Maamulka Puntland Oo Sheegay Inay Gacanta Ku Soo Dhigeen Dagaalyahano Ka Tirsan Al-Shabaab
Muqdisho RBC Radio) Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka soo horjeeda maamulkaasi, ka dib dagaal ka dhacay buuralayda Galgala
Maamulka Puntland ayaaa sidoo kale sheegay in ay la wareegeen deegaanadii uu dagaalka ka dhacay ee Galgala isla markaana ay ka saareen kooxda Al-Shabaab
Taliyaha ciidamada Puntland ee Buuralayda Galgala Jaamac Siciid Warsame (Afgaduud) ayaa warbaahinta u sheegay in ay sii socon doonaan dagaaladaan inta gabi ahaanba Al-Shabaab aga saarayo deegaanadaasi.
Wuxuu sidoo kale taliyuhu uu sheegay in dagaalka ka dhacay halkaasi uu ka danbeeyay ka dib markii ay weerar qaadeen ciidamada Puntland isla markaana ay weeraro meelo ay ku sugnaayeen kooxdaan.
Deegaano ka tirsan Puntland ayaa waxaa jooga dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan kuhaaya deegaanada Puntland.
Ilaa iyo iminka majirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay Buuralayda Galgala, marka laga soo tago hadalka soo yeeray maamulka Puntland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho















warkas lama hubo,waxase dhici karta in arin siyaseded tahay hadalka ciidamadda puntland shegayan.
mohamed yaa kugu yiri war jira mahan maxaa ku beeninaysaa mise hadal barad baa tahay
Saaxiib maxamed maxaad ku beenisay hadalka ciidanka ma waxxad ka xuntahay guusha, waxaad hadalkaada ku fiicnaa inaad tiraahdo waa guul u soo hoyatay shacabka waayo waxaa laga difaacay cadaw ku soo duulay.
anaguna waxaan leenahay waa guul ay gaarreen cidamada qalabka sida ee puntland.