Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Arinsaday Waxa Hortaagan Dib U Dhiska Wadooyinka Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio) Shirkii todobaadlaha ahaa oo ay yeelan jireen gudoomiyaasha 17-ka degmo ee uu ka koobanyahay gobolka Banaadi ayaa maanta oo sabti ah lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho waxaana kulanka maanta goob joog ahaa gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahne duqa magaalada Muqdisho mudane Max’uud Axmednuur Tarsan iyo 17-ka gudoomiye ee degmooyinka gobolka Banaadir waxaana lagu lafa guray arimo badan oo lka xiriira gobolka Banaadir iyo horumarintiisa.

Kulanka ayaa waxaa kamid ahaa waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee diirada lagu saaray arimaha nabadgalyada gobolka banaadir iyo sidoo loo xoojin lahaa waxaana kaloo la iskula sooqaaday intii uu kulanku socday arimaha Nadaafada,Dhismaha wadooyinka,Nal ku xirida wadooyinka Muqdisho iyo dib u dhiska jidadka waaweyn ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, waxaana kulanka maanta si weyn looga arinsaday waxyaabaha hor tagan in la bilaabo dib u dhiska wadooyinka magaalada Muqdisho oo uu dib u dhac ku yimid dhowr jeer oo hore.

Waxaana gabagabdii kulanka la isku raacay in waxyaabaha hortaagan bilaabida dib u dhiska wadooyinka magaalada Muqdisho ay ugu horeyso dadka ka dhistay jidadka hareerahooda dhismayaasha sharci darrada ah, afhayeenka maamulka gobolka Banaadira Max’ed Yuusuf Cismaan ayaa saxaafada u sheegay in shirka  maanta laga soo saaray digniin kama danbeys ah oo loo jeedinayo dadka dhismayaasha sharci darrada ah uga dhisan yihiin hareeraha iyo bartamaha wadooyinka magaalada iney sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in maalmaha soo aadan la bilaabi doono dib u dhiska wadooyinka magaalada Muqdisho  waxayna ka codsadeen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iney maamulka gobolka Banaadir  kala shaqeeyaan hawlaha baaxada leh ee ay xiligan ku gudo jiraan  oo ay ku doonayaan iney hagaajiyaan bilicda iyo amniga Muqdisho.

 

 

RBC Radio

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Arinsaday Waxa Hortaagan Dib U Dhiska Wadooyinka Muqdisho”

  1. Qardhaawi says:

    Jaale gudoomiye, goormaa gurigeyga dadka xooga ku dagan la’iiga saarayaa?????

Leave a Reply