Jen Cadde Muuse oo Gaakacyo Gaarey Kana Hadlay Xaalada Puntland


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC) Madaxweynihii hore Puntland Jen Cadde Muuse Xersi oo beryahan ku sugnaa magaalada Qardho ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoo si weyn loogu soo dhoweeyay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Jen Cadde Muuse Xersi oo ka soo ambabaxay magaalada Garowe oo uu xalay ku hoyday ayaa waxaa dadweyne, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka waxay uga hortageen halka lagu magacaabo Balli Abaar oo ah duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga Jen Cadde ayaa markii magaalada ay gaareen waxay toos u abaareen hotelka Sugulle oo ay ka degeen magaalada, waxaana madaxweynihii hore Puntland Cadde Muuse uu si kooban ula hadlay wariyaashii hotelka ugu tagay.

“Aniga waxaan maanta imid Gaalkacyo waxaana u imid badbaadinta Puntland.” ayuu yiri.

“Waxan is arkeynaa odayaasha, maamulka, mucaaradka iyo waxgaradka nabada jecel ee Gaalkacyo.” ayuu sii raaciyey.

Wuxuu sheegay in ayaamo joogi doono magaalada Gaalkacyo uuna wadayo kulamo uu ugu yeeray “wadatashi”.

Warar ay heshay Raxanreeb ayaa sheegaya in Jen Cadde uu la kulmi doono nabadoonada iyo isimada gobolka Mudug, sidoo kalena uu la kulmi doono siyaasiga C/raxmaan Gablax oo ah musharax madaxweyne aadna u diidan waqti kororsiga xukuumadda Faroole.

Jen Cadde ayaa bishii la soo dhaafay ka soo laabtay wadanka Imaaraadka Carabta isagoo magaalada Boosaaso kula kulmay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo hadda waqtigiisu dhamaadka yahay iyo waxgarad reer Bari ah kuwaasoo ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee aadka u kacsan ee ka jirta Puntland.

Sidoo kale Jen Cadde Muuse ayaa magaalada Qardho kulamo kula yeeshay xubno mucaarad ah oo uu ka mid yahay Jen C/laahi Siciid Samatar oo ah musharrax madaxweyne, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen.

Socdaalada Jen Cadde Muuse iyo kulamada uu ka wado gobollada kala duwan Puntland ayaa imaanaya xilli xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan waqti kororsiga madaxweyne Faroole ay sii cakirmeen isla markaana in ka yar shan maalmood oo kaliya ay ka dhiman yihiin mudada mucaaradku sheegeen in waqtiga madaxweynuhu ku eg yahay, taasoo Faroole uusan u muuqanin nin aqbalsan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share

16 Responses for “Jen Cadde Muuse oo Gaakacyo Gaarey Kana Hadlay Xaalada Puntland”

  1. Laag bari says:

    Guuul ayan ku rajaynaya boqor

  2. Darwiish says:

    Qaswade faroole Maalin yuusan ku darsan , iimaanlaawaha afwaliinje ,

  3. puntlander says:

    cada muuse waxaad tahay nin wayn oo masuula umadu adigay ku fiirsanaysaa sada, danaha puntland aad uga shaqaysid inaada nina udanayn ee aad umada u danaysid sharciga iyo nadaamku saday yihiin aad wax ku qabatid hadii kale ku ishaysta baan ku daraynaa taas waa inaad ogaataa.

  4. faysal osman says:

    Asalama caleykum dhamaan reer puntland walaahi anigu waxaan qabaa in mar hadii cade muuse iyo odayaal meesha soogaleen iney rajadu fiican tahay faroole iyo is mutuxintiisiina xal loo helayo meeshaan shaxabka puntland baa dhistey iyagaana taladu ka godaa jidkey rabaana maaha dad ka indho la waa dad xadaaradoodu fogtahay oo waaya arag ah ficilkey sameynayaana og faaiidada uu keenayo shacabka punland runtii waa dad horusocod ah marka anigu waxaan kulatalinayaa raaca hogaamiyaha dantiina wada kan asagu dantiisa watana diida isbadaldoona ahaada geeskan Afrika oo deganihiina si fiican oo car car leh uga soo muuqda qadaafina alaha u nxariisto saasaan uga baxay wabilaahi towfiiq

  5. wanaag says:

    noolow cade waa inaad ka hordhaqaajesaa afwiliinjo dadka waxaan ku rajaynaya guul boqor

  6. Jamac says:

    Dhibkaan. Waxaa. Kawakiila. Odoyaashii. Dasturka putland ansixiyay oo aan cadayn 5sano madawlada faroole. Ayaa ku shaqayn. Mise. Dawlada ku xigta, kolayba ninkii xilka sharaf ku warejiya sida cade muse ayuu dadkiisa sharaf ku Dhex yeelan .

  7. garowe says:

    boqor soo dhawoow oo shacabkaaga iyo dawladaba amar sii oo lahadal waa la hubaa inaad kalagoynayside oo aan waxba kaa xumaanaynine shacabkaaguna waa kuu diyaar inay amar diido kii kugu keena gacanta kula saarayaan mucaarad iyo muxaafidba

  8. Libaax-Libaax DHalay says:

    Ajax, waa micno ma leh! nin la garan waayay ma aha, waa naqaan “Adeer Cadde weeye” shiraan khabanaayaa Nooo! Oday aan iska dhigaayaa Nooo! kuwaan oo Galkacyo jooga aan xoogaa iskala soo baashaalaayaa Nooo! Saaxiibaday aa Gaalkacyo deggen Nooo! laakiin ani Biiq ay ii khabaan Nooo, marka waxaa rabaa inii oon bakhayn inii oo tuso Nooo!

    Ani Gen.Cadde aan ahay, Kulmistii oo ugu horaysay aan ku jiray, ma cabsahaayi, yeekhayow shib iska dheh, waxaa la mucaaradaa ay makhleen marka shiid tuurow ay bilaabeen ma kasinoo, marka ani magac iniin ka tago aan rabaa Nooo! markii aan madaxweynaha ahaay AJAKIS ay ii bixiyeen Nooo! marka hadda sumacaddayda aan rabaa inii aan kor u soo khaado,ma kasinoo Abbaa! See waaye adiga Geel maxaas indho kuul ka kasaa geedaas ku rugahaayee!…Abbaabah maanyadaan isku arkaynaahee…

  9. halgamaa says:

    cadde muuse waxa uu u socdaa sida uu u joojin laha shir dhaqameedka ka socda galdogob ee looga hadlayo aaya katalinta gobolka mudug iyo masiirkiisaba

  10. Abshir says:

    Madaxweyne Cadde dadka soo dhawaynaya way wada qoslayaan oo waxaad moodaa in aad loogu faraxsan yahay aragiisa.

  11. somali says:

    cade muse igaa laga yaabaa in uu dhib iyo qax ka dhex wadoh dad reer puntland. mar uu gaas iyo isaga shir ku wada qabteen bubay, cade wuxu ku andacooday in dawlada puntland hal sano ku darsatay. dawalda puntland hal sano kuma darsan, laakiin hal sano waa mid ku qoran tastuurka. waayo tastuurka puntland baa wuxuu qorayaa dawlada waa 5 sanso marka tastuurka labaasiyoh. hada lafteeda cade waxa u mucaaradka, ka wadahalyaan lamayaan welina macada.

  12. jilbis says:

    Hadoo odey jira yahay halka sano ha ku taageero madaxweynaha endorsement ha usameeyo xisbiga Midnimo ee Dr. Saadaq Eenow, anigo markaa Baan Oran waa odey caaqila generalka.

    Reer mudug waa ineysan sabab u noqon qas iyo bur bur ku dhaca Puntlandtayada ee ha u tanazulaan Allah qabeyga Hal sano.

  13. Dal-jir says:

    Cade muse waxuu wadaa waano iyo talo waa nin horay u soo jabay cidi waa nadiisa diida faraha ayuu ka qaadayaa waxan dhagaystay nin oday ah oo la hadlaya Genanal cali Mahdi(cabdullahi sacid)oo oranaya cabdullahiow shalay markii aad abdullahi yusuf la rabay in lala dagalamo ragii abaabulayay ayaad ahay markii xabadu dhacdayna italiya ayaad u carartay marka hada waa tii oo kale ayad rabta ee meel jog marka dadka tas okson oo daba ordaya soo kama sii liitan .

    h

  14. eyl, puntland, somalia says:

    cade wuxuu rabaa in marlabaad reer qardhoh somaliland u qaxaan. cade mawadoh nabad wuxuu wadaa colaad. ciidamada puntland waa diyaar in ay ka difaacaan wadanka cadowga shisheeyi iyo midka sokeeye.

  15. Hamda says:

    Cadde salaan sare waxaad tahay nin puntland sharaf ku yimi sharafna kaga tagay maahid nin dan shaqsiya eegta maantana puntland waxay u baahantahay badbaado badan maaha mid cadde ama shaqsi kaliya looga seexan karo inkastoo cadde yahay nin oday ah yahay haddana waxaan ku baraajunayaa isimada iyo wax garadka puntland inay dhinac istaagaan dadaalka uu wado Cadde si looga bad baado dhiig daata iyo Cadawgenna oo lagu maadsada

  16. somali says:

    Cade Muuse markuu joogay ayaaba xabad faroole uga dajiyey ee iminka oo uu dibada ka joogo maamulka muxuu xalinta qilaaafaadka taagan ka qaban karaa?Faroole iyo kooxdiisa burcad xaniinyo jugeysatay dheh,cid ey u joojinayaan ma jirto cid wax ka bedeli kartaana ma jirto rabitaankooda waqti kororsiga wax garadka kale ee puntland ku nool faroole iyo kooxdiisu waxey ka dhigeen mid ey xiraan iyo mid ka carara sidaas darteed waayo cida ka horjoogsan karta inuu kororsado mudadiii uu doono`? Anigu waxaan qabaa ciidamda oo kaliya ayaa ka horjogsan kara iyaguna ilaa hada midaa lagama hayo oo wey la safan yihiin.

Leave a Reply