaafay oo askarta dawlada ay ka geystaan xeryaha barakacayaasha Muqdisho.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share

3 Responses for “Jen Bariise oo Qiray in 11 Kiis oo Kufsi ah Ay Ka Dheceen Muqdisho Iyo Dawlada oo Qixineysa Barakacayaasha”

  1. cabdiwali says:

    orda meesha isaga taga haddii gabdhihii yar yaree maalin walba hortiina lugu kufsanayo waliba ay kufsanayaa askartii dowlada. Xasanow maxaad beenta nuugu sheegtay oo noo tiri askarigii kufsi gaysta waa Dil-?———————– waliba dowladu waxay leedahay miyaa yaan la sheegin dumarka la kufsaday waa wax fool xun. u beeneeya meesha kuwa hada aad leedihiin waa cadow lama kufsan jirin dumarka marka waxaan dhihi raggaas caaddada ka dhigtay in fara xumeeyaan dumarka xanuujiya hadii kale baneeya meesha

  2. [...] ay maanta ku wareysatay dhibanayaasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxa dembibaarista booliska Jen C/laahi Xasan Bariise ahna afhayeenka booliska, waxaana jirtay in hore ay boolisku u gudbiyeen wabixino sheegaya in [...]

  3. [...] ay maanta ku wareysatay dhibanayaasha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxa dembibaarista booliska Jen C/laahi Xasan Bariise ahna afhayeenka booliska, waxaana jirtay in hore ay boolisku u gudbiyeen wabixino sheegaya in [...]

Leave a Reply