Maamulka Degmada Hawl-wadaag Oo Dib U Dhis Ka Bilaabay Iskuulkii H/Dhexe Ee XamarJadiid
Muqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa hawlo dib loogu dayactirayo dugsigii hoose/dhexe ee Xamarjadiid ka bilaabay degmadaas iskuulka oo burbursanaa 22-kii sano ee dalku dowlad la’aanta ahaa ayaa xiligan waxaa buux dhaafieyey qashin aad u fara badan waxaana maamulka degmadaas uu ka bilaabay inuu ka qaado qashinka baaxada leh ee dhex yaalay iskuulka iyo hareerihiisa waxayna sheegeen in talaabada xigta ay tahay dib u dhiska iskuulkaas oo ay wax ka baran jireen ubadka Soomaaliyeed.
Waxaana Saxaafada uga warbixiyey guddomiye kuxigeenka degmada hawl-wadaag Axmed Ciise Sheekh oo sheegay in markii ay arkeen baahida ay u qabaan shacabka degmadu iskuulka ay garowsadeen iyagoo la kaashanaya hay’adaha waxbarashada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir in dib loo dhiso iskuulak Xamar Jadiid ee degmadaas wuxuuna intaa raaciyey in qoysas badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan doonaan iskuulka.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in dib u dhiska iskuulka ay u wajahayaan labo qaab oo kala ah in marka hore laga qaado qashinka buuxdhaafiyey gudaha iskuulka kadib markii la hagaajiyo nadaafadiisa dib u dhis lagu bilaabi doono isagoona intaa kusii daray in marka la dhameeyo dhismihiisane wax lagu bari doono ubadka Soomaaliyeed.
Dadka ku dhaqan xaafada Xamar Jadiid ayaa soo dhaweeyey dib u dhiska lagu bilaabay Iskuulka waxayna maamulka degmada iyo kan gobolka uga mahad celiyeen dadaalada ay ku doonayaan iney dib ugu hawl galiyaan waxyaabihii bulshada ka dhexeeyey oo ku burburay dagaaladii Sokeeye ee dalka dib u dhigay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho













Asc maasha allah waa tilaabo wanagsan oo mujnieyso in reer muqdisho ey heleen dad wax qabanayo oo fahamsan macnaha dowlad iyo nolol wana ku faraxsanahay manta in aan maqlo howshas oo kale awal waxan maqli jirnay dagal iyo qax wax la mid alle aya mahad leh alle hano hagajiyo dalkena aamin