Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Weerarkii Buula-mareer In Lagu Soo Furtay Haleestihii Faransiiska


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay furteen in ajnabi ah oo looga heestay wadanka Soomaaliya.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamada Faransiiska ay khasaaro gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab isla markaana ay ka bixiyeen gacantooda ninkaan u dhashay wadankaasi Faransiiska.

C/qaadir Siii gudoomiyaha maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu sidoo kale uu sheegay in warkaasi uu haatn asu xaqiijinaayo isla markaana uu yahay war hubaal ah.

Inkastoo gudoomiyaha gobalka uu sidaan sheegayo ayaa hadana waxaanan jirin  ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada Farnsiiska oo ku aadan arintaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda sheegay in ay gacanta ku sii dhigtay ciidamo kale oo faransiis ah oo ka mid ah kuwa weerarka soo qaaday.

Degmada Buula-Mareer ee gobalka shabeelaha Hoosea ayaa waxaa ka dhacay weerar ay ciidamada Faransiiska ay ku qaadeen xarumo ay leeyihiin Al-Shabaab.

Ilaa iyo iminka sidoo kale ma jirto wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Soomaaliya oo ku aadan weerarkaan ciidamada Faransiiska ay ka geesteen gudaha wadanka Soomaaliya.

 RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

4 Responses for “Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Oo Sheegay Weerarkii Buula-mareer In Lagu Soo Furtay Haleestihii Faransiiska”

  1. Qoono; says:

    Qandaraaska shabaabka intii ay haysteen ninkaas
    Faransiiska ah imisa somali ayey dileen ?maxaa
    Kaaga baxay !!

  2. Af-Aji says:

    Denis Alex iyo commandos ka fransiiska waa dhinteen.Le Français Denis Allex, qui était retenu en otage par des islamistes en Somalie depuis juillet 2009, a été tué, “abattu par ses geôliers”, lors d’une opération menée par la DGSE pour tenter de le libérer dans la nuit de vendredi à samedi. “Le commando de la DGSE a fait face d’emblée à une forte résistance”, indique, samedi, le ministère de la défense dans un communiqué, et “au cours de l’assaut, des combats violents ont eu lieu”. Deux soldats français “ont perdu la vie” et “17 terroristes ont été tués” au cours de ces combats, est-il précisé. Jean-Marc Ayrault, le premier ministre, devrait s’exprimer à 10h45. Jean-Yves Le Drian, le ministre de la défense, tiendra une conférence de presse à 11h30.

    L’attaque aurait été menée à partir de quatre hélicoptères militaires, contre une habitation de Bulomarer, une localité contrôlée par les islamistes shebab et située à 110 km au sud de la capitale Mogadiscio.

    Cette opération a eu lieu alors que la France a commencé à intervenir au Mali contre les groupes islamistes.

    “PLUSIEURS CADAVRES Y COMPRIS CELUI D’UN HOMME BLANC”

    “Nous ne savons pas exactement ce qui s’est passé car l’attaque a eu lieu de nuit, mais ce matin nous avons vu plusieurs cadavres y compris celui d’un homme blanc. Trois civils ont également été tués dans l’échange de coups de feu”, rapporte un habitant de Bulomarer.

    Denis Allex – a priori un pseudonyme –, un agent de la DGSE (services français du renseignement) est détenu en Somalie par des insurgés islamistes depuis le 14 juillet 2009. Cet agent avait été enlevé à Mogadiscio avec un autre agent, qui a lui recouvré la liberté en août 2009.

  3. Af-Aji says:

    Sida warbixinta aan kasoo xiganay warbahinta faransiska Denis Alex iyo labo camandoska faransiska ayaa dhinta xalay kadib weerar ay qadeen cidamada fransisku xalay saqdii dhexe. Waxaa halkaas ku dhinta 17 al-shabab ah. Raisulwasaraha M. Ayrault ayaa maanta warbahinta caalamka la hadli doona si uu uxaqiijiyo warkaas. Wariyaha volontariga ah Raxanreeb
    Af-aji

  4. admin says:

    Mahadsanid

Leave a Reply