Joojinta Isticmaalka Bacaha iyo Caagaga oo aan deegaanada Puntland ka dhaqangelin.


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Garoowe (RBC Radio) Kadib markii Gunaanadkii sanadkii aynu soo gudubnay Puntland ay ku dhawaaqday  lagabilaabo Sanada Cusub 1da January cidii lagu arko iyadoo isticmaalaysa bac ama Caag Ganaax iyo Ciqaab laysugu dari doono  iyadoo Madaxweynaha Puntland Dr Faroole  uu amarkaasi bixiyay ayaan muuqan wax ifafaalo ah oo ka hirgalay qorshahaasi Bishuna ay sii marayso 4  iyadoo isticmaalka Bacaha uu si xawli ah wali uga socdo deegaanada Puntland.

 

Wasaarada Deegaanka Daaqa Dalxiiska iyo Duurjoogta Puntland (DDDD) ayaa Sanadkii lasoo dhaafay Gunaanadkiisa  bilowday Kulamo wacyigelino oo dhamaan deegaanada Puntland ay ka fulisay kaasi oo looga hadlayay xaalufka deegaanka iyo ladagaalanka bacaha hase ahaatee wali ma muuqdaan wax miro dhal ah oo ka dhashay kulamadaasi marka la eego sida wali loo isticmaalayo Bacda oo la sheegay in ay Qatar daran ku tahay Dadka iyo Deegaankaba.

 

 

Goobaha ugu Culus oo dadku ay farta ku fiiqayaan in laga joojin karo Bacda ayeey ku sheegeen halka marka hore laga  soo gesho sida Dakada Garoonka Diyaaradaha, koontaroolada, sidookalena hawlgal midaysan inta lagu qaado in lasoo saaro dhamaan goobaha ay ka taalo gudaha Magaalooyinka  kadibna si wada jir ah loo gubo taasi ayeey waxgaradku ku tilmaameen in ay tahay dawada kaliya ee lagula dagaalami karo Bacaha iyo Caagagaba laguna bedelo dhiilihii la isticmaali jiray  sida uu Dhaqanku ahaan jiray.

 

.

 

RBC RADIO

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Joojinta Isticmaalka Bacaha iyo Caagaga oo aan deegaanada Puntland ka dhaqangelin.”

  1. xog ogaal says:

    aad ayaan usoo dhaweyneynee joojinta bacaha iyo caagaga kiimikada lagu shubi jireyn ee dadkeenu uu biyaha iyo caanaha kushubtaan waa in loo soo laabtaa weelkii hidaha iyo dhaqanka ahaa ,sida dhiilaha & haamaha . hadii kalana qalabka nadiifka ah sida jooga , baaquliyada , kiishka , iyo weelka caafimaadka qaba , ee ku haboon in wax lagu cuno ,

Leave a Reply