Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inuu Abaabulayo Maalin Uu Ugu Yeeray Maalinta Towbad Keenka & IS Cafinta


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho(RBC Radio)-Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhawaan ay sameyn doonaan maalin uu ugu magacdara  maalintii Toobad keenka iyo Is cafinta ,Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan ayaa sheegay xili uu ka hadlayey Xaflad lagu maamusayey isdhex galka bulshada oo ka dhacday degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in mamaalukiisu uu qaban qaabinayo maalin gaar ah oo dadka ku dhaqan gobolka Banaadir ay is cafindoonaan wuxuuna sheegay in dhamaan bulshada halmeel la iskugu keeni doono isagoona sheegay  in dadkii dhibaatada iyo dulmiga loo geystay ay cafiyaan kuwii ku tacadiyey ,wuxuuna dhanka kale ugu baaqay dadkii dhibaatada u geystay iney iyagune qirtaan iney dhibaato kula keceen walaalohood isla markaane ay cafis ka dalbadaan.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in marka ay arintaas hirgaliyaan ay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho oo dhibaatooyin badan ay kala gaareen ay is cafin doonaan laabtane ay isku furi doonaan kadibne ay ku talaabsan doonaan guul iyo horu mar hal meelne ay u wada jeesan doonaan oo ay wax wada qabsan doonaan.

Gudoomiye Tarsan  ayaa sidoo kale baaq u jeediyey dadka ku jira guryaha aysan lahayn wuxuuna ugu yeeray iney guryahaas ku wareejiyaan  dadkii lahaa walibane ay cafis weydiistaan intii ay daganaayeen, si ay meesha uga baxdo cuqdada iyo colaada ay isku hayaan bulshada Soomaaliyeed oo ay soo daashadeen dagaalo sokeeye oo dalka Soomaaliya baday dhibaatada dabada dheeraatay ee uu dalku Soomaray.

 

RBC

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

23 Responses for “Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inuu Abaabulayo Maalin Uu Ugu Yeeray Maalinta Towbad Keenka & IS Cafinta”

  1. Cilmi dheere says:

    Maasha Allaah. Waa wax loo baahan yahay.

  2. daljir says:

    Tarsan asagu marka u horeysa dadka i cafiya ha dhaho kadibna dad kale haka hadlo. mida kale dadka guryaha aysan laheyn degan sida axmed diiriye iyo xaad waxey ku dageen xoog iyo sharci daro, marka af lama rabee tarsan ma hayaa sharci ka saara hadii ay diidaana xoog xaalku waxey ila tahey maya,
    marka waxaan odhan lahaa cid usoo socota iyo wadan ay caasimad u tahey midna ma jirtee ader iska dhaaf ha deganaadeene.

  3. zaki says:

    mashalaaah mudane tarsan guuleeso waxan ka codsanayaa in aad u soo celiso dadkii guryahooda laga xooogay sanadkii 1991

  4. Wadani says:

    Waa arin fiican, lakiin dhaqalaha kasoo xarooda irborka iyo dekada Mugdisho ma dadka gobal ayaa wax loogu qabanayaa misa dadkale?

  5. ahmedpunt-------------- says:

    runtii waa wax wanaagsan dadku inay’iscafiyaan ,mugdiga oo ah jahliga iyo dibdhaca kayimid dagaalada iyo xaasidnimadana la iska dhaafo ,hantida xaaraantaana qof walba uu iska celiyo iyo in aay ogaadaan inaan cidna noolaan karin dawlad la’aan waayo dawladu waa tan keenta sharciga iyo kaladambaynta dawladu waa tan keenta inay dadkeeda ka ilaaliso jahliga shaqo la’aanta iyo cudurada iyo nabad’la’aanta .dawladu waa tan keenta inay ilaaliso bad iyo bariba cadawguna kaaga baqo adduunkuna kugu ixtiraamo haddaba waxaa dadka soomaalidaa gaar ahaan kuwa u dhaw dawladdu meesheey kasoo’istaarmayso oo ah gobolka banaadir inay lashaqeeyaan godoomiyaha gobolka banaadir oo ah nin keeni kara horumarinta muqdisha iyo inay lashaqeeyaan dawladdooda si logaaro dawlad dhamaystiran oo dadka nolol iyo barwaaqo iyo bash bash u keenta .waxaa kaloo looga baahanyahay dawladda uu hogaaminaayo madaxweyne xasan inuu iska ilaaliyo arimahaan hoos kuqoron 1-musuqmaasuq waayo musuqmaasuq intuu jiro wax horumara ma’imaanayaan waana in qofkii xoolaha dawladda xada latoogtaa ama sharciga islaamka laguqaadaa oo ah gacmo goys illaa inta laga cararayo in laxado dawladda xoolaheeda ,dawladduna cagaheeda isku taagayso ,2-inay dawladdu ilaaliso nidaamka fadaraaligaa lana timaado siyaasad dabacsan oo dagddaga oo aan ahayn burburin maamul dowlad goboleed oo dhisan, oo u dhisan sidii tastuurku ahaa labo gobil iwm 3-waa in dawladdu latimaado siyaasad fiican iyo mid dhaqaale oo ciidamadii qaranka oo isku dhafan oo leh qabiil walba ladhiso dawladduna siiso muhiimadda koobaad oo iskariga dagaalamaya lasiiyo dhaqaale iyo daryeel iyo gunno waxaana dawladdu taas ku heli kartaa in ciidamada laga dhigo kuwo dhaqaalahooda iyo tiradoodu la’isku xadeeyo oo aan waayin xuquuqdooda ayadoo lagu xisaabtamayo waxa waddanka kasoobaxaya oo ah canshuuraha oo aan la’isku hallaynin shisheeye qaarkood soomaali burburshay oo lahubo ,3-waa in dawladdu dhallinta mashquulisaa sida waxbarashada iyo beero falatada iyo kalluumaysiga taasoo loo’abuurayo iskaashatooyin, iyo hawlaha dibudhiska iyo nadaafadda ,mana loo’isticmaayo baajadka canshuuraha waxaa looleexinaayaa waxii gargaara oo caalamka looga helo oo dhaqaalaa taasoo wax katari doonta in shabaab laga soocararo. gabagabadii waxaa dawladda looga baahanyahay in latimaado isku xirnaasho iyo dadaal joogtaa iyo inay kadhab tahay inay sooceliyaan qaranimadii soomaaliya ,si dadka soomaaliyeed dibad iyo gudaba u helaan badbaado rismiya iyo nolol ……scww

  6. Banaadir Boy says:

    Maasha allah Gudoomiye Tarsan aad ayee u wanaagsantahay in maalin is cafis ah la sameeyo insha allah lkn waxaa jira dad badan oo aan danbi laga galin guryana laga heesan lkn xag alle ka cuqdadesan ujeedkoodana Dowlad diid tahay waana hal beel oo ka mid ah dhulka puntland waliba cida magacas ku qarabta misna dadka la dagan aan wax siin koley Tarsan wuu ogyahay cuqdada iyo xaasidnimada kuwas ee hala dhintaane yaan lagu soo darin intas ayaa iga codsi ah koley rer gedo hargaysa kismayo xamar jowhar kuli waa is cafin karaan oo hal qadiyad soomali nimo ah ayaa ka dhaxeso xitaa laascanod iyo sanaag lkn tuulada garoowe iyo kistoo galkacyo ah xitaa rer bariga waa dad fiican iyo rer qardho lkn labadas kale hala dhintane yaan lala hadal waliba hada iyo kow hala sii cuqdadeyo

  7. qoslaye says:

    Waa arin. Wanaagsan in reer muqdisho is cafiyaan waana bilow. Somali meel ay joogtaba dhibaato waysku geysteen xamar oo keliya maaha kanle somali xamar uma so socoto waadan waayo arkin muqdisho waa wadan somaliyeed sida. Hargeysa iyo bosaso aan lagaaga sheeganayn waxa keliyoo aynu u caynaa walaalahe waa dhabta kuraagtay ee dowladlantu keenta ilaahay maanta inuu kasaaro dhibta waan uducaynayaa horena waan ugu duceeyey muslin dhab ah matahid hadaad ku faraxdo dhibka walaal muslinka ah reer muqdishi waaba walaalaheen somaliyeed iyo muraayadii wadanka. Is cafiya reer muqdishow cafisna waydiista walaalahiin somaliyeed meel kastay jogan. Plnd iyo slandba anigu waxan jooga bosaso waana idin hanbalyaynayaa ilaah nabad haydin siiyan leeyahay

  8. qoslaye says:

    Banaadir boy. Walaal. Somalida reer waqooyi waxay ku mahmahdaa dheg hadii lajaro daloolka hadhi inaga daa kala gurka iyo reerahad magaysa ogay dadbana oo wanaagsan ayaa ku nool. Kyoto qaar xun meelkasta aanse xaqirno inta xumaanta wada. Inagodhan baa aduunku laynaga nacay. Dadkasi ma yaqaanin qabiil aan ahayn somali. Wax kasta. Xaga wanaagsan walaal aan ka eegno qabri cidla ah. Ayaa inaga dabeeyae

  9. Puntland boy says:

    Tarzan waa ku mahad santahay hadlakaaga qiimaha leh yes we are brothers & sisters Maxaa saan dowlada dhexe ugu hadli weyasay ? Wadankeyga Soomaalia waan jeclahay Xoriyada & Calankaas quruxda badan dheeldheel naguma soo galin , Waa in laga runsheegaa tacadigii loo geystay Muwaa diniin Soomaali ah Only Reer keey yihiin waxaan u baahanahay wada hadal dhaba . Maxaa naloogu kala turjumayaa Waxaan nahay Soomaali Macnaheedu waa waxbadan baa naga halaabay Dadbadan baa maalayacni naftoodii u waa yay why ? Wadanka anagaa iska leh(SOOMAALI) hadii aanan sidhaba ugu kicin gacanteenuu kabaxayaa hala hishiiyo, Maxaa loo bar yayaa wadamo shisheeye inteena qurbaha joogta waa dhisan karnaa ciidan wiilasheena ah laga kee nayna State kasata Anigu diyaar baan u ahay inaan ka qaybqaato markii si dhaba loo hadlo ,Uganda , Kenya yes Ethopia , Jabuuti hanaga baxaan wadankeena waa ku filanahay , Viva Soomaalia , Puntland & Jubaland

  10. Hanad says:

    Wado loo maro ayeey arintani leedahay, qolo kastaa dad beey leeyihiin, iyaga hala xariiraan oo si toos ah dib u heshiisiin haloo bilaabo ama nac nacda nagala tago,,,,……..

  11. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin.

    Waa arrin aad u wanaagsan arrinka uu Gudoomiye Tarsan ka hadlay.Waana ku mahadsanyahay.

    Dadka qaar already hadalada raqiiska sheegay waxaa la’idinka rabaa cadeeyn rasmi ah, waxaana hubaa in aadnaan heeynin cadeeyn in aad wax hanti aadnaan ku laheeyn Xamar iyo meel kale oo Somaliya ah. Waxaad tihiin fuqura rabta wax eeysan shaqeeysan iyo naas nuujin in aad heshaan, taasna waa idinka xaaraan.

    Si kasta oo eey tahayse, waa arrin wanaagsan waxa uu ka hadlay Mudane Tarsan, inta wanaagsan ee soo dhaweeyn doonta hadalkaas gudoomiyah ee xikmada leh waa eey soo dhaweeyn, daba dhilif iyo inta buktana hada loogama fadhiya wax wanaag ah, waa dadkii loo qaaday 30 sano ka hor heestii ” si kastoo loogu baaqo, oo loogu yeero barwaaqo, dadbaa meel buktaa, dadbaa meel buktaa” Dadkaas wali waa sidoodii oo waa bukaan, ee saas haloo ogaado. Waa cadowga rasmiga ah ee Dalka jamhuuriyada Somaliyeed.

  12. Ismail says:

    si umada Ilaah ugu naxariisto waa ineey marka hore umada is cafisaa, toobad keentaa, diinta Islaamka leesku xukumaa oo qof walba xaqiisa uu helaa. Arintaan uu ka dhawaajiyay duqa magaalada Muqdisho Tarzan waxaan oran karaa waa arin loo baahnaa, waxaan leeyahay mudane Tarzan Ilaah ha kuu fududeeyo isku keenida umadaan ka haajirtay.
    WSWW

  13. Sahal says:

    Maxaa hal maalin kaliya la isu cafinayaa maa maalin walba la iscafiyo. Maalin in iscafis in la sameysto waaba bidco iyo diin meel kale laga soo amaahday.

    Mida kale sidee la isu cafiyaa iyadoon la wada hadlin oo aan khaladaadkii dhacay la isla fahmin wixii hadeer la sixi karana aan la sixin?

    Ka warran hadii aan iraahdo Gurigaagii iyo Gaarigaagiina waan wadanayaa, Koorkaagii iyo Saacadaadiina waan xiranayaa ee aan iscafino? Soo caqli xumo ma ahan?

    Hadii la rabo in la iscafiyo oo uu ansax noqdo marka hore waa in ay dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah isku yimaadaan oo la wada hadlo oo khaladaadkii dhacay la garawsado si aan dib dambe loogu noqon. Waa in wixii aan laga daba tagi karin ee naf iyo maalba lahaa la isu cafiyo, laakiin wax kastoo hada muuqda oo wax laga qaban karo wax laga qabto.

    Tusaale ahaan guryaha Vilooyinka ah iyo Beeraha lakala haysto waa in la isku celiyo. Gabdhihii iyagoo aan raali ka aheyn Xamarweyne iyo meelaha lamidka ah lagasoo afduubtay oo 22 sano xooga lagu qabay in xorriyadoodii loo celiyo xarumo rehabilitation ahna loo furo si ay noloshoodii hore ee ay raaliga ka ahaayeen dib ugu nowdaan. Waalidiintoodna xaq laga siiyo. Wixii ay dhaleen ee ilaahay ka beerayna aan laga qaarin taariikhdooda dhabta ah si ay wax u hagaajiyaan. Waa in la diwaan galiyo kii ku dhex dhashay guri xaaraan ah iyo kii ku dhashay si baryo-xoog ah.

    Sidoo kale ha la wareysto nin kastoo dalka waxkasoo ahaa ama qabqable ha noqdo ama madaxweyne ha noqdo ama wasiir ha noqdo e. Sheekh Shariif ha la weydiiyo sida uu ku guursaday labada gabdhood oo reer Xamarweynaha ah. Gabdhaha qudhooda bal ha la wareysto sida xaaladoodu tahay iyo xaalka qoysaskooda wali Xamarweyne ku sugan. Magaalo kasta oo soomaaliya ku taalla waa in wixii wax laga qaban karo laga qabtaa.

    Muqdisho waa in la faaruqiyaa guryaha shacabkii la qixiyay 1991. Hargeysa waa la baneeyo dadka guryahooda. Baydhabo Sidoo kale. Baladweyne Sidoo kale. Dhuusamareeb lamid. Waa in hadey jiraan dad gobollada kale iyo magaalooyinka kale wax ka tabanayaahi aysan aamusin ee iyagana si lamid ah loogu celiyaa hadiiba ay jiraan wax ka maqan.

    Markaas baynu iscafinaynaa oo isku calool samaanaynaa. Laakiin Koorkaagii, Saacadaadii iyo Baakoortaadii anoo ku xarakoonayaan kula soo horfariisanayaa kadibna in aan iscafinno kaa dalbanayaa waa laga haboonyahay.

  14. Banaadir Boy says:

    @ Qoslaaye walalkay aad ayaad u mahadsantahay waana qaadan taladada ah inaan daayo kala gurka insha allah xumaan fog kama wadin lkn wlhi runta hadii la sheego soomalida buktaa waa labadas aan sheegay dad aa u maleeya inan Majerten dhan ka wado lkn waa Maxamud Saleban oo boqortooyada laga reebay labada kale ma aqaan halkee wax u wadaan lkn ani fakir ahaan waxay ila tahay dhamaan aqoonyahanada Soomaliyed meel walboo joogan hadii labadan cid ee cumar iyo ciise meel walba runta looga sheegi lahaa oo la oran lahaa ar dhibkan iyo is cuqdadentan beentaa iska daaya wax weyn baa iska badali lahaa waayo hada waad aragtan puntland boy warkisi ugu wanagsanaa maantuu soo qoray lkn hada warkayga xumantaa kiisi ugu danbeyay hadaan ku iraahdo canugas HANAD soo qortay sxb adi kumaba jirtid dadka xamar in ay isku cafiyan la qorsheenooyo waayo tuulo joog aan waligis xamar iman xaa laga cafaa

  15. dhenged says:

    tarsan hadalkiisa ha loo sugo ninkii agoonta guryahooda ku noo loow adaa warkeeni markaa aduunyada lagaa wado ,

  16. Adow says:

    Somali wali ma bislaan, is cafis waxuu imaan karaa marka ay dadka raali ka wada yihiin, dad ayaaba aaminsan gudoomiye tarsan in uu gurigoodi haysto marka sidey wax u cafiyaan, teeda kale dadkaan dhahaayo hanti ayaa naga maqan kuma xisaabtaman miyaa in qarankii dhama la lawaayay?

  17. Kismaayo says:

    What a carp.

    This is Christian concept. Waa bidco diinteena ka horjeedda

    Tolow ma xigi doontaa the day of dead like Mexicans celeberate.

    Haddii Hawiye rabaan in la cafiyo:

    Ha celiyeen guriyihii, xoolihii, beerihii, gaadiidkii iyo xoolihii qaranka ay xaaraanta ku haystaan

    Then ha ku noqdeen gobolladii dhexe ee ay ka soo qaxeen.

    Then qaranka ha u celiyeen safaaradaha ay kireysteen qaranka Soomaliya

    Sidaa oo kale ha celiyeen xoolihii ummadda ay Somali Airline ka mid tahay ee ay weli bililiqaysayaan.

    Inta intaa u dhaxaysana faraha kala baxaan kala daadinta dhulka iyo midnimada beelaha Soomaaliyeed

  18. DrPuntlander says:

    Gudoomiye Tarsan waa caaqil wuxuuse ku fiicnaa inuu fadhiyo booska xassan sh.

    Waxaan kaloo ku talin lahaa in dadka loo furo ‘orientation’ qabyaaladda iyo xasadka looga baabi’inayo sababtoo ah waxaa jira dad buka sida kan la baxay BanadirBoy iyo kan kale ee Cadaado, bal daya waxaa laga hadlayey in ummadda soomaaliyeed la isku soo dhaweeyo iyaguna waxay ka hadlayaan cuqdad iyo nacayb ay u qabaan qabaa’il soomaaliyeed.

  19. Fanax says:

    Asc xaqiqdi tar san waxo ka had lay wax lo bah nay lakin hal ayan umalen dowlada iney kadhe manta hay waxan jeclahay cidama isku dhafa lasa meyo se lo wayo ano rer hebela ke xamar jogay laga turo beydhobo ama hiran ama kismayo ama jowhar ama marko ama kismayo marka waxan isleya hay wadan ka wo hagage tar san suaal meye guryi he hargaysa

  20. Hani says:

    @kismaayo
    Aniga waxaan doona sameynaa wana ku saxsanahay adigana hadaad sameyso waa xaraan iyo qalad miya ? Maxaa hawiye ugu soo ordee ?

    magac dowladeed baa hanti, beero, dhul iyo dad lagu dhacay, lagu dilay oo sanado socday ha umaleynin in cid gooni ee raali ahaasho iyo cafis weydisanaan ee mid kasto wuxuu sameyeey wuu ogyahay wana lawada ogyahay qofkii wax laga heysto waa qasab in loo celiyo wana loo celinaa lakin dadkii dadka goboladooda ugu tagay oo magac dowladood dadka ku layaay, dhac iyo hanti boob fuliyeey oo qabil ahaan uu target gareeyen ayagana xal ha keenan oo konfur ila waqooyi ah ileen dhibka ayaga ugu hormaray.

  21. G. Goodir says:

    kii ugu xumaa baa ku leh ha la i cafiyo, reconciliation-kooda iyo wada hadalkooda uma baahnin ee cidii idiinka baahan u geeya.

  22. Fanax says:

    Asc kismayo yarka wato ader hanti wadage umada waxa qatay wa adiga qaranke qofka dabka ku sheday wa adiga awa lacagte qaran ka lahay mida kale kismayo xamar waxa daganay 5 bilood somaliyed wage 1991 waxay ahed 16 dagmo marka so xisabe darod kasta guri baka maqan layab ader dadke gur ya hodi boqol kiba sagashan walo celshay mise xamar ad madax ka ahed bad istire ada iska leh waxas wa wixi dadka ku kala tagen bal adon hawiye edin dib umilic so dadka xabad ayaga qaran ka ku bilaway 2 aya kenay qabyalad 3 alqacido asal keda waxa kenay rer puland urur ke ala tahad 4 bur cad baded wadan ke ayaga bilaway 5 itobiyo casimada qaranka ayaga kenay 6 wala laha isaaq ayaga fogeyay isheg mel an ku raco ama an kaga dawa felo ila hada waxe nu taga nahay wala low kalama mara no an hesheno waka xamar tak ya tahay lugu oran mayo wadhul somaliye garowe walagu bare xor ku noqo mey sid hargaysa la kada liga marka waxad afka hawiye logu qaso mawa yalo xamar waxa kunol 5 somali xor aye ku yi hen

  23. ciid yare says:

    hal xaaraan ah nirig xaraan ah madhasho tarsan kasooqaad hadalkiisa hashaa adeer waxaad kufa dhida hantidii dadka hadana adaa cafis dalbanaya adoo kufadhiya dadka hantidiisa horta soo baro kal mada cafiska qiimihiisa mida dhoocilka labaxahay banaadir boy adeer puntland waa punland nala mana kala qaad qaado waxaanse ku xasuusin labadaan qabiil ee aad magacow day waxay kugu dhufteen dhar baaxo waxaana ku qarow daa habaynkii mida cumar waxaa ka dhashay c\ lahi waana ogayd tuu kugu dhigay 1991 tan ciise waxaa ka dhashay xuseen shaydaan iyo fadoole waana taqaan waajibka ay ku siiyeen waana noo socon barida casharada kuu socda waayo labada ugu macalin wanaag san oo kusoo mara abid sida ayaad ugu qarwaysaan kkkkkkkkkkk mida muqdishana ninkasta hantidiisa calaal kusoo ceshan maayo ee shan farood iyo calacal ayuu kusoo ceshan wax kastana waxay leeyihiin waqti waana sugin waqtigayga iska daac daacso waqtigaa kusaaciday laakiin cayaar waa galin danbe iyo xamer caday kkkkkkkkkkk

Leave a Reply