Kun Askari Oo Kamid Noqon Doona Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Tababar Looga Furay Beledweyne


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Beledweyne(RBC Radio) Maleyshiyaad beeleed laga aruuriyey magaalada Beledweyne iyo duleedkeeda ayaa maanta magaaladaas tababar looga furay si ay uga mid noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya tabarka oo ay bixinayaan ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee Amisom  ayaa saaka looga furay xerada gaaska Shanaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Lama-galaay.

Munaaasabada daah furka tababarkaas ayaa waxaa kasoo qeybgalay madaxda dowlada Soomaaliya ee gobolka hiiraan,saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya,saraakiisha taliska Jabuuti iyo waxgaradka gobolka hiiraan oo dhamaantood si isku mid ah u sheegay ahmiyada ay leedahay in maleyshiyaadkan ka qeyb qaadan jiray amni darrada gobolka hiiraan ay guul tahay in loo furo  tababar nuucan ah si ay uga qeyb qaataan dadaalada dalka la doonayo in babad loogu soo dabaalo.

Ciidanka tababarka loo furay  oo ay tiradoodu gaareyso ilaa kun (1000 ) askari oo kamid noqon doona ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa  masuuliyiintii munasabada soo agaasimay aysan  ilaa hada sheegin waqtiga uu socon doono tababarka maanta loo furay maleyshiyaadkii qaab beeleedka u abaabulnaa kuwaas oo xiligan wixii ka danbeeya kamidnoqon doona  ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyey ciidamada Jabuuti dadaalada ay ku doonayaan iney ku dhisaan ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya oo laf dhabar u ah sugida aminga dalka Soomaaliya oo aan lahayn ciidan qaran tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii xukuumadii dhexe ee Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Kun Askari Oo Kamid Noqon Doona Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Tababar Looga Furay Beledweyne”

  1. Daljirka Dahson says:

    Jabuuti iyo waxgaradka gobolka hiiraan oo dhamaantood si isku mid ah u sheegay ahmiyada ay leedahay in maleyshiyaadkan ka qeyb qaadan jiray amni darrada gobolka hiiraan ay guul tahay in loo furo tababar nuucan ah si ay uga qeyb qaataan dadaalada dalka la doonayo in babad loogu soo dabaalo.

    Nabad darro maleshiyo abuuraysay waliba gobalkay kaso jeedeen in la dhaho ciidan qaran ayay noqonayaan o nabad bay sugayaan waa ayaan daro somali haysata. Waxay ahayd intan tabar lo furin in la dhaqan celiyo. Jabuuti waxay waddo xal ma noqonayaan e waxay rabta in dabkii baxayey ay basin kusi shubto.

  2. mxadiid says:

    waa cidamada loogutalagalay in jubbaland lagu weerarao.oo madaxwey,dhiil horay ula soogalay
    baydhabana kuwaa lagu tababarayaa bal aan ogaano meesha looqaadop .iyo sababta loo tabababaray
    waxaan lagagadhsiyay inta lagu mashaquulsanyahay maamulka jubbaland.

  3. Af-Aji says:

    Yaab iyo lama arag. Ma dhabaa mise waa dhalanteed. Jabuutida wax carbinaysa halkee ayey tababarka ka keenen. Eritaria ayaa ayaa ka haysta dhawr boqol oo askar ah. Oo iyadu may is difaacdo? War waxaan dhihilahaa south africa halaga soo kiraysto 4 nin oo calooshod u shaqaysta oo hala sii mushahar ilaa 10 000 $ bishi. Waxaan hubaa in aan loo bahnayn jabuuti, Burundi, ugaanda oo naftooda la liita.

  4. ilka jiir says:

    waa guul waa ciidan qaran oo dalka yeesho si looga maarmo ciidamada kenya

  5. dacad says:

    asc bacda salan somalida waa dad cadifad badan on aragti sas u dheer laheyn dowlad meeshi laga soo dhaweyo bey cidanka u tababareysa school ka fureysa wax kastana u qabaneysa dadka dowlad diidka ahoow hadhow ha qeylin dowlada la shaqe si ey kaga cawiso waxyabaha adan adiga qabsan karin

    lkn qofkii mucarad isku daya tankiga ugandheyska la kor marsiinaya

Leave a Reply