Maamulka Degmada Hodan Oo Dadka Ku Ganacsada Suuqa Siigaale Ugu Baaqay Iney Ka Guuraan Suuqaas


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Hodan ayaa ugu baaqay shacabka ku ganacsaday suuq kamid ah suuqyada kuyaala degmadaas iney gabi ahaanba iskga guuraan suuqaas gudoomiyaha degmada Hodan  Cabdi Maxamed Dhabaneey oo saxaafada la hadlayey ayaa ugu baaqay in shacabka ku ganacsada suuqa Siigaale ee degmadaas ay banneeyaan suuqaas isagoona sheegay in marka ay dadka ka saaraan ay dib u dhis ku bilaabi doonaan suuqaas oo si weyn ugu burburay dagaaladii dalka ka dhacay.

Gudoomiye dhabaneey ayaa tilmaamay in ganacsatada goobaha ganacsi ku leh suuqaas ay si ded deg ah uga guuraan suuqaas si dayactir loogu sameeyo suuqaas, mar la weydiiyey in dadka ay ka saarayaan suuqaas ay u diyaariyeen goobtii ay u guuri lahaayeen ayaa waxa uu gudoomiyuhu meesha ka saaray iney goob kale u diyaariyeen dadkaas isagoona sheegay in suuqu uu yahay goob ka wada dhexeysa bulsho weynta Soomaaliyeed sidaas darteedna ay muhiim tahay in la baneeyo suuqaas si dib u dhis iyo dib u habayn loogu samayn lahaa.

Ganacsatada xiligan goobaha ganacsi ku leh suuqaas ayaa cabasho ka muujinaya go’aanka kasoo baxay maamulka degmada Hodan ee ku aadan iney ka baxaan suuqaas,waxayna ka codsadeen maamulka gobolka banaadir inuu u diyaaro goobo  kale oo ay ku ganacsadaan marka ay ka guuraan suuqa Siigaale oo ay mudooyinkii lasoo dhaafay ku ganacsan jireen.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “Maamulka Degmada Hodan Oo Dadka Ku Ganacsada Suuqa Siigaale Ugu Baaqay Iney Ka Guuraan Suuqaas”

  1. runsheeg says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkk war hantida shacbka la dhacey halga baxo 16 degmo ee gobolka banadir uu ka koobanyahey hantida la dhacey ayey meesha u taaganyihiin haddba meesha dowlada kama jirto ee waakan lagu muadahardey

  2. sadaq says:

    Ninka nacaska ah ee isku sheegay in la yiraah run sheek Adeer markaad leedahay 16 dagmo halaga baxo ma hooyada ayaa ku siisay adiga mise dhaqtar ayaa kuu qoray war meesha waxba kuma heyside magaalada ka fadhiiso

Leave a Reply