Maamul Goboleedyadda & Hantidii Dowladii Hore ee Xaniban. W/Q Khadiija Xassan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maamul Goboleedyadda & Hantidii Dowladii Hore ee Xaniban
Khadija Xassan
Zamzamlaska@hotmail.com
Janaayo 06 2012

Marka hore hadii aan kala qaado hantida qaranka oo aan ka bilaabo dhanka lacagta xaniban waa dhab waa la xanibay waagii dowladii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre ay dhacdey ayaa la xanibey waana ahayd waana wax aduunka ka dhaca, hadii aan saas layeelina maanta la iskuma soo gaareen oo waxa la boobayo ayey ka mid noqon laheyd waa wax lagu farxo in maanta ay dowladi jirto kuna doodi karta soo celintii hatidayada maqan waana soo celin karaan hadey xooga saaraan oo ay daba gal ku sameeyaan waayo hey’ad malaha lacagta ee Qaranka Soomaliyeed ayaa leh IMF bangi maaha lacagtana umeynaan dhiiban waxaan ku shubanney waa Bank sidaa darteed hadii aanu doonano waa lahelayaa umaleyn maayo in Bangigii Dhexe uu hayo tirada una maleyn maayo Wasiirka Maaliyada inuu ka war hayo balse cida og waa lagaran karaa waana laheli karaa hadii loo baahdo oo aniga nafteyda ayaa wax ka og iyo ilaa laba qof oo kale.

Weyga lagu heli karaa waxa weeye marka dowladu ay yara adkaato aminigana soo celiso nabad magaala madaxda lagu dhex mushaxayo caalamkuna arkaan wax qabadkooda wax badan baa markaa isbedeli kara waayo waa dowlad muuqata oo wax qabatey waa la aamini karaa balse hada weli kalsooni laguma qabo waayo madaxweynuhuba waxa uu jiraa 3bilod Raisal Wasaaruhuna waa laba bilood wasiiraduna kaba sii yar ciidamadiina weli mey qaban oo sheydaamadii baa jooga waxaan kula talin lahaa in ay iska sii dalbadaan marba cidii ay wax ka helayaan caalamka kaalmooyinka ay siiyaan ku sii hee shaqeeyaan markaa ayagii oo tii caalamka ku shaqeeyey lana arkey lacagtii loo dhiibey iney si dhaba ugu qabteen wixii loo siiyey ayaa tana lagu aamini doonaa waayo lacagta in yar mey xanibneen wixii loo xanibey waa in la helaa wax ka bedelan hadaan is iraahdo lacagtu ma hal Bank bey talaa jawaabtu waa maya Dalka Jabuuti Bank ayaa nooga furnaa mase hubo in xaniban tahay oo waxaa laga yabaa in beri horeba lagala baxay Cali Camaloow mar buu hayey inta hada aanu ahayn dowlad l’aanta iney ahayd wakhtigii c/llahi Yuusuf iyo iney ahayd wakhtigii C/qaasin baanana kala hubin balse isagaa lagala xiriiri doonaa, Mar aan la kulmey madaxweyne Sh Shariif isagoo qurbaha soo gaarey waan u sheegey meelaha ay wax naga yaalaan waxaan kaloo u sheegey in Bank Africa uu deyn nagu leeyahay balse markuu dal bur bur ku dhaco laga samaxo ee codsi u dirso baan ku iri taana waxaan mar meel ku arkey in laga aqbaley hadii kale waa nadaba taagnaan lahayd, waxa jirtey in aanu dalalaka aanu Banka ka furaneyno ay joogeen Safiiro waxaan maqley markii la soo qaxay in Safiiradii noo joogtey Gineva ay isku deydey in ay lacagtaas bixiso balse loo diidey balse waxaa jirtey mid ku jirtey acont ay aiyadu magaca Safiir ahaan ku furatey oo aad u badneyd taasna waa laga xanibey, dowlada waxaan leeyahay iska tartiibsada oo markaad gaadhaan dowlad buuxda oo wax kasta u dhameys tiran yihiin Cagihiina aad isku taagtaan baadi gooba idinkoo Shirkado wax lacag ah u balan qaadin afkiina ula baxa, IMF iyadana waxaad u sheegtaan iney amaahdaa ku lahayd dowladii dhacdey.

MARAAKIIBTA

Maraakiibta waa tii Shifto waxaa iska heystey MUnye oo ku ganacsan jirey waxaa igi maqaala ah in uu deyn badan galey sidaana lagu heysto hadii lacagtii dadkii la siiyana ay bixinayaan, iyadana dowlada waxaan oron lahaa kala xisaabtama dowlada Yaman si ay xoolihii u soo ceshaan, Munye maraakiibta soomali ugumuu shaqeyneyn ee isagaa ku shaqeysanayey ee waa in ay deytooda ka qaataan isaga wuxuu joogaa dalka UK maaha in dowlada lagu yiraahdo bixiya oo madax furasho loo heysto Maraakiibteena taasi waa midaa Maraakiibta, Diyaarada diyaaradaha kuwii ciidamada waxay yaalaan Gegida diyaaradaha Meleteriga ee dalka Kenya waa in aad weydiisataan hadeba furfuran, Diyaaradeenii Deeqa awalba waxaa nasiisey dowlada Jarmalka oo abaalgud noo siisey hada Heshiis la sameeya oo diyaarad kale hana siiso tii hore laba fur furaye xirii fiican oo wada shaqeyn hadaad la sameysaan waa laga helayaa wax kastoo aad uga baahataan dowladii horeba xiriir fiican baa ka dhaxeeyey ee isku daya inaad la sameysataan.

TAN MAAMUL GOBOLEEDA

Umaleyn maayo in wakhtigan ay jireyso wax berya dhaxdaasa jirey oo wixii Xamar ka dhacayaba Maamul Goboleedku oran jirey waxba la ilama socodsiin dowladu hada waa Fderal dowlada dhexe weeye waana dowladii Umada soomaliyeed ka dhexeysey wixii Maamulada la siinayo waa wax Bangiga dowlada ka soo baxa Wasaarada Maaliyada ay soo gudbiso waxaan soo gudbinteeda leh Wasiirka Arrimaha Gudaha cid kaloo ku shaqo leh majiraan, Maamulada yagaaba laga rabaa wixii soo gala in lagula xisaabtamo dakhliga soo galaa waa inuu noqdaa mid la ogyahay, waa in loo diraa Xisaabiye la socda Canshuurta ay qaadaan Dalkhliga soo gala saas ayaa loola shaqeynayaa waa iney sameyeen canshuuraha Bariga iyo Kan Badaba saas ayaa dowlad lagu noqon karaa ee is barbaryaac wax laguma noqdo ma dhici karto horeyna uma dhicin Maamul Goboleed lagala tashanayo ama inuu raaco wasiiro shir u socda wax dhici kara maaha ee isagaa laga rabaa inuu banaanka soo dhigo wax kasta oo uu sameynayo kharash hadii loo dhiibo waxa uu ku qabanayo taas ayaa dowlad lagu noqdaa, waxaan anigu ka hadlayaa waa habkii dowlad lagu yaqiin sida hada aan arkayana Ififaalo Dowladeed baa meesha iiga muuqda markaan eegay sida Barlamaanku u shaqeynayo kuwii wixii siyaad barre ka danbeyey Barlamaan nama soo marin balse hada markan arkey sida ay Miisaaniya uga doodayeen celinta ay cesheen Gudoomiyaha oo ay u sheegeen wakhtiga uu kursiga ku fadhiyi karo waa guul baa la oran karaawaa shaqo fiican oo indha shacabka soo jiidanay, sharciga ayaa shaqeynaya waana mid aan sugeyney in badan

 

Wabillahi Towfiiq

================================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH GABAY, MAANSO MAQAAL, SHEEKOOYIN GAA-GAABAN AMA WAXKALEBA U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags: ,

6 Responses for “Maamul Goboleedyadda & Hantidii Dowladii Hore ee Xaniban. W/Q Khadiija Xassan”

  1. Hanad says:

    khaadiijooy naag baat tahay, sida aat wax u aamintidna aad iyo aad buu alle kugu bey kugu fududeeyey, waatna ku amaanantahay, lkn isku day inaat ookiyaalaha aan wax ku fiirino aat halmar ku fiirisio, arimaha aanan u aamini karin qodobka koowaad, xasan xoolo waa nin mooryaan ah, ilaa iyo hadda hantidii shacabka soomaaliyeet xaq darada lagu ku haysto dadkiisa kalama uusan hadlin, oo gogo dibu heshiisiin ma fidin, tan labaad iyo sadaxaad iyo afaraad ilaa iyo tobnaad maxaan isla gaarnaa tii ugu horeysey buuba ku dhiiqadey, sidaa aawadeed, taladaadu macquul ma’aha, waatna mahadsantahay,,,,…

  2. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin, walaal, Khadija, aad baad ugu mahadsantahay talooyinka eey wadaninimada ka muuqdaan ee aad si free ah ku siiyay dowladihii hore iyo waliba midan hada jirta. Aad baad markale u mahadsantahay. Dadka wadanka laga filayo in eey bad baadiyaan, wax uun inteey doonta ha la ekaataa waa adiga oo kale. Insha’allah, waxaan rajeeynayaa in aad si toos ah talooyinkaan iyo kuwa kaleba aad Dowlada u siisi.Viva Somalia.

  3. Libaax-libaax DHalay says:

    Kahadiija Haddee waad sheekaysay, wuxuu yiri “War Ninka Qonof” markaasuu yiri “adeer waad inoo wada sheegtay” anigaa hadda kuu sheegayee lacagtaas waligeed la arki maayo, tan kale Xasan-Qoslaaye muxuu Muunye kaga duwanyahay annagaad labao tuug midna noo ammaanaysaa midna inoo caayeysaa, sida ii muuqatana Xasan-Qoslaaye iyo adigu waxaad shirko ku tihiin wixii uu magaca dowladda ku soo dhaco, mar dambana sidaa ha inoo la hadlin .

    Gabadhii Geneva joogtay lacagta laga xannibay annaga ogeyn waxay ahayd private propert iyadaana iska lahayd waxaanse halkaas ka ogaanayaa inaad qurun iyo qabiil kaa buuxo oo wixii ay gabadhaas lahayd baad ka dhigaysaa hanti-qaran, maartaad dhoofiseen, warhadaha aad gadateen oo tiirasaasta samaynaysay ay ku jirto oo adeerkaa Gen.caydiid uu ku gatay Ville-reerku u daganyihiin ee ku taala Kampala, guryahaad qaarna fiiqateen, kuwa aad wali haysataan, waxaas oo dhan hanti qaran uma taqaanid waxaad hanti qaran adiga iyo Xasan-qoslaaye u taqaanaan waxa qof kale leeyahay waase haddii laydinka yeelo…haweenkii baa sidaas dadka ula hadlaya maxaad u malaynaysaa mooryaantii Xaad iyo Axmed Diiriye?!

    Soomaalida waxaan leeyahay waxaan waa inay dacwooyin ka qoraan, ma aha xoolahan didaaya ee bahaloobay, ee aan caqli kaa celinayn, oo aan kaa xishoonayn waa in laga hor joogsadaa hantidan ay islaantaan ka talinayso sidii loo dhici lahaa, waxayba ku leedahay dad fiican iska dhiga, xoogaag laydin dhiibo ha xadina si xoolaha badan laydinku dhiibo! waxaa loo baahanyahay in Bank-yada ay sheegtay dacwo loo qoro, in dalalka ay sheegtay intaysan wafdi ku aadinhadda wafdi lagu aado oo la yiraahdo hantida aad haysaan waa idinku ammaano Tuugadan iyo NGO-yada yaacaya ha inooga dhiibin, waxaaba la gaaray in annagoo sootaagan media-ha laysu mariyo sidii hatideenna loo xadi lahaa ama loo dhici lahaa, war wixii dhiig lahoow ka kaca meesha.

    Xishhood daro weynaa bal waxay ku hadlayso, ku lahaa tie soo xirta reer galbeedka ha idin aaminaanee, surwwaalka gaabsada, koofiyadna Soomaalida ha idin moodo inaad culumo ehlu diin ah aad tihiin, waxay ku leedahay canshuuraha ha laga ururiyo maamul goboleeddada, 23sano deeqihii dalka Xamar baa lagu gurayay yaa wax laga siiyay? gabadha, waa adiga, innaga xishoo dowlad meesha ma joogto, innagana ha ina caayin oo ha innaga dhigin dad aan waxba garanayn.

  4. Mohamed A. says:

    Hantida Qaranka iyo tan Shacabka laga bililiqeystey waa la wada ogsoon yahay cidda qaadatey , halka ay la tageen oo taalla, waxeyna u baahan tahay Madax ka nadiif ah Xatooyadaas, caadil ah , islamarkaasna Beelahooda aysan ka xishooneynin.

    Haddii Hantidaas laga do ono dad gaar ah, kuwo kalena loo daayo, taas marnaba laguma heshiin doono, waa in la baaraa kuwii Safaaradaha iibsadey, Somali Airlines iibsadey, kuwii Hantida Qaranka from Guri , lacag ilaa Fiilooyinka Korontada baxsadey, Warshadihii Dalka lahaa fur furtey, Isbitaalada qalabkii yiiley gatey , kuwaas oo dhan waa in Maxkamad la soo taagaa, haddii kale Beelaha Somaliyed isma aamini doonaan weligood.

  5. ascww.marka hore salaan guud .marka xiga khadiido waxaan leeyahay qasley qooraale kaacarar.
    waa yaab qarankii soomaaliyeed qabiil baa cuney waa layqaanaa usc mayaley bay waalaayeen mase maanta xamarna waa looga kala tegey,malaayiin dad soomaaliyeed ah baa qabiil lagu layey ,kumanaa hadndidii dowlada ayaa laqaatey oo dadkii qaatey ku jiraan barlmaanka ,kumnaaan handi gaara ayaa laqaatey oo weli lahystaa , iyadoon raali gelin laga bixin oo dib uheshiisiin lasamey , ayaa maanta laleeyahay dowlad baan noqonkaraa sidaad baa dowlad lagu noqon karaa waa yaab cismaan caaato warashadii safeynta badroolka suudaan buu ka iibsadey warsahdii hubka mahadaay uganda ayaa laga iibsadey reer gurguuteow ama reer qoslaayoow odeyada xaad iyo axmed diiriye waa laydin daawanayaa afartaas sano sidaay yeeshaan baa laydinkula xisaabtami doonaaa .hadaadba ku shaqeyneysaaan 1991 inaad joogtaan..ogaada weli daangii anisom baad saaran tihiin amaanka muqdishona wuxuu ku xiranyahay joogida amisom,waa ino afarsano kadib waa inoo markaa iyowaxaynu isku aragno

  6. Banaadir 55 says:

    kkkkkkkkkkkk hantida la dhacey waxaa ka daran hantida Muqdisow lagu dhacey oo an laga hadlin marka maxey soo kordhineysaa hantida aad sheegeysaan somaliya waxey ka dagi la’dahey waa kuwa heysta guryaha ay dhaceen oo wali kirada ka qaatan oo qaar ay wada gateen hadeer oo ah mooryanta ka soo haajirtey cadaado,galgaduud,dhuuso mareeb oo hadda rabta iney indhaha shacbka meel kale u jeediyaan marka hore kabaxa xoolaha aad dhacdeen

Leave a Reply