Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay Inuu Dib U Dhis Ku Bilaabi Doono Wadooyinka Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney dib u dhis ku samaynayaan wadooyinka magaalada Muqdisho gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmednuur Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolku uu ku hawlanyahay sidii dib loogu dayactiri lahaa wadooyinka magaalada Muqdisho oo xiliga burbur xoogan uu ka muuqdo.
Gudoomiye tarsan ayaa digniin adag u diray dadka dhistay jidadka dhexdooda wuxuuna ugu baaqay iney sida ugu dhaqsaha badan uga guuraan wadooyinka dhexdooda inta aan si xoog ah looga burburin guryaha ay ka dhisteen wadada dhexdeeda wuxuuna sidoo kale canaantay dadka Hoteelada ku leh Muqdisho oo ku eedeeyey iney xireen Marshabiyeedkii uu dadku mari lahaa iyagoo ku xayndaabay biro iyo silig si ay amaanka hoteeladooda u sugaan wuxuuna u sheegay in maamulka gobolku uusan aqbali doonin arinkaas dadkaasne looga bahanyahay iney umada jidka u firaan.
Tarsan ayaa sheegay iney dhawaan dib u dhis ka bilaabayaan inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho oo aan dayactir helin 20-kii sano ee lasoo dhaafay wuxuuna sheegay in maamulka gobolka banaadir ay ka go’antahay soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho ee Xarunta Wadanka Soomaaliya, isagoona ballan qaaday in bilaha soo aaddan uu wax weyn iska bedeli doono bilicda Caasimada Muqdisho.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaalo badan ka wada gudaha magaalada Muqdisho oo ay ku doonayaan iney caasimada kusoo celiyaan sidii ay ahayd barisamaad, balse waxaa horyaala hawlo adag oo u baahan Maal, Maskax Iyo Muruq badan waana iney dadka Soomaaliyeed iska kaashadaan sidii wadankooda ay u dhisan lahayeen oo ay u hiigsan lahaayeen caalamka intiisa kale oo ay xilgan ka danbeeyaan inbadan 20 sano oo ay dib u socod ahaayeen.
RBC Radio













Ilaahey ha idinku guuleeyo waxii wanaag ah ee aad dalka iyo dadka Soomaaliyeed u haysaan.
Dadka degey xamar waxay ku caan baxeen inaan loo aaba yeelin ama sidii la doona loo dhistay dhulkii iyo guryihii ahaa danta guud, dadkaas waa in laga soo celiyaa adeegyadaas maxaa yeelay hantidaas waxaa leh soomali oo dhan nin cafin karaa ma jiro, waa haddii cadaalad la dabaqayo.